Author Topic: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?  (Read 33267 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?
« on: September 08, 2011, 09:25:05 AM »
Asc Dhaqaatiirta & aqyaarta qiimaha mudan. Salaan ka dib. Doctor waxaan doonayaa inaad na bartid waxa keena in haweenka Uurka lihi ay cunaan waxyaalaha ay ka midka yihiin: Bariis ceydhiinka ah, Dhuxusha madow, Barafka dhagaxa ah iyo ciida burka ah (burciid).
Sidoo kale waxaad noo sheegtaa- saameynta uu ku yeesho haweenka xaamilooyinka ah... Haddii ay saameyso haweenka maxa lagu daaweyn karaa?
Waad  mahadsan tihiin dhamaantiin. Salaamu caleykum wa Raxma-tul Laah.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?
« Reply #1 on: September 20, 2011, 03:18:19 PM »


Pica waa xaalad caafimaad darro oo qofku uu cuno wax aan nafaqo ugu jirin bini'aadanka sida carrada, dhoobada, jeesada, qalimaanta, warqadaha, battariga, cadayga, saabuunta, xanjada, danbasta, dhuxusha iyo waxyaabo kale oo badan.
Cilladaan waxay u badan tahay caruurta iyo dumarka, waxaana la dhihi karaa qofka wuu qabaa cilladaan hadduu cuno waxyaabahaan iyo wax la mid ah muddo ka badan 1 bil.

Magacaan "Pica" wuxuu ka soo jeedaa luqadda laatiinka taasoo ka timid shimbir lagu magacaabo "magpie" taasoo cunta wax kasto.
Xaaladaan waa lagu arkaa da' kasta inkastoo ay u badan tahay haweenka uurka leh, haweenka naaska nuujiya iyo caruurta yayar.

Xaaladaan waxaa la aaminsanyahay in ay keenaan dhowr shey sida:

  • Qofka uu jirkiisa ku yar tahay macdanta qaar sida feerada taasoo ka timid badanaa xanuunka mindhicirrada ee celiac ama gooryaannada qaar sida kuwa jillaabeedka.
  • Haddu qofka qabo xanuunka loo yaqaanno OCD ama waswaaska qasabka ah, waa cillad nafsaani ah oo qofka qabatimayo cunista waxyaabahaas iyadoo aysan jirin wax nafaqo darro ah.
  • Welwelka iyo niyad-jabka, taasoo qofka isku hilmaansiiyo xaaladda uu ku jiro, waxayna u badan tahay markaas qofka waxa uu gacanta ku hayo sida qalimaanta, ciddiyaha, dharka iyo IWM.

Waxaa xaaladdaan lagu daaweeyaa in horta la ogaado qofka xaaladda uu ku suganyahay sida in haween uur leh ay tahay ama caruur naafo ah ama qof dhimirka ka jiran. kuwaasoo si kala duwan loo daaweeyo.

Macdanta zinkiga iyo birta (iron-ta) waxay ugu horreeyaan waxyaabaha ka maqan dadka cuna walxahaan sidaa darteed waxaa la arkay dadka qaarkood haddii macdantaan la siiyo inay joojiyaan caadadaan.

Qofka hadduu dhimirka la'yahay waa in laga joojiyaa cunidda walxahaan, lagana ilaaliyo.

Hadduu qofka qabatimay ama ku walfay cunista waxyaabahaan iyadoo aysan jirin waxa cillad nafaqo ama mid dhimir waa inuu naftiisa ka go'aansadaa inuu joojiyo sababtoo ah waxyaabahaan waxay keenaan dhibaatooyin caafimaad oo aad u badan dhinaca ilkaha, dheefshiidka, jeermiska iyo difaaca jirka oo hoos u dhaco.

Dadka ugu badan ee qaba xaaladdaan waxaa la ogaaday in ay yihiin haweenka afrikaanka ah oo haddana uurka leh kuwaas oo la sheego in ay u dhigmaan boqolkiiba 74%, dadka qaba cilladaan.

Akhriso cunnada laga helo birta oo dhiigyarida lagu daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?
« Reply #2 on: October 02, 2011, 01:02:49 AM »
Waad mahadsan tahay SomaliDoctor. Waxaan isla su'aashaan kaa weydiinayaa:-
Haweenka Uurka leh ee Cuna waxyaalahaas kor ku xusan ha ugu darnaato cusbada (salt ama milixa) waxaa la sheegaa marka ay qaarkood fooshu qabato in ay aad ugu dhibtoodaan (waayo tabar daro haysa iyo waxyaalaha ay cuni jireen oo kaga sii daray) oo qaarkood ay umul raacaan qaar kale na ay is cunaan (carabkooda oo ay ruugaan IWM) Marka Dhakhtar dhibaatooyinkaan yimaada waqtiga foosha wax xidhiidh ah ma la leeyihiin waxyaalaha ay haweenka inta ay uurka lahaayeen cuni jireen?
Thanks...
Thanks...
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?
« Reply #3 on: October 07, 2011, 11:44:53 AM »
Haweenka ku dhibaatooda foosha maahan qasab in ay sababahaan aad sheegtay ay la xiriiraan, si toos ahne uma saameeyaan foosha laakiin waa laga yaabaa in ay ka qeyb qaataan dhibaatadaan inkastoo aan la heynin war caddaynaya arrintaan.

Laakiin waxa la isku raacsanyahay ayaa ah in macdanta jirka u baahanyahay ama ku jirto in ay sidii laga rabay aysan ahayn taasoo caafimaad ahaan halis ku ah qofka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 80378
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 43956
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 25472
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30291
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 28951
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc