Author Topic: Halista ilko-xerista ganacsiga noqotay...  (Read 334713 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Halista ilko-xerista ganacsiga noqotay...
« on: July 17, 2019, 01:58:43 PM »


Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay biraha ilkaha lagu xirto, afka qalaadne lagu dhaho "Dental braces".

Waa maxay biraha ilkaha lagu xiro?
Biraha ilkaha lagu xirto waa qaab ka mid ah daaweynta ilkaha, waana cilmi si gooni ah ay ugu takhassusaan dhakhaatiirta ilkaha, cilmigaasoo loo yaqaano "Orthodontics", qofka ku takhassusayne loo yaqaano "Orthodontist", biraha waxaa loo xiraa si ilkaha loo toosiyo, meelaha banaan loo baab'iyo, qaniinyadane lagu saxo.

Qofka ilkaha xirayo waa inuu noqdaa qof takhassus u leh, maadaama ay ka dhalan karaan cillado badan haddii ay wax qaldamaan, sidoo kalane ay jiraan waxyaabo badan oo la tixigeliyo inta aan biraha la xiran taasoo hoos aan ku faahfaahin doonno, dhakhaatiirta ilkaha markay shahaadada 1-aad qaataan ayay 3 illaa 4 sano sii bartaan cilmiga biro-xerista, aduunka kalane lagama ogola inuu xiro qof aan takhassus u lahayn.

Dhakhtarka ilkaha guud wuxuu kuu sheegi karaa inaad u baahan tahay ilkox-xeris, kadibne wuxuu kuu xawilayaa dhakhtarka ku shaqada lahaa, isagaa markaa kadib kuu diri doono wixii baaritaano la xiriira farsamadaas iyo qaabka ugu haboon ee lagugu samayn karo.

Sidee loo xiraa biraha?
Hadafka biraha loo xirayo waa in ilkaha cadaadis la saaraa si booskooda loogu celiyo ama la isla ekeysiiyo waana howl markay ugu yaraato 2 sano qaadanayso, waa inaad dhakhtarkaaga si joogto ah ula socotaa si mar walba ilkaha loo nadiifiyo, loona dhuujiyo siliga biraha isku hayo, mararka qaar waxaa loo baahdaa in caag ilkaha isku celiyo in laguu sii geliyo si loo sii cadaadiyo ilkaha, dhuujintaas iyo cadaadis saarista ilkaha lagu samaynayo waa mid qiyaas ku socota iyo xisaab, haddii kale waxaa dhici kara in ilkaha liqliqdaan ama soo siibtaan, waxaa taasi ka daran in ilkahaaga hal dhinac u wada leexdaan taasoo loo yaqaano 'midline-shift', taasoo qofka wajigiisa oo idil foolxumaynayso.

Mararka qaar waxaa loo baahdaa in qofka loo geliyo waxyaabo ilkaha booskodoa ku sii celiya loona yaqaano "retainers" markii biraha iyo siliga laga furo 2 illaa 3 sano kadib, sababtoo ah waxa dhacda in ilkaha booskoodii ku soo laabtaan.

Maxay dhibaato keeni kartaa biro-xerista?
Waxaa jira waxyeello si caadi ah uga dhalan karo biro-xerista ayne muhiim tahay in dhakhtarkaaga isha ku haayo si uu uga hortago, waxaana ka mid ah: in ciridka dhaawac gaaro, in kaalsiyamta ilkaha dhamaatoo taasoo lagu dareemi karo saliilyo aadan horay u lahaan jirin, in jiridka iligga uu dabco, in kalagosyka daanka uu waxyeelloobo, waxyaabahaaan ma fahmi karo qof aan cilmigaan soo baran waana muhiim in isha mar walba lagu haayo, waana sababta dhakhaatiirta birahaan ku takhassusay aysan badanaa u ogolayn qof horay biro loogu soo xiray inay xaaladiisa la wareegaan oo waxay ku qasbaan in dhakhtarkiisii hore ku celiyaan.

Dhibaatada kale ee ka dhalan karta hadduu kuu xiro qof aan takhassus u lahayn waa intaas kor ku xusan oo lagu daray in ilkuhu dabcaan, kadibne markii biraha lagaa furo ay soo daataan, in lafta daanka uu dhaawac gaaro, in ilko muhiim u ah tiirinta afkaaga in la siibo iyadoo lagugu qanciyo in loo baahan yahay in la abuuro boos ay ilkaha galaan, in ilkahaaga uu balance-ga ka lumo iyo kuwa kaloo badan.

Ilkaha xarago ahaan ma loo xiran karaa?
Maya, xarago ahaan ilkaha biro looguma xiro waana qalad bulshadu laga dhaaddiciyay, waxa kaliya oo qurux iyo xarago ahaan loo xirto waxaa loo yaqaanaa "Dental veneers" waana wax sida ilkaha u eg oo ilkaha la dul saaro ee ma ahan biro ilkaha lagu dhajinayo ama silig la xirayo.

Maxaan sameeyaa haddii si qaldan la iigu xiray?
Waxaan kugula talinayaa inaad raadsatid dhakhtar "orthodontist" ah si uu tala kaaga siiyo biraha kuu xiran iyo haday dhib kuu keeneen inta ay kuu xirnaayeen iyo sida ugu fudud ee lagaaga furi karo hadduu qalad jiro.

Maxaan ku ogaan karaa aqoonta dhakhtarka ilkaha ii xirayo?
Maadaama dad badani ay su'aalahaan illaa shalay isoo waydiinayeen, qaarkoodne ayba ii sheegeen inay u xireen dad aan ilkaba soo baran waxaad adeegsan kartaa tilmaamahaan hoose si aad uga fogaatid ganacsatada biraha xirta:
1- Maalinta ugu horaysaba ilko lama xiro oo raajo ayaad u baahan tahay, kadibne in laguu qorsheeyo sida ilkahaaga loo xirayo iyo haddii ilko lagaa siibayo iyo wixii warbixin la xiriira biro-xerista sababtoo ah ilko-xerista maahan wax lagu dagdago, dhakhaatiirta orthodontist-a aad bay uga taxaddaraan.
2- Haddii inta laguu xiro, kadibne lagu fasaxo oo lagu yiraado 3-bilood ama 6-bilood soo laabo, taasi waa ganacsi ee ha yeelin.
3- Haddii aad xayaysiin ku aragtid ilko lagu xirayo lacag go'an, weliba aan la kala soocayn baahida qofka u qabo, waa nuuc ganacsiga ka mid ah ee ka fogow.
4- Hadduu qofka kuu xirayo uusanba ahayn dhakhtar ilko ka fogow, sababtoo ah takhassuska ilko xerista waxaa baran kara kaliya dhakhtar ilkaha horay u soo bartay.
5- Haddii ilkaha laguugu xirayo meel aan xarun ilko ahayn iyadane waa shakki kaloo wayn, sababtoo ah asxaab ila soo xiriirtay oo loogu xiray meel farmashiye ah ayaa jira, una xireen kalkaaliyaal la soo shaqeeyay dhakhaatiir ilko.
6- Wixii shakki kaa galo ama warbixin ntaa dheer aad uga baahan tahay, fadlan la xiriir dhkahtar ilko oo lagu kalsoon yahay.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ama faahfaahin uga baahan tahay casharkaan, farriin noogu dhaaf boggeena Facebook ama ku soo dir qeybta su'aalaha: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waa maxay ilko isku riiqa dadka waaweyn?

Started by FatimaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17355
Last post October 07, 2011, 05:13:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Feedho xanuun, ilko dhiig iyo xanuunka gaaska?

Started by AlmisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 23096
Last post August 09, 2015, 12:57:28 AM
by SomaliDoc
Ilkaha Magarta Leh (Ilko Digirka) - Qoraal Cilmibaaris Ah.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 41015
Last post March 11, 2016, 09:48:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: JIRIRIQSI (Ilko raamsi xilliga hurdada)

Started by Hussein CaddeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 37588
Last post February 15, 2015, 10:22:31 PM
by Ibnurageah
Su'aal: Ilko dawacado wax jira ma yahay?

Started by Ayaan AppleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15133
Last post July 12, 2017, 07:45:00 PM
by SomaliDoc