Author Topic: Su'aal: Naaso xanunka maxaa keeno?  (Read 9080 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Huda salah

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Naaso xanunka maxaa keeno?
« on: November 25, 2018, 12:26:28 PM »
Asc dr waxaan daremaa xanuun naasaha ah xanunkasoo ubadan naaska midig wax dhakhtarana umaan tegin ilaa isbuuc markuu ixanuuno waan ladnadaa mudo kdib hdana wey ixanuunan mudo 2sano ah xanuunkan bn isku arky xnuunkaso wliba markaan jiif kasoo koco ayaan aad udaremaa
Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Naaso xanunka maxaa keeno?
« Reply #1 on: March 26, 2019, 08:28:23 PM »
Waxyaabo dhowr ah ayaa keeni karo naaso xanuunka, hadduusan jirin barar, burtuqyo iyo isbadal maqaarka ama ibita ku dhacay, xanuunka kale waxaa laga yaabaa inuu yahay mid muruqa naaska ka hooseeyo inuu ku xanuunayo ama naaska laftirkiisa in cadaadis aad saartay inta aad hurdaysay, taladaydu waa inaad dhakhtar la xiriirta si laguu wiisiteeyo, si loo ogaado xanuunka aad ka cabanayso nuuca uu yahay.

Sidoo kale waxaa jiro naaso xanuun badanaa la socdo xilliga caadada, taasoo wax isbadal muuqaaled oo naasaha aan la arkin, faahfaahinta ka akhriso casharkaan kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6513.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64540
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 117150
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 71373
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35077
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc
Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29296
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc