Asalaama calaykum, waan idin salaamayaa marka hore walaal, bacda salan waxaan joogaa Dalkii waxaanan rabaa soojeedin Talo dhakhtar, waxaan in muddo ah oo Toddobo sanno ku siman ahaa Bukaan-Luud, Cudur aan garan waayey aya I haya, da’deyduna waa 24-sano, Xanuunkeygu wuxu iga hayaa Xubinta Taranka {Xiniinyaha}, walaal isgalihii sanadihii 2010-2011 ayaan dareemey inay jirto Xalaad caafimaad daro oo ilasoo daristey Taasoo aan ilaa maanta kazoo waaqsan laayahay, Lana baaxaa dagayo, kadib markii xanuunba ha ii dheeraadee Aan Hanan waayey ama gaaadhi waayey Marxaladii Qaan gaadhnimada{Baaluqa}, oo aanay Xiniyahaygii ama qooodhahaygii uu muuqaaal ahaan aanay waxna iska badalin kahor siduu ahaay Qaadhgaadhnimayda ama sidii dhalaan nimadaydii uu ahaay, marka laga tago inay iisoo baxdey uun Shuun{Timo/Jiciiarad} & Inay ii sameysantay Shahwadii Raganimadu balse muuqaalka Xajmi iyo dherer ee Qooodhaheygu uuba ka liito midii Markii la i gudey oo xataa uuba kasii gudhey intuu leekaa waagaas(Noqdeydana Cidi-Qabad).
*- Astaamaha aan leeyahay,,, ( 1- Kaadida oo i gubta mararka qaarna bilaa ikhtiyaar ii soo dhaafta, Balse midaa lidigeedana xiliyada qaar igu dhagta, 2- labada xiniyood oo I kala dheerada iyadoo badi mida bidixdu I yaraato xiliyada qaar. 3- Danqaro iyo Damqasho Xanuun leh oo mararka Qaar ku imaada Xiniinteyda Bidixda Taasoo aad moodo inayba malaxi fadhido oo ay qodaxi ku jabantahay, 4- Hadii aan Biyo Bax sameeyo, imaanshiyaha Biyaha Oo aad ii dhibaaya aadna ii guba bal aan mararka Qaarkood Miyir beeli gaadho xanuun dartii, waxaana kaloo isla xiligaas I Xanuuna Laba Xidid oo sinahayga ku teedsan ” Lagasoo bilaabo Labada Kalyood hoostooda Ilaa Lafta Xiniyaha Dushiisa ee Tintu ku taal ” kuwaasoo Dhinacayga Midig iyo Dhinacayga Bidix ba iga garaaca waqti kooban. 5- Ibta ama Afka hore ee kobarta qoodhahayga oo markii aan fiiriyo ama kala Qabto ay ka muuqdaan nabaro cascas, kuwaasoo aad moodo inay kolna baaba’aan kolna sameysmaan siiba xiliyada aan mani baxa sameeyo “ Riyo iyo Hadii aan qayilo oo Manidu isoo dhaafto & Si kale ba”.)
*-Waxa ay igu sheegeen Dhaqaatiirtu,,,,( DHaqtaro badan waan marey hase yeeshee maaro kamaan helin oo Xanuunka jabtida iyo wax ceynkaasa ayay igu sheegeen ,,, balse Dhaqtar Adari/Herer (Ethiopia) ku yaal oon tagey wuxuu ii sheegey in uu cudurkeygu yahay Nabar muddo hore Xiniinta iga gaadhey oo jug ah.. lkn daawo ayuu ii qorey muddo 3 biloodana soo isticmaal buu igu yidhi kadibna igu soo laabo,,, balse Dib ugu noqoshadiisii Ii may suura galin oo Itoobiya Ayaa Xadka igu Xanibtey Arimo Dhanka sharciga la xidhiidha,, sidaasaana kaga hadhey iyada iyo Dhaqtar dambe maadaama aan hore u wada maray kuwa gudaha Debedna aanan Tahleyn Hantideed.)
*-Waxa aan u maleeynayo inuu igu keeney Cudurkan,,, ( walaal waxaan yaraanteydii lahaa Dhaqan aaad u xun oo dhalinyaarnimo ku qotoma, anigoo aad u isticmaali jirey Gacanteyda si aan Biyaha isaga keeno, Qiyaas ahaan Markii Aan jirey 12-15 sanno, taasoo aan si waaliya ama Qeyrul Xada u Isticmaali jirey Anigoon u kala aabo yeeli jirin, habeen yo Dharaar toona goor iyo xili toona, si isdaba joogana aan u maali jirey Gacantayda, maadaama ay markaa shahwaadku dhalinyarnimadu uu aad kacsanaa iigana xoogweynaa , ana aan aad u nafaqo badnaa maadaama aan hudheel noo furaa seddexda xiliba wax ka cunni jirey.)
*-Tafaashiil dheeraada,,,, ( Xaas malihi, Mana Shaqeeyo waxna ma barto, mana Baxo oo hada Dadka & Bulshadaba waan ka qaloodaa--- saameynta Xanuunkeyga Dartiis. Waana Iska Buukaan-jifaa.).
Mahadsanid walaal waxaan ku Rajo weynahay in wixii uu alle sw kaa garansiiyo inaad ila wadaagi doonto insha allah