Hurgunka ama infekshanka bartamaha dhegta waxaa loo yaqaannaa Otitis Media.
Hurgunkaan waxaa sababa marka dheecaan ka yimid dhegtaadu uu meesha ku xannibmo.
Tani waxay dhici kartaa marka aad qabto hergeb, sanboor ama ifilo.
Dheecaanku wuxuu bakteeriyada u oggolaadaa iney kobocdo ayna cadaadis dul dhigto sagxadda dhegtaada.
Calaamadaha
• Xanuun
• Qandho
• Dheecaan soo burqada
• Maqal laaan
Daryeelkaaga
• Takhtarkaaga ayaa eegi doona dhegahaaga wuxuuna ka weydiin doonaa calaamadaha aad isku aragtay.
• Daawo Antibiyootik ah ayaa laga yaabaa in lagu faro. Daawooyinka oo dhan u qaado sida laguu faray.
• Waxna dhegta ha iska gelin oo ay ku jiraan dareere, daawo dhireed ama qoryaha afka suufka ku leh ilaa uu takhtarku sidaas ku faro. Waxay xannibi karaan kanaalka dhegta, iyagoo sababaya maqal laaan ama dhaawac.
Isla markiiba wac takhtarka haddii aad qabto:
• Xanuun
• Qandho
• Dheecaan soo burqanaya oo ka sii daraya
• Maqal laaan
La hadal xiriir dhakhatarkaaga haddii aad wax suaalo ama walaacyo ah qabtid.
SomaliDoc