Marka hore ilaah ayaa caafmaadka hayo, bini'aadanka aqoontiisane way iska yartahay.
Midda xigta cudurrada maqaarka ku dhaco way fara badan yihiin, kuwa la xiriira xasaasiyadda waxaa badanaa lagu qaldaa xanuunno maqaar ka dhasho cillad isdifaacis xagga jirka ah.
Taasi oo macnaheeda ah in jirku isla dagaalayo, sida in unugyada maqaarka ay dhakhso soo daataan ama aysan cimillada qaar u adkaysan karin, waana xanuunno badanaa cilmibaaris ku socd oo inta laga yaqaanno way iska yartahay.
Xanuunadaan maqaarka ku dhaco waxaa la isku dhahaa "Autoimmune Skin Disorders".
Aqoonta hadda way ka hormartay sidii hore oo baaritaanno unugyada maqaarka ayaa la baaraa oo laga ogaadaa cilladaha jiro iyo nuuca ay tahay, daaweyntuna waa kaalmaati maadaama ay u badan tahay wax qofka ku dhasho.
Inkastoo garashada cudurka ay waxweyn u tarto qofka xanuunsan laakiin kuma dhihi karo xanuunkaas ayaa ku hayo, laakiin astaamaha aad sheegtay waxaan filayaa mid ka mid kooxdaas xanuunada aan kuu soo sheegay kama marno meesha, iyadoo aan ku dhisayo warbixinta dheer aad ii soo qortay.
Xanuunadaas maadaama ay xiriir la leedahay cillad difaaca jirka oo isku mashquulay, waxaa badanaa dadkuay ku nastaan markay qaataan daawada steroids-ka oo ah daawo hoos u dhigta unugyada difaaca jirka, waana sababta ay ugu nafisaan dadka qabo neefta, allerjiga, sanboorka, xajiinta iyo kuwa kalaba.
Laakiin sida aad tilmaantay dhibaatada laga dhexlayo ayaa kabadan khaas ahaan haddii sida aad u isticmaashay iyo nooca aad ka isticmaashay daawadaas oo qatar ah, halkaan ka akhriso warbixin ku saabsan xanuunka laga qaado 'steroids-ka':
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3223.0.htmlMarka in aad la kulanto takhtar ku taqasusay cudurrada maqaarka oo heesto qalab casri ah oo baritaannada uu u baahdo kaa qaadikaro waa muhiim, waan garanayaa soomaaliya, garashada cudurrada waa aragti dhinaca cilladaha maqaarka, cudurkii la garan waayane daawo marba mid ayaa lagu fiiriyaa.
Haddii aad India aad u socotid waa fikrad fiican, waadna ka heli kartaa qalabyadaas aan isleeyahay waad ubaahan kartaa, laakiin ku dadaal sida aad warbixinta noo siisay si ka sii tafaasiilsan u sii takhtarkaaga si uu warbixn guud uga helo xaaladdaada caafimaad, warbixinta tafaasiilsan waxay takhtarka u sahlaysaa garashada cilladaada.
Haddii aad luqadda English-ka isku fiican tihiin, bal akhriso oo wax ka baro xanuun la yiraahdo "Psoriasis" oo inta aad sheegtaba leh, uguna badan xanuunada cillada difaaca maqaarka ka jirto, soomaalidane ku dhaco inkastoo aysan aad ugu badnayn.
Wixii talo ama faahfaahin aad u baahatane waad na soo waydiin kartaa.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.