Author Topic: Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa?  (Read 6768 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3695
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa?
« on: March 15, 2008, 05:47:54 PM »
Isbitaalka wayn ee maskaxda, kaasoo ay dadku ku dhex lumi karaan waligood, waa mid kamid ah caafimaadka maskaxda ee aad u muuqda.
Waxa si dhakhso ah isu soo bedelaya fikraddii uu shacabku ka haystay taasoo ay keeneen sawirrada telefishinku ka soo duubo ee ka
sheekaynaya dil ay gaysteen dad waalan oo mujtamaca ku dhex nooli.

Labada muuqaalba waa kuwo aan run ahayn. Inta badan dadka lagu sheego xanuun maskaxeed wax ma laayaan.

Dawladiha qaarkood waxay dhiirri geliyeen daryeelka bulshada iyo barnaamijyo dadka madaxa lagaga jiraa ay ugu noolaan karaan guryahooda. Kuwa wali u baahan in isbitaallo lagu hayo, qaybaha xanuunnada maskaxda ee isbitaalada caamka ah ayaa beddelaya isbitaallada xanuunnada maskaxda u gaarka ah.

Daawayn
Ilaa iyo hadda nooca ugu caansan ee daawooyinka lagula tacaalo xanuunnada maskaxda waa daawooyin ay qoraan dhakhtarrada guud
iyagoo eegaya natiijada baaritaankooda. Waxa jira noocyo kala duwan oo loo adeegsado daawaynta xanuunnada maskaxda. Daawooyin kala duwan baa loo adeegsadaa si loo dejiyo dadka maskaxda ka jiran kuwaasoo ku caawiya inay seexdaan, ka qaadaan murugada ama ka joojiyaan fakarrada qasaya.

Faa'iidooyinka ugu wayn ee daawooyinka waa inay ku caawin karaan dadka inay iska shaqaystaan. Malaayiin baa shaqada aada maalin kasta, ama caruurtooda xanaanaysta iyagoo daawooyin qaadanaya. Dawooyinka la'aantood waxay waayi lahaayeen shaqooyinkooda ama waa laga fogayn lahaa qoysaskooda taasoo u keeni lahayd dhibaato hor leh. Si kastaba ha ahaatee, daawooyinkani ma daaweeyaan waallida. Daawooyinku waxay yarayn karaan calaamadaha waallida, laakiin dhibaatooyinka ku hoos jiraa inta badan way iska sii jiraan. Daawooyinku waxay kaloo yeelan karaan dhibaatooyin laga yaabo inay uga sii daraan qofka. Waxa kaloo jira faa'iido darroyin kale.

Qaadashada daawooyinka wax dejiya kuwaasoo aad loo siiyo isku buuqsanaanta iyo hurdo la'aanta waxay noqon karaan kuwo si xun loogu barto.
Dejiyayaasha waawaya oo inta badan loo qoro dadka qaba schizophrenia waxay sababi karaan dhaawac joogto ah oo ku dhaca Nidaamka Maskaxda ee Dhexe.

ECT (daawayn koronto la isticmaalayo)
ECT, ama Electro convulsive therapy, waa nidaam lagu daaweeyo xanuunnada maskaxda oo muran ka taagan yahay. Waana qulqul koronto oo maskaxda la dhex mariyo, iyadoo qofku suuxsan yahay, si loo soo saaro qallal qofka soo toosiya kaasoo looga dan leeyahay si qofka looga soo toosiyo niyadjabka.
ECT waxuu ku keeni karaa arrimo aan la jeclaysan dadka qaarkood kuwaasoo ay ka mid yihiin, wareer, jahowareer, xusuustoo lunta, madax xanuun iyo labolabbo.

Hadal ku daawaynta iyo siyaabaha kale ee loola tacaalo
Dawooyinku waa waxyaalaha ugu badan ee lagula tacaalo xanuunada maskaxda, laakiin waxa kaloo jira daawooyinka hadalka ah waxana jira danayn soo kordhaysa oo ku wajahan daawaynta waxyaalaha kale la adeegsado. Hadal ku daawaynta waxa ka mid ah: talo laga siiyo arrimo gaar ah sida murugada geerida; isku kalsoonaanta si looga caawiyo dadka inay ka adkaadaan niyad jabka iyo cabsida; iyo daawayn waqti dheer qaadata oo eegaysa arrima qarsoon ee qofka haysta

Adeegyada Daryeelka Bulshada
Waxa laga yaabaa in lagu caawiyo haddii ay ku haystaan dhibaatooyin waawayni adoo ama gurigaaga jooga ama xarumo u gaar ah xanuunada maskaxda tagaya intii aad aadi lahayd isbitaal. Si kastaba ha ahaatee, daryeelka bulshada badankiisu waxuu caawiyaa dadka qaba dhibaatooyin loo caal waayay oo xagga maskaxda ah si ay iskood ugu noolaadaan.

Adeegyada daryeelka bulshada waxa ka mid ah, Day Centres, guryo dadka lagu caawiyo, kaalmo xagga shaqada ah, kooxaha aawimaadda, kalaabyada ijtimaaciga ah, barnaamijyada whehelyeelka iyo talooyin laga siiyo xuquuqda kaalmada ijtimaaciga. Adeegyada qaarkood waxa loo diyaariyay si ay u daboolaan baahida ay qabaan dad gaar ahi sida haweenka.

Ku daawaynta Isbitaalka
Isbitaalladu waxay siin karaan meel loo ciirsado oo laga heli karo duggaal iyo ilaalo.
Waxay kaloo siin karaan fursad ay shaqaaluhu ku qiimeeyaan baahida dadku qabaan ayna isku dayaan inay helaan sida ugu fiican ee qofka lagu caawin karo.
Nasiib darro, si kastaba ha ahaatee, joogitaanka isbitaalka dadka qaarkii waxay u noqon kartaa arrin ku adag. Waardhka isbitaalku waxba qofka uma asturo, waxana suurto gal ahba in qofku ka cabsado inuu dhex galo dad kale oo u dhaqmaya si yare qasan. Qaar badan baa isbitaalka u taga iskood, laakiin waxa jira 27,500 oo lagu khasbo inay isbitaal galaan iyadoo loo cuskanayo qodobka waalida ee 1983.
waxa muhiim ah in dadka xaaladaas oo kale ku jira ay ogaadaan xuquuqdooda.

Sannadahan danbe, dadka isticmaala adeegyadan way is arkayeen si ay uga fekeraan waxa ay ka uga baahan yihiin Nidaamka caafimaadka Maskaxda. Siiba, waxay rabaan inay qaraarka daawayntooda wax ku yeeshaan. Waxa laga wadaa in si fiican loogu sheego dhibaatooyinka daawooyinku leeyihiin. Waxa kaloo ay tahay in daawaynta la kala dooran karo: hadal ku daawaynta into daawo la siin
lahaa, ama xarumaha guryaha dadka madaxa lagaga jiro intii isbitaalka la dhigi lahaa. Waxay rabaan in loo arko sidii ashkhaas, dad, intii loo arki lahaa sidii xaalado aan cidna la fal galayn.

1- Waa maxay xanuun maskaxeed?
2- Sidee loo baaraa xanuunada maskaxda?
3- Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan?
4- Waa maxay sababaha keena maskax wareerku?
5- Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa?
6- Maxay asxabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan?
7- Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda?

Wixii su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa?
« on: March 15, 2008, 05:47:54 PM »