Somali Medical Forums
September 03, 2010, 07:41:01 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VACANCY: HAIDO: Somali Specialists Needed Here...
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Xanuunka schizophrenia ma keeni karaa kulayl jidhka ah?  (Read 900 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Barkhat
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 13



Email
« on: May 15, 2009, 10:08:18 PM »

asc walaal bacda salaan waxaan doonayaa in aan dhakhaatiirta waydiiyo su'aashan oo ah xanuunka schizophrenia ma keeni karaa jidh kulayl saayid ah weliba markaad qofka salaantid inuu xamiliwaayo gacantaada kulaylkeeda darteed.
waxaan kale oo u baahnahay ma sababi karaa xanuunkaasi(schizopheria) qoorta ama luqunta oo markasta xanuun joogta ah uu hayo?
wsc
Logged
Dr.Sharbele
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Field: Bulsho caafimaad Qabta & Caqli Saliima. . .
Posts: 14



« Reply #1 on: May 16, 2009, 04:41:34 PM »

Schizopheria Waa cudur saameeya Dhimirka (psychiatric Disorders), inkastoo uu si isleeg u asiibo ragga iyo dumarka, da' kastana ku dhici karo, hadana waxa uu ku badanyahay dadka da'doodu u dhaxeyso 15-30 sano.

Wuxu waxyeelaa badanaa fekerka qofka, waana tan u muhiimsan ee si ba'an uu u waxyeelo u geysto, wuu noocyo badan yahay cudurkani, waxana ka mida, (Acute schizophrenia) (Simpleschizophrenia) iyo noocyo kale oo fara badan.

Maxaa sababa schizophrenia
sababta  ugu muhiimsan waxa la sheegaa inaytahay (Heredity) ama dhaxal, qofka xanuunkan qaba markaad wareysatid waxad helaysaa inay qaraabadiisa u dhowdhow ay ka cabanayeen calaamadahan oo kale.
Welwelka iyo Murugada ba'an iyo duruufaha ayaa iyaguna sababi kara.

Calaamadaha Cudurka

 Cudurkaan calaamadahiisa waxay noqdaan inta badan kuwa dhimirka ama dhanka caqliga ah, sida
Qofka oo fekero cidda guriga la joogto qaar ka mid ah inay qorsheynayaan dilkiisa.

Calaamado jirka ah qofku inta badan kama cawdo, kuleyl la dareemi karo ama xanuun meel jirka ka mid ahna habayaraatee malahan.
Logged
Barkhat
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 13



Email
« Reply #2 on: May 19, 2009, 08:23:13 PM »

wacalaykuma salaam.
horta marka hore waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad iigusoo jawaabteen
marka labaad waxaan doonayaa in aan xanuunkaygan idiin faahfaahiyo waxaan ahay 24years ilaa intaan garaadsaday waxaan dareemayay arimo ayka mid yihiin cuqdad iyo waxyaabo badan oo igusoo noqnoqda anigoo isleh waxyaabaha qaarkood yaanay kugusoo noqon oo xasuustooda iska jir ayay hadana igusoo dhacayaan markaasaan murugo badan kala kulmayaa waxyaabaha aan dareemana waxa ka mid ah
1.shaki
2.welwel
3.murugo
4.cabsi
waxa kale oo ii dheer jidhkaygu markasta waa kulayl tusaale hadii qof i salaamo uma adkaysan karo kulkayga wuxuu qofkastaa yidhaahdaa waad xumadaysantahay.

anigoo og waxa aan ka cabsanayaa ama ka shakisahay inuusan jirin ayaan hadana waxa iga maqan go'aan qaadashadii, waxaan la xidhiidhay dhowr dhakhtar midkastaana dawo ayuu ii qoray markaan dhamaystayna waxay igu yidhaahdeen waxaad u baahantahay dhakhtar ku takhasusay maskaxda anagu waxaanu nahay genaral. meeshaan joogana ma joogaan dhakhaatiir psychatrist, ah
dawooyinka aan isticmaalayna waxa ka mid ah
1.amitriptyline    25mg    =3months
2.tofranil  tablet  25mg    =3months
3.mellaril tablet  25mg    =3months
4.chlorpromazine 100mg =3months
waxbana iskagana garan ama waxba igama bedelin weli xanuunku waa sidiisii
markaa maxaad igula talinaysaan?.
weliba anigu waxaan ahay pharmacist markaa waan garanayaa systemka dawooyinka iyo shuruudohooda markaa sidaa daraadeed idinku dhibimaayo dawo ii qora laakiin waxaan idinka codsanayaa inaad ii dedaashaan oo ii sheegtaan wixii awoodiina ah oo dhan. waad mahadsantihiin wsc
Logged
Dr.Sharbele
Newbie
*

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Field: Bulsho caafimaad Qabta & Caqli Saliima. . .
Posts: 14



« Reply #3 on: May 21, 2009, 05:32:42 PM »


  Barkhat waad ku mahadsantahay warbixintaada faahfaahsan, si fiican bay inooga dhacday mushkiladaadu, runtii ma ahan cillad sidaasi u weyn, dhalinyaro aad u badan ayaana ka cabanaya, waana xaaladaha nafsaaniga ah kuwa ugu sahlan, si fudud ayaa loo daaweyn karaa iyadoon loo baahan kiniiniyo iyo daawooyin fara badan, waxaana loo yaqaan (VAnxiety).

Calaamaadaha ugu muhiisan ee cudurkaan waxa loo qeybiyaa laba nooc:-

calaamado caqliga laga dareemo sida:-
- Cabsi iyo argagax iyadoo ay jirin wax cabsi abuuri kara
-Deganaansho la'aan
-Baasaysi iyo cabsi musiibooyin kusoo fool leh mustaqbalka
-dulqaad la'aan iyo dhibsasho fara badan
-Dareen denbi iyo qoomamo

Calaamadaha Jismiga laga dareemo
-Wadna garaaca oo siyaada
-Dhidid qabow gaar ahaan gacmaha
-Kuleyl daran iyo xumad
-Madax-xanuun, qofka oo dareemaya inuu cadaadis madaxa ka saaran yahay.
Calaamadahaan waxa macquul ah ineysan dhamaantood kasoo wada daahirin qofka, balse qaar badan oo ka mid ah lagu arki karo.

 TALO SOO JEEDIN
Waxad isaga baabi'in kartaa symbtoms-ka iyo acraadda cudurkaan si fudud, waayo qofka mutadayinka ah way sahlantahay si loo daaweeyo, adigase waxadba haysataa diinteena suuban ee islaamka, waxana aad aaminsantahay inaysan kugu dhacayn wax alle kuu qoray mooyaane.

-waxaad badsataa Nasashada iyo hurdada, waxadna yareysaa hadalka, doodda iyo jawiga buuqa ah.
-Waxaad joojisaa munashidaadka (Conditioners) ama (Stimuli), sida Kafeega, Qaxwaha, tubaakada iyo sigaar iwm.
-joogtay adkaarta iyo cibaadada kale, sida weesada, salaada ducada iwm.
-Haddii aadan weli guursan ama aadan xaas lahayn, ku dadaal inaad guursatid waayo guurku wuxu kordhiyaa sacaadada iyo farxadda nolosha, qalbiga ayaa ku raaxaysta, sidoo kale nafta ayaa ku degta..
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #4 on: May 22, 2009, 12:45:03 PM »

Walaal wixii aad uga baahantahay warbixin buuxda oo ku saabsan cudurka schizophrenia halkaan ka akhriso
http://somalidoc.com/smf/cudurada-maskaxda/fahmitaanka-iskizofereeniyada-(schizophrenia)/

Halkaanne ka akhriso qoraallo ku saabsan cudurro kale oo ku dhaco maskaxda iyo siyaabha ay ku kala duwanyihiin
http://somalidoc.com/smf/cudurada-maskaxda/

Halkaanne ka akhriso qaababka kala gaddisan ee loo daaweeyo cudurrada maskaxda
http://somalidoc.com/smf/cudurada-maskaxda/hababka-daaweynta-ee-xanuunada-maskaxda/

Wixii faahfaahin dheeraad ah waad na weydiin kartaa

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Noocyada Madax Xanuunka Cudurrada Guud SomaliDoc 1 2730 Last post October 03, 2007, 11:12:25 PM
by SomaliDoc
Fahmitaanka Iskizofereeniyada (Schizophrenia)? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 682 Last post April 02, 2008, 07:26:34 AM
by SomaliDoc
Waa Maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 1156 Last post April 03, 2008, 05:26:15 AM
by SomaliDoc
Muxuu yahay xanuunka Galaha? Qaybta Su'aalaha Cidhib 4 1584 Last post December 11, 2008, 12:28:46 PM
by dr-awale
See Isu Naaxin Karaa? Qaybta Su'aalaha Wadaniyada 4 999 Last post January 13, 2009, 09:47:21 AM
by Wadaniyada
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 09:29:22 AM