Bismillah,
Waxaan casharkaan kaga hadlaynaa dhibaatooyinka keensan kara halis caafimaad xilliga foosha iyo qaabka ay hooyada ugu baraarugi karto iyo wax la gudboon.
Maadaama hooyooyin badan ay doorbidaan inay guryaha ku fooshaan, waxaa muhiim ah in uurkaasi uu yahay mid sa dabiici ah loogu dhalin karo xaafadda, laakiin haddii ay jirto cillad keensan karto in foosha dhib ka dhasho taasoo saameyn kara hooyada ama uurjiifka waxaa haboon in xarun caafimaad ay hooyada ku dhasho.
Cilladaha ugu muhiimsan ee qasab ka dhigayo in hooyadu ay isbitaalka ku dhasho waxaa ka mid ah:
- Hadduu uurkii kuugu horeeyay yahay ku dadaal inaad ku foolatid meel dhakhtar laga heli karo haddii ay dhibaato timaado.
- Haddii uurkii hore lagugu qalay waa muhiim inaad isbitaalka ku dhashaa, waa laga yaabaa in fursad lagu siiyo inaad si caadi ah u dhashid inta aan mar labaad lagu qalin.
- Haddii minka aad ku lahayd buro "Fibroid" inta aadan uur yeelan, sidaasne aad uur ku qaaday, waa muhiim inaad isbitaalka ku dhashaa.
- Haddii aad sidid mataano ama ka badan waa qasab inaad isbitaal ama xarun caafimaad aad ku dhashaa.
- Haddii da'daadu ay ka weyn tahay 35 sano, uurkii kuugu horeeyayne uu yahay waa muhiim inaad isbitaal ku dhashaa sababtoo ah waxay haweenkaan la kulmaan dhibaatooyin dhowr ah oo xilliga foosha lagu bararugo.
- Haddii aad qabtid macaanka uurka, waxay u badan tahay in uurjiifka miisaankiisu uu weyn yahay, waa inaad ku dhashaa isbitaalka.
- Haddii aad isku ogaan jirtay cillad ibida ah oo ku taallo qeybta hoose ee minka ama horay dhakhtarka kuugu sheegay, waa inaad mar walba ood uur qaadid ku dhashaa isbitaalka illaa kumbuyuutarka uu kuu sheego wax ka duwan mooyee.
- Haddii fooshii hore aad ku dhibtootay ama cunuga kaaga saqiiray waa qasab in markaan aad isbitaal ku dhashaa.
- Haddii aad tahay hooyo horau u dhashay caruur badan, waxaa laga yaabaa in minka uu dabacsan yahay oo aad u baahatid wax foosha kaalmeeyo, sidaa darteed waa muhiim inaad xarunta ku dhashaa.
- Haddii foosha ay soo dhakhsato iyadoo xilligeeda la gaarin waa inaadan guriga ku dhalin oo aad isbitaalka tagtaa.
- Haddii cunuga uusan toosnayn oo dabo keen ama dhinac keen uu yahay waa qasab inaad isbitaalka ku dhashaa oo aadan isku dayin guriga.
- Hadduu dhiigaagu yar yahay, lagana yaabo inaad dhiig-baxdid waa muhiim inaad ku dhashaa meel aad ka heli kartid dhiig.
- Haddii aad qabtid xanuunka dhiig-karka, wadne xanuunka ama kilyaha waa qasab inaad isbitaalka ku dhashaa, dhakhtarknae la socodsii xaaladahaaga caafimaad.
- Hadduu dhakhtarkaaga ku sheegay cillad dhinaca uurka oo ku saabsan adiga ama uurjiifka waa inaad ku dhashaa isbitaalka.
Hooyooyin badan ayaa ka fogaada inay isbitaalka ku dhalaan iyagoo ka fakarayo arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Qarashka ku baxayo isbitaalka, Cabsi in hooyadu lagu qalo caruurta iyo Wacyi la'aan ku aadan faa'idada ku dhalidda isibtaalka ama dhibka mararka qaar ka dhalan karo in guryaha lagu dhalo.
Akhriso qoraal kale oo ku saabsan cilladaha aan halista ahayn oo ay hooyada uurka leh isku arki karto iyo sida ay ula tacaali lahayd:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1203.0