Author Topic: Xanuunka Luqunta Iyo Kogitaanka Murqaha Garabka.!  (Read 38441 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4708
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xanuunka Luqunta Iyo Kogitaanka Murqaha Garabka.!
« on: June 28, 2017, 03:04:51 PM »


Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay xanuun bulshada kuu badan, laakiin nasiib xumo laguma baraarugsane, waxaana badanaa lagu qaldaa xanuuno kale oo u eg xanuunkaan, cilladdaan waxaa lagu gartaa xanuun qoorta ah kaasoo loo dareemo qaab cadaadis ama culeys oo kale, murqaha qoorta iyo garbaha u dhaxeeyane way kogaan, mararka qaarne barar yar, mararka qaarne maaso koronto ah ayaa laga dareemaa, qoorta laftirkeeda shanqar ayay yeelataa mararka qaar iyo inay takaataysanto oo jeejeesadku dhib noqdo, qofka wuxuu ku nafisaa daliigista iyo riixriixidda qoorta, laakiin maalmo kadib sidii ayay ku soo laabataa, xanuunka wuxuu ku faafaa garbaha illaa gacmaha waxaana gacmaha laga dareemaa culeys, tabar darri iyo kabuubyo. Wuxuu qofka dareemi akraa shanqar sidii "qac" oo kale ah markuu si kadi ah u hindhiso ama u qufaco, wuxuu kaloo dareemi karaa mararka qaar in dhuunta laga ceejinayo oo xabeeb oo kale ayuu yeeshaa, wuxuuna qofku aaminaa in dhuunta ay wax uga jiraan.

Badanaa dadka xanuunkaan qabo way ka wada siman yihiin astaamaha badankood, waa laga yaabaa in kabuubyadu aysan dadka qaar isku arkin iyo shanqarta qoorta laga maqlo iyo culeyska dhuunta soo fuulo, laakiin inta kale waa arrin laga wada siman yahay.

Xanuunkaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Cervical Spondylosis", waana cillad marka hore ka bilaabato ricirrada ama lafaha qoorta, laakiin muddo kadib waxay u gudubtaa carjawda lafaha u dhaxayso iyo seedaha yaryar ee lafdhabarta qoorta ku jira, taasi waxay keentaa in culeys fuulo neerfaha ama xangullaha qoorta ku jira, markaasi xanuunka wuxuu isku badalaa murqo xanuun, dadka badanaa waxay xanuunka ku baraarugaan markuu qoorta soo dhaafo oo murqaha iyo garbaha ama gacmaha soo gaaro, waxaana la aaminaa badanaa inay muruq ama barkin-dhac ay tahay, sababtoo ah dadka qaar wuxuu xanuunka bilawdaa markay hurdada ka soo kacaan, barkintuna way dhibtaa, markii la daliigane waxyar oo nafis ah ayay dareemaan, culeyskane wuu ka dagaa.

Waa Maxay "Cervical Spondylosis"?
Cilladaan waxaa kaloo loo yaqaanaa "Neck arthritis", waa sida xanuunka Riixa oo kale oo qoorta gala, ka akhriso link-gaan cashar aan horay uga hadalnay riixa "Osteoarthritis": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0
Badanaa dadka qaba xanuunka riixa waa lagu arkaa cilladaan qoorta ah.

Cilladaan waxay burburisaa ama dillaac u yeeshaa seedaha yaryar ee qoorta isku hayo, waxay kale oo baaba'isaa lafaha oo waxay u yeeshaa dildillaacyo ama fiiq lafo ah oo loo yaqaano "Osteophyte", kaasoo dhawaca hor leh geysan kaor xanuunkane sii kordhin kara.

Maxaa keeni kara xanuunkaan?
  • Xanuunka Riixa: Sida aan kor ku soo sheegay, maadaama xanuunka riixa uu baab'iyo cajaw laabadata jirka ku jirta khaasatan jilbaha, simanka iyo lafdhabarta, dadka qaar cilladaan ayuu ukeenaa.
  • Lafa-burburka: Tan waa cillad kale oo xanuunkaan fududeyso waxayna ku badan tahay dumarka, waxaana loo yaqaanaa "Osteoprosis", waa cillad lafaha daciifiso oo la arko xilliga dhalmodeyska iyo wixii ka dambeeyo, ka akhriso link-gaan cashar ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0
  • Xanuunka Roomaatiisamka: sidoo kale xanuunkaan oo da' walba ku dhici kara waa xanuunada ugu badan ee keena in lafaha qoorta iyo murqaha wax gaaraan, sidaane uu dhaawac ku gaaro neerfaha qoorta, qoor xanuunka uu keeno xanuunka roomaatiisamka dhibkiisa kuma ekaado qeybta kore ee jirka, laakiin wuxuu u gudbaa ilaa qeybaha hoose oo kabuubyo jirka oo idil ayaa laga dareemaa iyo tabardarri.
  • Dhaawacyada: dadka galo shilalka khaasatan gawaarida aad ayay ugu badan tahay cilladaan, waxay ka timaadaa in si kadis ah ay qoorta u dhaqaaqdo taasoo keenayso in carjawda lafaha u dhaxayso ay booskeeda ka baxdo "Disc herniation", waxay kaloo dadkaan la kulmi karaan in laf ka mid ah lafaha qoorta ay jab ama tarar gaarto, sidoo kale waxaa la mid ah qofka jug toos ah looga dhufto qoorta.
  • Culeyska: dadka qaar iyagoo intaas oo xanuun ah qabin ayay culeys saaraan qoortooda, waxaana badanaa cilladaan lagu arkaa dadka qoorta wax ku xammaalo, dadka caadeystay inay fadhi wax ku akhriyaan iyagoo muddo dheer ah foorarsan, sidoo kale hooyooyinka caadeystay in caruurta iyagoo ka hooseeyo nuujiyaan una fooraarsadaan. marka siyaabo badan ayaa keeni kara in lafaha qoorta iyo neerfaha cadaadis u fuulaan, kadibne qoorta illaa garbaha uu xanuun siyaado ah ka qabto, laakiin dadkaan waxay u baahan yihiin talo kaliya si ay u saxaan fadhigooda, dhalinyaradu waa inay kursi iyo miis wax ku akhristaan ama buugaagta ay saartaan meel dhulka ka qaadan, sidoo kale hooyada nuujinayso caruurta waa inay barkin dul saaarataa dhabta si ay cunuga sare ugu qaado, naaska ugu dhawaado, fadhigane ugu saxmo.
  • Dhaxal: Xanuunkaan "Cervical Spondylosis" waxaa jira nuuc la kala dhaxlo oo qoysaska qaar lagu arko, kaasoo astaamihiisu soo muuqdaan markii 40 sano la gaaro.

Sidoo kale waxaa jira dad aan qabin xanuunkaan laakiin qabi kara xanuuno kale oo aad loogu qaldo xanuunkaan, waxaana ka mid ah:
  • Fitamin D yarida iyo Kaalsiyamta: dadka ay ku yar tahay macdantaan waxay dareemaan lafa xanuun iyo murqo xanuun u eg xanuunkaan, haddii aan la daaweyne oo lafaha qoorta sidaa dhaawac ku gaaro, xanuunkaan ayaa ku dhaca.
  • Xanuunka thryoid-ka: sidoo kale hoos u dhaca hormoonada qanjirka thyroid-ka waa cillad haweenka soomaalida aad ugu badan, astaamihiisa waxaa ka mid ah, murqo xanuun, qoor xanuun, kabuubyo iyo caajis badan, garbaha oo culeys saaran, waana lagu qaldi karaa xanuunkaan, akhriso qoraal ku saabsna thyroid-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0
  • Cayilka: khaasatan dadka tunka ama caloosha ka cayilan waxay isku arkaan astaamo sidaan u eg, maadaama toosnaanta lafdhabarta ay isbadali karto culeyska saaran awgeed, wuxuuna qofka dareemi karaa astaamaha la dareemo markii carjawda lafdhabarta ay booskeeda ka baxdo, kaasoo ah iyadane cillad kale oo bulshada ku badan, horayne aan uga hadalnay, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0
  • Xanuun gacanta ku dhaca loona yaqaano "Carpal Tunnel Syndrome" isagane wuxuu liiska hore kaga jiraa xanuunada lagu qaldo xanuunkaan, maadaama qofka uu dareemayo kabuubyo, daal iyo culeys gacanta laga dareemo, cilladaan waxay ka timaadaa seedaha gacanta soo galo oo cadaadiyo neerfaha dhinac mara, tan qofka ma dareemo wax xanuun qoorta ah oo gacanta ayay ku eg tahay, cilladaan waxay ku badan tahay dadka aad computerka ama type-ka aad ugu garaaca, waxaa kaloo lagu arkaa dadka cayilan, waxaa kaloo lagu arkaa dadka qaba xanuunka thyroid-ka, waa xanuun sidiisa u jira.
  • Kogsanaanta Muruqa: waa cillad kale oo murqaha qoorta ku dhici karta, waxaan afka qalaad lagu dhahaa "Muscle spasm", badanaa qofkaan cillad kama qabo lafaha qoorta, laakiin muruqa ayaa togtogan, waxayna dadka qaar u yaqaanaan "barkin-dhac", astaamaha la dareemo waxaa lagu qaldaa xanuunkaan inkastoo ay ku meel gaar yihiin.

Sidee ku ogaan kartaa inaad xanuunkana qabtid?
Waa in qofka astaamahaan qabo lala yeeshaa waraysi dheer maadaama sida aan kor ku soo sheegay lagu qaldi karo xanuuno dhowr ah, ayna dhib tahay in si dhakhso ah loogu baraarugo, kadib qofka waa la wiisiteeyaa si loo ogaado qeybta ay cilladdu ka jirto maadaama qoorta Alle ku abuuray illaa 7 lafood, mid walbane neerfe gooni ah ayaa dhinac maro, neerfahaas wuxuu quudiyaa qeyb gooni ah oo jirka ka mid ah, marka wuxuu dhakhtarka wiisiteynta ku fahmi karaa lafta ay cilladdu ka jirto inkastoo lafaha ugu badan ee cilladaha lagu arko ay tahay C5, C6 iyo C7, tan waa naxariista Rabbi, sababtoo ah lafaha ka sarreeya haddii ay wax gaaraan qofka noloshiisa ayaa halis gali karto sida neefsashada oo kale maadaama neerfaha qaarkood ay quudiyaan murqaha neefsashada kontaroola.
Kadib dhakhtarka wuxuu qofka u diri doonaa sawirro kala duwan sida Raajada, Scan-ka CT ama MRI, wuxuu kaloo qalab ku fiirin karaa shaqada neerfaha ama muruqaha, baaritaannadaan oo idil waxaa loo adeegsadaa qalabyo, Mana jiro baaritaan dhiig oo u gaar ah xanuunkaan, inkastoo dhakhtarka waxyaabo kale uu dhiigga ka baari karo sida roomaatisamka, fitamiin D-ga, kaalsiyamta, thyroid-ka IMW.

Sidee loo daaweeyaa "Cervical Spondylosis"?
Daaweyntu waxay ku xiran tahay xanuunkaaga nuuciisa, waxyaabaha kuu keenay, heerka uu gaarsiisan yahay, waxaa laga yaabaa inaad talo kaliya aad u baahan tahay ama daawo la qaato oo murqaha iyo neerfaha loo cuno ama duugis farsamaysan "Physiotherapy" ama in daawo lagaaga duro qoorta ama in qalliiin lagugu sameeyo khaasatan hadduu xanuunka bilaabo inuu jirka ku faafo maadaama dadka qaar uu curyaamin karo ama kontaroolka uu ka dhumin karo kaadidaiyo saxarada.

Talada SomaliDoc:
Warbixintaan waa mid kooban oo go'aan laguma gaari karo, sidaas awgeed haddii aad iskaga shakkisan tahay xanuunkaan ama isku aragtay astaamaha kor ku xusan, aadne u baahan tahay talo dheeraad ah khaasatan meesha aad wax ka billaabi lahayd iyo inuu xanuunkaan ku hayaba, fariin noogu dhaaf boggeena Facebook si aad dhakhtarka ugala hadashid xanuunkaaga: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14578
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12183
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30860
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 37080
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 80039
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!