Asc awalan waan salaamaya bahda caafimaadka guud ahaan salaan kadib doctor runtii aniga waxaan xanuun sanahy mudo kudhow 8 bilood xanuunkeeygana waa mid aan kuwareeray hase ahaate hadii aan kuu bilaawo sida uu ku bilaawday ame calaamadaha aan isku arkay
dhabar Xanuun
Dibbiro badan/hawo badan/iyo daaco badan
daal iyo tabardari lugaha iyo gacmaha ah
calool xanuun aan badneen
Caajis badan
fadhiga oo aad iidhibo hadan mudo fadhiyo
labada dhinac caloosha oo i xanuunta
saxaro ineey i heeso ayaan mood balse waxa iga yimaada dhuuso iyo wax candhuuf jaala ah aad moodo doctor intaas kuma i keen xaldeeda oo astaamo kale ayaan isku arkay mudo hadana oo kamid ah
qandho iyo qarqaryo
qeyta caloosha ee mindhiciraha oo i xauunta
madax xanuun wareer raacsan
shuban ame saxaro wasaq ah
marna wax aad candhuuf moodo ame wax jaale xigeeyn ah marmar cuncun dabada ah
wadna garaac xitaa waan isku arky
dhaqtar ayaan aaday hplory/ama gaas ayaad qabtaa ayuu iyiri daawo ayuu ii soo qoray isugu jiro kaniini gaas iyo qalajiyo faraban waxba waan isaga fahmi waayay
mid kale ayaan aaday hadana asagana daawooyin ayuu isoo qaray waxna isaga ma fahmin
waxaan idinka rajeenaya inaad si dag dag igu soo jawaabi doonto doctor hadii aad xanuunkaan aqoon u leedahy
hada doctor calaamadahaas aan soo sheegay waan kayara roonahay oo hada waxa igu haray kaliya daaco badan hawo badan iyo shanqar caloosheeda ka yeerto habeenki