Somali Medical Forums
March 10, 2010, 06:14:45 PM
Welcome,
Guest
. Please
login
or
register
.
1 Hour
1 Day
1 Week
1 Month
Forever
Login with username, password and session length
News
:
INFO:
If you are working in Somalia, Click here
Website
Home
Help
Search
Login
Register
Somali Medical Forums
>
Diseases and Conditions
>
Qaybta Su'aalaha
(Moderator:
SomaliDoc
) >
Urethral Stricture
Pages: [
1
]
« previous
next »
Print
Author
Topic: Urethral Stricture (Read 517 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Annas
Newbie
Points: 0
Offline
Gender:
Field: Physical Education
Posts: 2
Urethral Stricture
«
on:
March 10, 2009, 05:18:19 PM »
A/s Doctor Salaanta islaanka kadib' Doctor Kdida ayaa I Xanuunjinaysay Muddo Habeenki Junubka oo i Xanuujiyo Kadidad oo Awood Saas aan Lahayn , Doctor Urologist ayaan U tagay Waa Carigan Kenya' Waraysiyo Kadib waxuu ii Qoray Dawooyin Lakiin nasiib Daro waxba Ma aysan Qaban kadib waxuu ii diray Diagnostic imaging Clnic Marka CONCLUSIONKA waxay Noqotay
Posterior Penile Urethral Stricture
Marka Xalka waa Qaliin ayuu Yiri si Loo Fakiyo Meshan Cariiriga Noqotay Waxuna i sheegay in Ay Soo Noqnoqoto' Haddana waxaan isku Diyariyay in aan Oberationka Galo Maxaa Talo Ah Doctor?......Waa wiil Da'diisu Tahay 25 Years
Waxaan idinku Dhaafay a's'w
Logged
SomaliDoc
Moderator
Points: 0
Offline
Gender:
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455
Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
Re: Urethral Stricture
«
Reply #1 on:
March 27, 2009, 11:47:40 PM »
Calaamadaha aad dareemeysid iyo baaritaannada iyo xaaladda lagaa helay way is leeyihiin.
Urethral stricture waa "Ciriiriyowga Ibta".
Penile urethral stricture: waxay tilmaamaysaa in ibta guska dhexdiisa ah ay cariiri noqotay taasoo ku badan dhalinyarada, qeybta kale waa midda qanjirka prostate-ka ku aadan waxayna ku badantahay dadka waaweyn.
Ciriiriga ibta waxaa keeno dhaawac ibta gaaray hadda ka hor kadibna bogsaday ama cudur ku dhaco sida infekshanka ibta (Urethritis).
Calaamadaha waxaa ka mid ah:
-Xanuun marka aad kaadinayso
-Awood darro inaad faaruqiso kaadiheysta
-Kaadida oo gantamin oo tistisleyso
-Kaadida oo kugu go'go'do
-Mararka aad kaadiso oo badato.
Haddii aan la daaweyn dhibka ka dhasho waa in killida oo bararto oo ku dhaco cudur loo yaqaanno "Hydronephrosis"
Dhibaatooyinka gadaal ka yimaado waxaa ugu caansan haddii dhibka in muddo jiro:
-Kaadida oo kugu ceshoonto
-Ibta oo malaxaysato
-In ibta ay faruuranto (Fistula)
-In dhagax ku samaysmo kaadimareenka
-Eerno iyo baabasiir oo ka dhasho jiirashada kaadida awgeed.
Waxaa lagu garan garaa cudurkaan 2 baaritaan:
1- Urethroscopy: Weyneyso lagu eego ibta.
2- Urethrography: Raajo lagu eego ibta.
Daaweynta waa laba nooc:
1-Weyneyn la adeegsanayo qalab loogu talo galay ibta
2-Qalliin oo lagu soo jarayo hilibka ama waxa ciriiriga ka dhigay ibta.
Haddii aad qabto su'aalo kale halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged
1- Si aad wax ugu qortid Webka
|
2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha
|
3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale
|
5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (
Halkan Riix
)
WWW.SOMALIDOC.COM
Annas
Newbie
Points: 0
Offline
Gender:
Field: Physical Education
Posts: 2
Re: Urethral Stricture
«
Reply #2 on:
May 30, 2009, 11:12:15 PM »
A/c Doctor Alhamdulilah Howshii Waan Galay waana ku guulaystay sida aad sheegtay Qalliin oo lagu soo jarayo hilibka ama waxa ciriiriga ka dhigay ibta.
Haddana waxaa Laga joogaa Labo Bil kudhawaad si wanaagsan ayayna U socotaa Kadida Lakiin wali waxaan ku arkaa dhacaan yara Cas waxaan is iri wali maysan raysan ...............Dawooyinka ugu wanaagsan Ma ii sheegi Kartaa oo qalajinta asc
mahadsanid
Logged
SomaliDoc
Moderator
Points: 0
Offline
Gender:
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455
Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
Re: Urethral Stricture
«
Reply #3 on:
June 02, 2009, 08:42:36 PM »
Waan ku faraxsannahay in qalliinka lagu guuleestay dhibkii ku hayayne eebe kaa qaaday.
Mida kale daawooyinka ugu wanaagsan waxaa haboon in aad kala tashato dhakhtarkii ku qalay maadaama halkaan in daawo laga qoro ama aan ka sheegno ay tahay mid qalad ah.
SomaliDoc
Logged
1- Si aad wax ugu qortid Webka
|
2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha
|
3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale
|
5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (
Halkan Riix
)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [
1
]
Print
« previous
next »
Jump to:
Please select a destination:
-----------------------------
SD Related Issues
-----------------------------
=> Announcements
=> SD Support and Suggestions
=> Requests & Recommendations
-----------------------------
Medical Student Forums
-----------------------------
=> I want to Study Medicine
=> Fresh Students
=> Basic Medical Science
=> Clinical Rotations
=> Questions, Exams & Study tips
=> Problem-Based Learning Center
=> Internship and Residency
=> Board Exams (USMLE/PLAB/MRCP)
-----------------------------
Other Health Professions
-----------------------------
=> Pre-Dental and Dental
=> Nursing Education Center
=> Lab Students & Lab Technicians
=> Pre-Pharmacy and Pharmacy
=> Radiology & Medical Imaging
=> Other Medical Careers
-----------------------------
Diseases and Conditions
-----------------------------
=> Cudurrada Guud
=> Cudurrada Haweenka
=> Cudurrada Caruurta
=> Cudurrada Qaliinka
=> Cudurrada Maqaarka
=> Cudurrada Indhaha
=> Cudurrada Maskaxda
=> Qaybta Wacyi Galinta
=> Qaybta Su'aalaha
-----------------------------
Medically Related Forums
-----------------------------
=> Health News and Events
=> Islam and Medicine
=> Topics in Healthcare
=> Medical Stories and Jokes
-----------------------------
Finance & Aid
-----------------------------
=> Humanitarian Aid Organizations
=> Scholarships and Opportunities
=> Medical jobs
-----------------------------
General Discussions
-----------------------------
=> Doctor's Hobbies
=> All-Students Forum
=> New Members
=> Feel Free Here
Loading...