Author Topic: Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?  (Read 8952 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mustafe Hanad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?
« on: May 08, 2018, 02:44:51 AM »
Asc Dhamaan Bahda Somalidoc.Waxan Ahay Wiil 22 Jir Ah. Waxan isku Arkaya Mudo ilaa Hada laga joogo dhowr sano xanuun xabadka ah,waxan mar u qaatay inaan wadno xanuun qabo, waxan dareemaa qaadashada neefta oo i dhibaysa,xabadka xaga hoose oo yara raacsan dhanka bidix lafta sooyara taagan ee loo yaqaano sakaarka iyo dhanka bidix ee ku toosan laftaasi sakaar ayaan xanuun damqasho ah ka dareemaa. Kadib markii mudo sidaa ahaa,ayaa waxa iigu biirtay in murqo xanuun garbaha iga bilaabmay oo waxan caadaystay markay taasi igu timiday inaan garbaha gag-gag ka siiyo anoo gacmaha kor u tuuraya,kadib muraqa qoorta ayaa i bilaabay inta badan markaan dareemo qoorta ayaan qac-qac kasiiyaa,gacmaha ayaa isoo raaca murqo xanuunka dhulka laabatada ah. Jilbaha ayaa sidoo kale inta badan markaan fidiyo iyaguna qac-qac i yidhaahda shanqadh aan maqlayo. Marmarka qaar marka neef qaadashadu igu adkaato waan yara foorarsadaa qaabka rukuucda oo kale anoo neef qaadasho raadinaya,ama intaanyara istaago ayaan awood adeegsadaa si neefta i dhibaysa aan u qaato, markaan jiifsadana culays yar ayaan ka dareemayaa xabadka iyo xanuun xaga lafta sakaarka ah. Dhakhtar waan u tagay mudo hada laga joogo 10 Bilood waxa uu ahaa dhakhtar xaga wadnaha ah,wuxuu i saaray Comp. wuxuu ii sheegay inaanan wadne xanuun qabin,Jimicsi uun aan sameeyo,sida ciyaarta kubada iyo orod. Hase ahaatee wax daawo ah imuu siin,kubadii ma ciyaaro orodna ma sameeyo laakiin socodka caadiga ah uunbaan badsadaa.waxana dhakhtar kale ii sheegay inaan leeyahay xanuunka gaastari bacteria. Balse iyadoo Dhakhtarku wadnuhu sidaa iga Dhahay Hadana xanuunadaa aan kor kusoo sheegay wali sidoodii ayaan u wada dareemayaa, Waxa mudooyinkii u danbeeyay isoo raacdayba,inaan feedhaha dhanka bidix ee la toosan wadanaha aan dubaaxin ka dareemo, sidii in meel gag-gag laga iga siinayo,ama meel feedhaha agteeda ahi iyara bood-boodayso,waxa kale oo habeeno yar kadib maalintaasi,naaska bidix dushiisa aan ka dareemay iyadna dubaaxin,ama sidii naaska dushiisa inay meel iga bood-boodayso,gag ayaa laga siinayaa ilaa naaska bidix xagiisa Kilkilada,waxa iyadna aan isku arkay in miisaankaygii 4 iska kay dhimay halka aan markii hore ahaa 63 aan hada ahay 59.  Markaa xanuunkayga waxan uga shakiyay wadno xanuun,hadana waakaa dhakhtarki aan la xidhiidhay mudo hada laga joogo 1 sano uu ii sheegay inuu wadnahaygu caafimaad qabo,isagoo waliba Comp-tarka wadnaha i saaray. waxa kale oo aan iyadna aan caadaystay soo jeedka habeenkii oo igu badan. Markaa dhamaan bahda Somalidoc dhakhaatiirta waxan idinka codsanayaa inaad isoo jawaabtaan hadaad xanuunkayga wax uun ka garateen iyo wixii aad Talo caafimaad i siinaysaan. waanan idiinka mahadcelinayaa inbadan sida Hagar la'aanta ah ee aad ugu adeegaysaan bulshada Soomaaliyeed.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?
« Reply #1 on: December 24, 2018, 09:26:43 PM »
Walaal qaabka laguu haayo shaqo kuma lahan wadne-xanuun, waxayne iila egtahay xanuun la yiraahdo "constochondritis", kaasoo galo carjawda isku hayso lafta sakaarta iyo feeraha, faahfaahintiisa ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5852.0

Inta kale ee aad gadaal ka dareentay sida naqaska oo culeys ka dareentid oodne u baahan tahay inaad xoog u soo saartid, dubaaxinta murqaha naasaha ka korreeyo waa waxyaabo la wada xiriira xanuunkaan, meelaha kale uu galo waxaa ka mid ah qoorta oo garbo xanuun la dareemo, markuu halkaas galane waxaa loo yaqaanaa magac kale, faahfaahintiisane ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8155.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Jabril Abdukadir

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?
« Reply #2 on: February 24, 2022, 06:27:15 PM »
Walal aniga xanunkan oo kale Ayan dareemaya weliba xabadka feeraha xanunka wan ka dareemaya fadlan waxan u baahanahay talk caafimaad

Offline Milica_soomali

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 64
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?
« Reply #3 on: April 04, 2022, 11:14:14 PM »


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33228
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32266
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23461
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41590
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29391
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc