Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:20:22 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VACANCY: HAIDO: Somali Specialists Needed Here...
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Su'aal: Maxaa lagu daweeyaa Dandruff-ka?  (Read 824 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Cmqalinle
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Field: cmqalinle
Posts: 11



« on: June 29, 2009, 05:31:33 PM »

sc walaal toxobta ama nabka(dandruff) maxa ku dhalata maxaa ku haboon oo lagu dawaynkaraa ka hortag maleedahay
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: July 01, 2009, 08:09:43 PM »

Waa maxay Dandruff?
Dandruff waxay basada ku samaysaa toxob badan oo badanaa la dareemo marka la shanlaysanayo.
Unugyada maqaarkeenna waa la cusbooneysii mar waliba oo ay duqoobaan laakiin haddii cusbooneysiinta ay noqoto mid dhakhso ah waxay keeneysaa in la dareemo unugyo badan oo dhinta kadibne loo dareemo toxob ama jirif ahaan oo ka soo daadato basada.

Dandruff-ka waxuuu kaloo ku dhacaa dadka ka shaqeeyo meelo heerkulkooda sarreeyo taasoo keenta in unugyada basada ay dhakhso is badalaan.
Dandruff-ka waxaa kaloo loo yaqaannaa "SCURF" ama caafimaad ahaan "Pityriasis Capitis"

Waxaa kaloo jira cudur loo yaqaanno "Seborrheic Dermatitis" oo ah caabuq ku dhaca maqaarka basad keenana in toxob badan uu sameeyo.

Calaamadaha dandruff-ka waxaa ka mid ah toxob cad oo basada saarsaaran ama tinta ku dhegan, basada oo leh cuncucn iyo hanbab.
Xaaladaha dandruff-ka badankood uma baahna in dhakhtar loola tago inkastoo dadka cuncunka siyaadada dareemo oo xoqa basadooda u baahanyihiin in daawo ay raadsadaan.

Maxaa keeno Dandruff-ka?
Waxa si toos ah u keeno dandruff-ka lama garanayo laakiin waxaa la isku waafaqsanyahay in nadaafad xumi aysan lug ku laheen.
Waxyaabaha keeno in dandruff-ka ay bataan ama helis uga dhigo qofka waxaa ka mid ah:
-Madaxa aan la shanleyn si joogto ah.
-Dadka xasaasiyad u leh khamiirka.
-Maqaarka oo qalalan (dadka saliidda aan isticmaalin)
-Caabuqa basada
-Isticmaal la'aanta shaambada
-Cudurrada qaar sida: Parkinson's-ka, Faalijka iyo Kaasaliimka oo yar.
-Xasaasiyad laga qaado waxyaabaha la marsado tinta
-Fangaska sida Malassezia oo kale
-Nafaqo yarida sida Zinc-ga, Fitamiin B iyo dufannada qaar.
-Diiqada iyo niyad jabka (waxaa la ogaaday in xiriir uu ka naxeeyo)
-HIV (11% dadka qabo AIDS-ka waxay leeyihiin dandruff)

Garashada Dandruff-ka?
U ma baahnid dhakhtar si aad u gaatid in aad qabto dandruff, haddii aad leedahay toxob cad oo basadaada ku samaysantay ayaa kugu filan.
Haddii aad u baahantahay in aad dhakhtar aaddo horay u soo qaad haddii ay jiraan waxyaabo cusub oo aad bilawday in aad timaha marsato.

Maxaa lagu daameeyaa Dandruff-ka?
Laba shay ayaa muhiim ah in la ogaado marka aad iska daaweyneyso dandruff-ka: 1) da'daada iyo 2) heerka dandruff-kaaga.
Waxaa lagu daaweeyaa shaambooyin loogu tala galay ka hortagga iyo daaweynta dandruff-ka umana baahnid rijeeto si aad u soo gadato.
Waxaa kaloo jira shaambooyin ka hortaga dandruff-ka uu keeno fangaska.
Haddii shaambooyinka waxba iskaga garan weydo waa inaad la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado waxa keenay dandruff-kaaga.

Haddii ay jiraan su'aalo dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Maxaa lagu daaweeyaa Ilowshaha / Qalbi camada? Qaybta Su'aalaha Wadaniyada 1 981 Last post May 26, 2009, 09:49:46 PM
by SomaliDoc
MAXAA LAGU SAMEEYAA HAARAHA WEJIGA MADOOBEEYA??? Qaybta Su'aalaha Saamiya617 1 713 Last post May 26, 2009, 09:56:12 PM
by SomaliDoc
Hargabka maxaa lagu daaweeyaa ? Qaybta Su'aalaha Raaliyo 1 538 Last post July 01, 2009, 08:40:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa cudurka dhiig karka? Qaybta Su'aalaha Aadaar 1 391 Last post December 02, 2009, 07:54:39 PM
by SomaliDoc
Quumanka yiridka gala ama Tonsil Stone maxaa lagu daweeya Qaybta Su'aalaha Abdirahman77 0 230 Last post December 16, 2009, 09:49:58 PM
by Abdirahman77
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page July 26, 2010, 01:28:03 PM