Author Topic: Infekshanka / Caabuqa Dhegta  (Read 43057 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Infekshanka / Caabuqa Dhegta
« on: December 25, 2007, 10:43:22 PM »


Hurgunka ama infekshanka bartamaha dhegta waxaa loo yaqaannaa "Otitis Media".
Hurgunkaan waxaa sababa marka qoyaanka dhegta uu meesha ku xannibmo.
Tani waxay dhici kartaa marka aad qabto hergeb, sanboor ama ifilo.
Dheecaanku wuxuu bakteeriyada u oggolaadaa iney kobocdo ayna cadaadis dul dhigto sagxadda dhegtaada.
Waa xanuun ku badan caruurta boqolkiiba 75% weliba caruurta ka yar 10 sano.
Wuxuu kaluu ku badan yahay caruurta qabto burkiitada, sanboorka, hargabka soo noqnoqdo iyo quumanka.

Calaamadaha Caabuqa Dhegta:
• Xanuun dhegta ah
• Qandho
• Dheecaan soo burqada
• Maqal la’aan

Caruurta yaryar maadaama aysan sheegan karin astaamaha kor ku xusan wuxuu waalidku ku fahmi karaa arrimahaan soo socdo:
1- Qandho siyaado ah.
2- Cunuga oo dhagta jiidjiido ama xoqxoqo ama si joogto ah gacanta ugu hayo ama ula aadayo.
3- Cunno xumo
4- Hurdo la'aan iyo xanaaq iyo ooyin habeenkii
5- Codadka khafiifka ah oo uusan cunuga maqlin.

Maxaa sababo caabuqa dhegta?
Waxaa keeno jeermis ama caabuq dhaliye kaas oo noqon karo feyras ama bakteeriyo.
Waxaa halis ugu jiro xanuunkaan ama ku badan yahay caruurta laga helo astaamahaan:
1- Ilmaha ku jiro xanaanada.
2- Ilmaha waalidkoodu sigaar ku ag cabo.
3- Ilmaha dhalada lagu siiyo caanaha oo aan la naas nuujinin. Waa maxay Faa'idada naas nuujinta?
4- Ilmaha oo caano la siiyo iyagoo dhabar-dhabar u jiifo
5- Ilmaha faruuran.
6- Ilmaha qabo xanuunka iinta ee "down syndrome" Waa maxay Down Syndrome?

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Wuxuu badanaa dhakhtarku ku fiiriyaa qalab dhagta xanuunsan iyadoo la arko barar ama dillaac xuubka dhegta ama xirnaansho ama wasakh ku aruurtay sida malax oo kale.
Dhakhtarku wuxuu baari karaa dhiigga si loo ogaado infekshanka heerka uu gaarsiisan yahay ama wuxuu dheecaan ka qaadi karaa dhegta xanuunsan si jeermiska dhibka keenay loo baaro.
Marmarka qaar waxaa dhacda in baaritaano raajo ama iskaan dhakhtarka kuu diro.

Sidee loo daaweeyaa?
• Dhakhtarkaaga ayaa eegi doona dhegaha wuxuuna ka weydiin doonaa calaamadaha aad isku aragtay ama ku aragtay cunugaaga.
• Daawo Antibiyootik ah ayaa laga yaabaa in laguu qoro. Daawooyinka oo dhan waa in loo qaataa sida laguu faray, muddada loogu tala galay ku dhamayso.
• Waxna dhegta ha iska gelin, hana ku shubin sida dareere, daawo dhireed ama qoryaha afka suufka ku leh ilaa uu dhakhtarku sidaas ku faro. Waxay xannibi karaan kanaalka dhegta, iyagoo sababaya maqal la’aan ama dhaawac.

Isla markiiba u tag dhakhtarka haddii aad aragto:
• Xanuun
• Qandho siyaado ah
• Dheecaan soo burqanaya oo ka sii daraya
• Maqal la’aan

Akhriso qoraal ku saabsan Faa'idooyinka Dhukayga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7183.0

haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caabuqa Sanqada "Sinusitis"

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 101451
Last post January 09, 2016, 03:42:34 PM
by SomaliDoc
Infakshanka / Caabuqa Kaadi Mareenka (Urinary Tract Infection)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 139006
Last post March 24, 2011, 06:20:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka mindhiciro bararka iyo Caabuqa Prostate-ka?

Started by XaaafadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 10783
Last post July 10, 2016, 11:38:35 AM
by Abdiselamhaji
Caabuqa Fangaska ee Faraha Cagta Gala

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 56601
Last post May 19, 2016, 05:50:26 PM
by SomaliDoc
Caabuqa Caloosha Ee Aaan Lagu Baraarugsanayn.

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69201
Last post September 12, 2017, 07:57:44 PM
by SomaliDoc