Author Topic: Su'aal: dhulka ayuu foolka ku dhufsaday?  (Read 3396 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aisha omar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: dhulka ayuu foolka ku dhufsaday?
« on: May 17, 2018, 02:03:52 PM »
asc doctor su aal ayan qabaa waxayna tahay adigo mahadsan sakay wiil yar oo ii joga ayaa kaso dhacay Armajo halmitir iyo bar ujirta dhulka foolka ayuuna ku dhufsaday isla mark dhiig ayaa sanka kasoo daatay ee mesha uu kudhufsaday dhulka kama imaan dhiiga isla marki wan lacararay labo garaafo oo biyo qabow ayaa madaxa kaga shubay dhiigina wuu istaagay xaguu ka yimid dhiigas madama ayna dilacin mesha uu ku dhufsaday dhulka horana dhawac hore ayaa ku yalay mesha oo malin aan sidas udhereyn ayay dilacday lama tolin way isqabsay way raysatay jogtan aya hadana kudhacday waxan magarin wayso barartay kaliya sankana dhiig ka yimid taa ayan layabanahay ee maku qaldana in aan sanko dhiig kaso socdo aan biyo madaxa kaga shubo mahadsanid doc




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: dhulka ayuu foolka ku dhufsaday?
« Reply #1 on: December 26, 2018, 09:37:31 PM »
Dhiigga wuxuu ka yimid sanqaroorka ama waxa loo yaqaano "sinuses" oo foolka iyo sanka dhinacyadiisa ku yaallo, badanaane waxay ka dhalataa jugta foosha ama wajiga gaarto, wuu istaagi karaa waxyar ka dib, biyaha aad ku shubtayne dhib ma keenayso, laakiin haddii muddo kadib cunugga kua burtid cabbur, sanka dhinacyadiisa oo soo barara, madax xanuun iyo neeftiisa oo urayso waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirisid si loo fiiriyo sanqaroorka in dhib ka jiro. caafimaad baan idiin rajaynayaa
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Wakhti intee leeg ayuu shaybaarku sheegi karaa xanuunadan?

Started by Somali_NabadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5270
Last post September 06, 2011, 10:16:08 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 60097
Last post August 23, 2010, 06:10:06 PM
by Abumohamed
Su'aal: Cabeeb labadii biloodba mar ayuu carabka iiga soo baxaa?

Started by ShuuriyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7420
Last post May 19, 2011, 08:43:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Whey protein hadii laqato ma wax dhib ayuu leyahay?

Started by Xireey Xuuriye DhuxulBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4289
Last post March 17, 2016, 06:15:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sigaarka side ayuu wax yelo ugu geysta heart and lungs?

Started by HusniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4666
Last post June 01, 2016, 09:15:36 PM
by SomaliDoc