Walaal aadbaan idiin salamayaa dhaqaatiirta sharafta leh. Walaal waxaan idin suaalayaa xaaskayga ayaa muddo 15 sano oo aan isqabnay waxay leedahay xanuun suuxdin oo kale ah markay aad u cadhooto ama naxdo sida geeri loo sheego oo kale. Way jiifsanaysaa ka bacdina indhaha ayuunbay kala haynaysaa. Dhaqdhaqaq kale malaha. Muddo ka dib ayey taah samaynaysaa oo si diciif ah hadalka usoo bilaabaysaa iyadoo daal badan ka muuqdo oo wadnaha ka sheeganaysa. Fadlan iga caawiya xanuunkaas. Mahadsanidin.