Author Topic: Su'aal: Waxba iima uraan iimana carfaan?  (Read 3996 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Muna maxamed maxamud

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxba iima uraan iimana carfaan?
« on: December 24, 2018, 09:29:11 AM »
Asc dhamaan bahda websiteka iyo daqaatirka
Sln kadib  digtoore waxaan qabaa su aal  da'deedana 21
In kabadan muddo sanad ah  waxaan daremaa inuu badanaa dareenka urka ama carafta uu iga tago
Xaqiiqdii waxaan dareemay muddo sanad kahor tijaaba ah waxa dadka usoo carfa iney aniga isoo gaari waayaan lknse markaas wax xanuun madareemeenin balse bilooyinkaan danbe waxaan dareemayaa xanuun dhanka madaxa ah iyo daal dhamaan jirka ah indho xanuun xitaa dhago xanuun  mararka qaar waxaan taabashada wajiga iney i dhibeeso 
Markii hore waxan qabay cillad sanboorka waxaa aad ii dhibi jiray carafta oo saa id ii soo gaari jirtay balse kadib sanboorkii wuu iga tagay  lknse cilladaha aan soo sheegay ayaa arkay  xitaa hindhisyadeeda wey yaraatay 
Guud ahaan waxaan daremayaa cilad ah  madaxa dhagaha indhaha ilaa dhuunta 
Walina ma aanan tagin dhaqtar
Insha allah waxaan raneynayaa  calamadahaas aan kuu sheegay waxa ay noqon karaan
FG waxaa aad ii dhiba qabowga uma adkeensan karo qabowga 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxba iima uraan iimana carfaan?
« Reply #1 on: April 28, 2019, 11:31:33 AM »
Unugyada qaabilsan wax urinta iyo carfinta wuxuu alle ku abuuray xuubka sanka gudihiisa ku dahaaran, sidaa darteed dadka qaba cuncunka sanka, sanboorka iyo caabuqa sanqada intaba waxay la kulmaan wax uris iyo wax carfin la'aan, waxaad u baahan tahay inaad la xiriirtid dhakhtar dhagaha, sanka iyo cunaha ku takhassusay "ENT" si uu kuu wiisiteeyo, daawane kuugu qoro. sidoo kale akhriso qoraaladaan muhimka:
1- Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5658.0
2- Caabuqa sanqada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0
3- Hilibka sanka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5630.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxa idhabay finanka wajiga anigon waxba marin wajiga?

Started by XaliimoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15823
Last post February 10, 2016, 03:35:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal : waxaan ahay anosmic person (qof waxba-urin) ?

Started by AqoonyhankaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3823
Last post March 03, 2016, 02:02:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markii aan xaaskayga damco, waxba ma awoodo?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 6392
Last post March 12, 2012, 07:03:26 AM
by Hassan-Deeq
Su'aal: Madax xanuun aan daawo waxba ka tarayn?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2595
Last post September 13, 2015, 01:24:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: 4-ta maalin ay ugu horeesa caadada waxba ma arko?

Started by Farhia jamaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4220
Last post January 31, 2019, 11:04:55 PM
by SomaliDoc