Salmonellosis (tiifowga Caloosha) waa nooc ka mid ah xanuunnada caloosha ku dhaca waxaana keena jeermiska Salmonella (sawirka kore).
Salmonella wuxuu wax yeelli karaa qofkasta, wuxuuse ku badan yahay carruurta ka yar 5ta sano iyo dadka dhallinyarada. Astaamuhu badanaa aad bay u daran yihiin xagga dadka waaweyn iyo kuwa dhibaatada caafimaad qaba.
Waa maxay Astaamaha Salmonellosis?Astaamaha ugu badan ee salmonellosis waa shuban ( kaas oo ka koobnaan kara dhiig iyo axal) qandho, calool majiir, yaqyaqsi, hunqaaco iyo madax xanuun.
Marka bakteeriyada afka laga qaato badanaa waxay qaadataa 12 saac ilaa 36 saac intaan qofka jiradu qaban.
Xanuuunku wuxuu dhamaadaa maalmo yar laakiin bakteeriyada salmonella waxay saxarada ku sii jiri kartaa asbuucyo ama ka badan.
Xaggee Salmonella laga hellaa?Bakteeriyada Salmonella waxaa laga hellaa beni’aadamka, beeraha iyo xayawaanka la korsado iyo shimbiraha khaasatan digaaga.
Sidee Salmonella ku fidaa?Bakteeriyada Salmonella badanaa afka ayaa laga qaataa waxayna u dhacdaa sida soo socota:
Karin aan Fiicanayn
Bakteeriyada salmonella badanaa waxaa laga hellaa hilibka aan la karin, khaasatan kan digaaga. Marka hilibka ceeriin loo diyaariyo cunid si fiicana aan loo karin, bakteeriyadu waa badbaadi kartaa waxayna wax yeelli kartaa dadka cunay.
Ukuntu mararka qaarkood waa waskhoobi kartaa waxaana ku dhici kara Bakteeriyada salmonella.
Gudbida wasakhada ama jiradaGudbida wasakhada waxa weeye marka bakteeriyadu ka gudubto meel ay ku jirtey oo u gudubto meel kale ama wax kale.
Salmonella waxay fidi kartaa marka cuno aan la karin ay wasakhayso cuno diyaar u ah in la cuno.
Cunada ceeriin waxaa fiican in had iyo jeeraale loo arko inay wasakh wadato laguna hayo meel ka baxsan cunada diyaarka u ah ila cuno.
Fidida Qof ilaa QofHaddii qof Salmonella bakteeriya qabaa aanu u dhiqin gacmihiisa si fiican markuu musqusha aado ka dib, waxaa suurta gal ah in meeshuu wasakhay-yo ay cid kale ka qaadi karto. Isla markaas waxaa dhici kartaa inuu cunto taabto taas oo qofkii cunaa qaadi doono.
Waxaa qaadi kara wasakhdii bakteeriyada gacan marka qof bedelo naabiga ilmo qaba jiradii.
Saxarada dadka iyo xayawaankaba waxaa ku jiri kara salmonella iyagoo aan yeelan wax astaan ah isla markaasna ku fidinaya jiradii kuwa kale.
Bisada, eyga , xayawaanka beeraha iyo biyaha cabida oo wasakhaysan ayaa fidin kara Bakteeriyada salmonella.
Haddii aan Salmonellosis qabo maxaan samaynayaa?haddii aad qabto astaamaha Salmonellosis dhaqso dhakhtar ugu tag.
Weli ma Shaqayn Karaa?Dadka cunada ka shaqeya, dadka ka shaqay-ya xarumaha dhallaanka ee qaba infakshanka salmonellosis waa inay-yan shaqada imaan inta astaamuhu jiraan.
Carruurtu waa inay-yan xarumaha dhallaanka ama dugsiga tegin inta astaamuhu jiraan.
Sidee u Joojin Karaa inay-yan Qoyska ku fidin?Waa muhiim in dadka qaba infakshanka salmonellosis ama Gastroenteritis inay-yan diyaarin cuno ama qaban cuno ay cunayaan dad kale waa in aanu qof kale la qaybsan shukumaanka ama waji tiraha.
Sidee la isaga ilaalin karaa Infakshanka Salmonella?Gacma dhiqid TaxadarnQof weliba waa inuu ku dhaqaa saabuun iyo biyo kulul gacmahiisa ugu yaraan 10 ilmiriqsi:
• intaadan cuna diyaarin ka hor;
• inta u dhexaysa qabashada cuno karsan iyo diyaar u ahi n la cuno;
• intaadan wax cunin;
• markaad musqusha ka soo baxdo kadib, ama bedesho naabiga;
• markaad sigaarka cabto ka dib;
• markaad isticmaasho fasaleeti ka dib;
• markaad jardiinada ka shaqayso ka dib;
• markaad la cayaarto ey ama bisad.
Dadka cunada ka shaqay-yaa waa inay isticmaalaan faratirtirayaal laga maarmo ama mishiinka faraha qalajiya.
Qabashada Cunada iyo Meelaynteeda• Ha ku qaban cunada karsan malgacado, mindiyo, fargeetooyin iyo mindida weyn ee wax lagu jaro kuwaas oo loo isticmaalay cuno ceeriina, haddii aan si fiican loo dhaqin inta u dhexaysa.
• Nadiifi qalabka iyo meelaha wax la dhigo ee jikada.
• Cunada barafka kaga rid faranjeerka qaybtiisa hoose ama mikro wayfka.
• Si fiican u kari cunada ceeriin oo dhan.
• Geli firanjeerka cuntada la kariyey saacad ka dib.
• Cunada ceeriin iyo cunada karsan kala ilaali inay is gaaraan si aan jiradu ugu kala gudbin.
• Ku hay 5 degree ama 60 degree ka kor si aanay bakteeriyadu u korin.
• Si fiican u dhaq khudaarta intaadan cunin.
• Dib u kululee cunada gaarsiina cunada dhexdeeda ilaa 60 degree.
• Ka ilaali cuna xasharaadka, xasharaadka afka qalaad lagu yiraahdo rodents iyo xayawaanada kale.
Xusuusinta kuwa Isticmaala MikrowayfkaMarkaad isticmaalayso mikrowayfka, si taxadarn u akhri awaamiirta shirkada samaysay lana soco waqtiga cunadu si fiican u karsimi karto intaadan cunin.
Nadiifinta Gurigamusqusha qubeyska iyo tan saxarada waa in had iyo jeeraale la nadiifiyaa si looga hortago fidida bakteeriyada. Aad uga taxadar meesha la fariisto, la qabsado tuubooyinka iyo miiska lagu bedelo naabiga.
Haddii aad su'aal qabto, nagu soo waydii halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com