Author Topic: Su'aal: Fistula ayaa la iga qaley?  (Read 3689 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hanad Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Fistula ayaa la iga qaley?
« on: December 26, 2018, 11:15:25 AM »
Asc SomaliDoc Bishii 6/2018 ayaa waxa laga qaley Fistula ka soo baxdey Meel u dhow mesha laga saxaroodo
Mudo ka dib waxa isku arkey in meshii la qaley ee dhacan soo yeelaneso marka saxarooto xita hadaa riixo waxaa dhig yar iga soo baxaa mesha Saxarad ka timaado Doctor marka u laabtey oo aa iri mesha ma la tolin miyaa wuxuu yiri lama tolo Fistula ee waa la xira daawoyin qalajiye ah ayuu ii soo qorey waxna wali isma badalin hadii aa saxaroon Mudo 2 ama 3 bari ah mesha waa caadi oo nadiif ah waxaa loo malena meel reesatey  lkn marka saxarodo isla markii wey soo buuxsame
marka maxaa xal ah Doctor Ma Qalin labaad ayaa u bahanahye mid kle saameen  kle ma igu keeni karaa Nabarkan sida Cancer iyo waxa la mid ah
Thanks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Fistula ayaa la iga qaley?
« Reply #1 on: May 01, 2019, 08:06:13 PM »
Waa xanuunkii Fistula-da oo kugu soo laabtay, waxaadne u baahan tahay qalliin kale sababtoo ah Fistula-da badanaa inta aan la qalin waxaa lagu sameeyaa baaritaan la dhaho "Fistulogram" taasoo la fiirinayo marinka fistula-da inta uu gaarsiisan yahay inta aan la qalin sababtoo ah qalliinka wuu kala duwan yahay, laakiin baaritaankaas la'aantiis qalliinku waa qiyaas wayna soo laabataa, faahfaahinta xanuunkaan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5618.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: