Author Topic: Maxay Soomaalidu Dalqada u Goysaa?  (Read 37547 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxay Soomaalidu Dalqada u Goysaa?
« on: December 28, 2015, 05:45:27 PM »


Dalqadu waa xubin jilicsan oo ka muuqato afka salkiisa, waxay ka soo laalaadaa qeybta kore ee dhanxanaga.
Dhakhaatiirtu badanaa waxay aaminsan yihiin in dalqadu aysan faa'ido weyn oo la fahamsan yahay in aysan jirka u lahayn, qaarne waxay leeyihiin waa qanjir ka qeyb qaato difaaca jirka, qaarne waxay leeyihiin hadalka iyo cod samaynta ayay muhiim u tahay markay caruurtu yar yihiin.
Laakiin maadaama markii la jaro aysan jirin wax wayn oo jirka ka maqan ama howl ay qaban jirtay oo la gabay, ayay dhakhaatiirtu waxay ku adkaysanayaan in laga maarmi karo.
Anagu maadaama aan dad muslim nahay oo aaminsan in eebe abuuris kasta uu sameeyo in ay macno ku fadhiso, waxaanu leenahay illaa iyo hadda lama oga waxtarka dalqadu ay jirka u hayso.
Maxaa yeelay labadii boqol ee sano ee la soo dhaafay, waxaa dhakhaatiirtu aaminsanaayeen oo ardayda caafimaadka barato loo dhigi jiray in xubinta loo yaqaano "appendix-ka" ee laga saaro qofka markii qabsin ku dhaco in aysan waxtar lahayn, laakiin muddo hadda laga joogo dhowr sano la ogaaday ina y waxtar muhiim ah u leedahay bini'aadanka.

Intaa haddii aan uga gudbo hordhacaas, maadaama aanan aqoon badan loo lahayn dalqadu, sababta loo gooyane ma caddo, waxa kaliya oo la isku waafaqsan yahay oo loo gooyo waa dadka cabburma markii ay seexanayaan ama khuurada dheer leh kuwaas oo lagu sheego xanuun loo yaqaano "obstructive sleep apnea", wixii ka soo haray waxay dhakhaatiirtu isku waafaqsan yihiin in aanan la qalin.

Way jiraan ummado afrikaan u badan oo ay soomaalidu ka mid tahay oo si joogto ah u gooyo dalqada iyagoo aaminsan in ay daawo u tahay dhowr cudur oo ay keenaan labadaan sababood:
  • Caabuqa ku dhaco cunaha iyo dhuunta
  • Qufaca ka yimaado dalqada dheer

Badanaa dalqada waxaa gooyo dhakhtar dhaqameed, dadka badanaane waxay dalqada ku qaldaan quumanka, sida sawirka kore ka muuqdane waxaad arkaysaa inay yihiin laba xubin oo kala duwan.

Dhibaatooyinka ka imaan karo dalqo goynta ayaa waxaa ka mid ah:
  • Dhiigbax siyaado ah maadaama dalqadu ay leedahay xidido badan
  • Infekshan laga qaado qalabka wax lagu goynayo
  • Dhaawac gaaro xubnaha kale ee dhuunta
  • Wax liqidda iyo codka oo xirmo

Maadaama dalqadu aysan xiriir la lahayn xanuunada darteed loo gooyo illaa iyo hadda, waxaa habboon in laga fogaado jaristeeda dhibaatooyinka ka imaan karo darteeda inta la oga ogaanayo waxa ay dalqadu qabato iyo haddii jaristeeda lagu caafimaadayo iyo haddii la jaro waxa jirka ka maqnaan doono intaba.

Fadlan haddii cunaha aad ka jiran tahay la tasho dhakhtar oo ka fogow meelaha lagu sameeyo qalliimada noocaan oo kale.

Akhriso qoraalo xiriir la leh:
1- Quumanka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html
2- Dhagaxaanta quumanka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2601.0
3- Af-urka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Maxay Soomaalidu Dalqada u Goysaa?
« Reply #1 on: December 29, 2015, 11:26:08 PM »
Aad iyo aad baan uga xumahay xubintan ilaahay meesha ku abuuray ee loo jarayo dhibaato iyadu aanay shaqo ku lahayn.
waxaan ka shaqaynayay xarumaha caafimaadka, waxa laguu keenayaa ilmo yar oo qufacaya oo hargab ku sameeyay rixrixanyo (xadanto xunaha ah) oo u baahan dawo yar oo xanxantadaa cunaha ka bi'isa u baahan oo waalidkii sitay ku odhanayaan qufacani waa (hilib-dalqo) oo waa in laga jaraa ilmaha yar markaas uun buu ka ba'ayaa ayaa ka dhaadhacsan, hadda ogow oo sharoobo yar ama kiniin yar oo hal dosage ah ayaaba ku filaan lahaa!,

Isagoo intaa yar qudha u baahan ayaa qofkii la qalayaa oo laga qalayaa xubin meel cidhiidhi ah ku jirta oo aad u xaasxaasi ah, iyadoo weliba qofka qalayaa aanu ahayn dhakhtar xubnaha iyo xanuunadatoona aqoon u leh.

anigu waxaan ka mid ahay dadka inta hargab ku dhacay oo uu qufac yar kaga tegay oo dhawr cisho qudha ah, ee lagu yidhi hilib-dalqahaa ku buka oo qufacan keenayee waa in lagaa jaraa.

ka dib waxa la ii keenay oday hawlahaa qaabilsan oo miyi looga yeedhay, marka lagaa jarayo dhibtiisa ma qiyaasi kartid oo qofku marka maqas iyo forcep cunaha laga geliyo hunqaaco ayuu keenayaa waxana dhici karta in rafashadaa iyo carcarka qofka in xubin kasii daranba la jaro ama maqaskii meel kale aado.

iminka anigu waxaan arkay dhakhtaro badan oo khibrad badan leh oo igu yidhi; xubintani waxay la shaqaysaa oo caawisaa xubnaha cuntada iyo neefta kala haga ee kala ilaaliya sida epiglotes-ka iwm ah. waxayna yidhaahdaan qofkasta oo aad looga wada jaray xubintaasi wuu kasii saxasho badan yahay qofka aan laga jarin.
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Maxay Soomaalidu Dalqada u Goysaa?
« Reply #2 on: January 09, 2016, 05:15:19 PM »
Howsha ay dalqadu qabato waa qiyaas iyo malo ee ma ahan wax cilmibaaris ku dhisan, taas ayaana keentay in la isku waafaqi waayo.
Haddii ay dhakhaatiirteena ay cilmibaaris daabacan ay ku lifaaqaan waxyaabaha ay qabato, way kaga khibrad badnaan karaan dhakhaatiirta kale maadaama wadankeena aad loogu jaro dalqada, wixii isbadal dhacay qalliinka ka dib iyo la diraaseeyo dadkaas way noo sahlan tahay.
Hadduu jiro arday maadada qalliinka xiiseynaya oo rabo inuu diraasad sameeyo waa topic qiimo leh.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67185
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70344
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63152
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47715
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45908
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc