Author Topic: Su'aal: Dhiig ka soo baxa xubinta taranka?  (Read 3669 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Yusuf Jama

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhiig ka soo baxa xubinta taranka?
« on: June 11, 2018, 11:53:07 AM »
Asalamacalaykum Dr Allah ha idinka jazaa siiyo khayr kaa aad bulshada somliyed u haysaan intaa ka dib.
Waxa rabay inaan ku waydiyo sual hooyoday waxay isku aragtay dhiig ka socda mudo intaa bishaa ramadaan ah waan qof wayn 70 jir ah ,horayna way isku gu aragtay mudo ima laga joogo 8 sano
Waxaan u geeyay dhakhtar  baadhi taan ka dib waxaa la ii sheegay in Ilma galeen ka uu jiro Mass ( uterus mass)
Ka dib markii la saaray Ultrasound
Waxay igu taliyeen in lagu sameeyo qaliin (hysterectomy) kadibna cad laga qaado (Biopsy)  mid kale hooyo waxay leedahay macaan hadayna bilawday daawada Horay umay qaadan jirin waayo waxay igu dhaheen Uma baahna hada waxa dawo ah cunada uun ka ilaali wxii macaan.
1. Qaliin Ma gali kartaa madaama ay macaan leedahay ?
2. maxaa keena ciladaa dhiiga ah?
3. Hadii laga saaro ilama galeen ka maxaa dhiba  ka dhalan karta?
Wad mahad santahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Dhiig ka soo baxa xubinta taranka
« Reply #1 on: December 31, 2018, 11:51:35 PM »
Haday dhiig isku aragto maamo da' ah waxay badanaa tilmaan u tahay xanuunka kansarka kaasoo ku dhacay minka ama luqunta minka, waana in baaritaan dheeraad ah la sameeyo sida aad hadda samayseenba. Haddii macaanku uu dagan yahay waa la samayn karaa qalliinka, in ilmogaleenka la saaro da'daan wax dhib ah ma keento, laakiin waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo in xanuunkaas uu faafay oo minka dhaafay, taasoo haddii la saaro macno wayn samaynin laakiin mar walba in la saaro ayaa habboon kadibne cad in laga gooyo oo baaritaan loo diro.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Wax ka baro Ilka-baxa iyo Ilka-dawacada

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 32510
Last post July 05, 2015, 08:53:23 AM
by Darmaan123
Su'aal: Waa maxay finka kaso baxa dabada? Una eg kaso bax cml?

Started by Ahmed dollarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26020
Last post October 22, 2016, 05:04:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22635
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26391
Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meeshii shahwada laga rabay dhiig ayaa ka yimid?

Started by Kaamil121Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20357
Last post December 20, 2018, 10:03:39 PM
by SomaliDoc