Author Topic: Goonjab / Goonjabshe / Dhanjaf / Migraine  (Read 7828 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4157
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Goonjab / Goonjabshe / Dhanjaf / Migraine
« on: July 18, 2018, 08:01:50 PM »


"Waxaan isbadal ka dareemaa aragga sida iftiin walac walac leh ama biriqa TV-ga markii la shido oo kale ama muuqaallada aan arkayo oo is dhaxgalgala ama xariiqmo ama goobaabinno isku dhex yaacsan oon arko, waxyar ka dibne madax xanuun siyaado ah ayaan dareemaa una badan hal dhinac, iftiinka iyo shanqartane way i dhibaan, xilliyada qaarne lalabo iyo wareer ayaan dareemaa. markaas waxaan jeclahay in meel mugdi ah oo buuq lahayn jiifto inta madax xanuunku i daynayo".

Bismillah,

Akhristow haddii aad leedahay madax xanuunka leh astaamaha kore waxaa loo yaqaanaa "Gonjab" ama "Dhanjaf", afka qalaadne lagu dhaho "Migraine", waa madax xanuun daran oo qaab dikaan camal ah loo dareemo, badanaa hal dhinac ayuu u badan inkastoo mararka qaar dhinaca kalane ku fido, qofka wuxuu hayn karaa saacado ama maalmo, mararka qaarne qofka howl kama qabsan karo.

Astaamaha lagu garto Xanuunkaan:

Marxaladda 1-aad:
Maalmaha ka horeeya madax xanuunkaan waxaa la dareemaa astaamo tilmaamayo in xanuunka kugu soo wajahan yahay, waxaana astaamahaas loo yaqaanaa "Prodrome", waxaa ka mid ah: calool fadhi, niyadjab ama kacsanaan, cunto cunis badan, murqaha qoorta oo adkaadaan, oon badan ay la socoto kaadi adan iyo halaaqyo siyaado ah.

Marxaladda 2-aad:
Daqiiqadaha ka horeeya madax xanuunkaan waxaa indhaha laga dareemaa isbadal aragga ah sida kor ku xusanba, hillaac, biriq biriq, aragga oo nus noqdo, xariiqmo iyo goobaabino socsoconaya ama is dhexgalgalaya, waxaa kaloo la dareeraa kabuubyo wajiga iyo bishimaha, hadalka oo ku dhibo mararka qaar gariir jirka ah. dad dhif ah ayaa dareemo in wajiga, qoorta, garabka iyo gacanta oo hal dhinac ah oo dareenka ka tago, xaaladaas oo loo yaqaano "Hemiplegic migraine"

Marxaladda 3-aad:
Waxyar kadib madax xanuunkii ayaa la dareemaa, qofkane waxaa dhiba iftiinka, shanqarta, wuxuu dareemaa lalabo, matag, arag aan waadix ahayn iyo wareer. waxaad marxaladaan ku jiri kartaa saacado kooban ama sadax maalin.

Marxaladda 4-aad:
Markuu madax xanuunka kaa tago, waxaad sii dareemi kartaa caajis badan, daal, murqo xanuun iyo iftiinka oo u sii dhibo, waxay astaamahaan sii socon karaa 24 saac ama ka yar, waxaana loo yaqaana "post-drome".

Maxaa keeno goon-jabka?
Illaa iyo hadda safiican looma fahansano waxa keena goonjabka / dhanjafka iyo xiriirka hidderaacnimo, waxaa la ogyahay kaliya in xanuunkaan ka dhasho isbadal ku dhaco dhambaalada maskaxda nuuca loo yaqaano "Serotonin", laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo kiciya xanuunkaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin:
  • Isbadalka hormoonada ee haweenka: waana sababta haweenka qaba goonjabka uu ugu kaco xilliga caadada, sidoo kale daawooyinka uurka looga hortago ee hormoonka ka samaysan haweenka qaar ayay ku kiciyaan.
  • Waxyaabaha cuntada lagu daro: cunnooyinka qasacyada ku jira waxaa lagu daraa wax dhadhanka macaanka u yeelo loona yaqaano "Aspartame" iyo walaxaha lagu xifdiyo ee loo yaqaano "MSG", labadaas waxyaaboo cunnooyinkii ay ku jiraan dadka qaba xanuunkaan way ku kiciyaan.
  • Cunnooyinka qaar: farmaajada raagtay, cuntada dhanaanka ah, shukulaatada iyo wixii lagu darayba.
  • Cabitaannada: kaffayga iyo khamriga.
  • Welwelka: niyadjabka iyo diiqada ka dhalato goobta shaqada iyo guriga waxyaabaha kiciyo xanuunkaan ayay ka mid yihiin.
  • Waxyaabaha dareemaha kiciyo: sida iftiinka xooggan, qeylada dheer, carafta siyaadada ah sida barafuunada qaar, daawada rinjiga, qiiqa sigaarka IWM.
  • Hurdo xumida: dhafarka iyo hurdo yarida.
  • Shaqada culus, galmada, isbadalka cimillada iyo daawooyinka qaar waxay ka mid yihiin waxyaabaha kiciyo goonjabka / dhanjafka.

Yaa halis ugu jira xanuunkaan?
Haddii qof qoyska ka mid ah uu qabo xanuunkaan, jaaniska inuu kugu dhaco way saraysaa, sidoo kale afar jeer markii loo dhigo, sadax dhig xanuunkaan wuxuu ku dhacaa haweenka, badanaa haweenka markay dhalmogooyaan kuma dhaco xanuunkaan.

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?
Haddii aad garatid waxyaabaha kugu kiciyo goonjabka, kadibne ka fogaatid waxay kugu caawinaysaa in xanuunka uu kaa tago ama yaraado, waa muhiim inaad ka fogaataa waxyaabaha kiciyo ee kor ku xusan hadduu xanuunka joogto kugu yahay.

Sidee loo daweeyaa Goonjabka/dhanjafka?
Goonjabku ma lahan daawo kaa wada tagsiinaysa xanuunka ama kaga bogsanaysid, laakiin waxaa jira daawooyin xanuunka yareeyo ama looga hortago markad dareentid inuu kugu soo socdo, daawooyinkaasi waxaa loo yaqaanaa "Triptans", sidoo kale waxaa jira kuwa loo yaqaano "Ergots", haddii xanuunka uu joogto kugu yahay, markuu ku qabtane uu 12 saac ka badan ku haynayo, daawooyinka madax xanuunkane ay wax kaa tari la'yihiin waxaa laguu bilaabi karaa daawooyin ka hortag ah ama lagula talin karaa qalab danab leh loona yaqaano (t-SNS), kaasoo madaxa lagu xirto.

Xanuunada lagu qaldo Goonjabka:
Goonjabka / dhanjafka waxaa lagu qaldaa madax xanuuno kale oo ka duwan, link=gaan ka akhris nuucyada madax xanuunada iyo waxa ay ku kala duwan yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, hoos nagu waydii, haddii aad su'aal qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha ee website-ka, haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtarka la hadashid, fariin ugu dhaaf boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

 

Su'aal: Waa maxay migraine, maxaana sababo?

Started by SuldaaanowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 353
Last post August 23, 2017, 07:37:41 PM
by CilmiSabca