Somali Medical Forums
January 08, 2009, 07:42:57 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: DISCUSSION: Does Teething Cause Diarrhea?
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Kaadi-Saarista (Dialysis)  (Read 102 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: August 18, 2008, 08:32:59 PM »

Kaadi-saaristu waa daweyn la isticmaalo marka kilyuhu ay joojiyaan inay si fiican u shaqeeyaan. Kaadi-saarista waxaa loo isticmaala in dheecaanka siyaadada ah iyo qashinka laga saaro jirkaaga. Waxa jira laba nooc oo ah kaadi-saaris:
• Kaadi-saaris dhiig (hemodialysis)
• Kaadi-saarista xuubka hoose ee ubucda (peritoneal dialysis)

Kaadi-saarista dhiigga (Hemodialysis)
Marka la sameynayo kaadi-saarista dhiigga, in yar oo dhiig ah ayaa dibadda looga soo nuugaa ama looga saaraa jirka waxana la dhex mariyaa mishiin la yidhaahdo killi artifishal ah. Mishiinkani waxa uu dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka ka shaandheeyaa/miiraa dhiigga. Ka dib dhiigga ayaa dib loogu celiyaa ama loogu shubaa jirkaaga. Daweyntu waxay qaadataa qiyaas ah 4 saacadood waxana la sameeyaa 3 jeer todobaadkii.
Si loo sameeyo daweynta, waxa loo baahan yahay goob dhiigga dibadda jirka looga saaro, ka dibna lagu soo celiyo dhiigga. Tan waxa la yiraahdaa goobta siinta (access). Marka goobta siinta la sameeyo ee ay bogsato ka dib, 2 irbadood oo ku xiran tuubo ayaa la galiyaa goobta siinta. Hal irbad dhiigga ayay dibadda u soo saarta, hal irbadna dhiigga ayay ku celisaa jirka.
Goobaha Siinta
Waxa jira saddex nooc oo ah goobo siin.
• AV Fistula – Marka la sameeyo qalitaan sahlan, oo ah xidid dhiig oo halbowle ah ayaa lagu xiriiriyaa xidid dhiig oo arooriye ah meel ah maqaarka hoostiisa. Badanaa waxa tan lagu sameeyaa gacan.
• Graft – Marka la sameeyo qalitaan fudud, tuubo caag ah oo jilicsan ayaa la galiyaa si ay isugu xiriiriso halbowle iyo arooriye ah maqaarka hoostiisa.
• Central catheter – Marka la rabo kaadi-saaris ku-meel-gaarsiis ah, dhakhtarku waxa uu tuubo galiyaa xidid arooriye ah oo weyn inta badan mid ku yaala qoorta.

Kaadi-saarista Xuubka Hoose (Peritoneal dialysis)
Marka la sameynayo kaadi-saarista xuubka hoose, tuubo ayaa la galiyaa caloosha/ubucda.
Hoore/dareere gaar ah oo la yiraahdo "dialysate" ayaa lagu shubaa ubucda iyada oo la marinayo tuubo.
Hooruhu/dareeruhu waxa uu ubucda ku jiraa dhawr saacadood. Inta hooruhu ku jiro ubucda, dheecaanka iyo qashinka dheeraadka ah ayaa ka soo baxa dhiigga oo ku darsamaya hooraha. Hoorahani waxa uu si aad ah ugu eg yahay kaadida ka dibna waxa laga gororiyaa jirka iyada oo la isticmaalayo tubada. Markaas ka dib hoore nadiif ah ayaa lagu shubaa ubucda waxana lagu celiyaa talaabooyinka.
Waxa jira 2 nooc oo waaweyn:
• Kaadi-saarista Xuubka Hoose ee Joogtada iyo Socodka Leh Continuous Ambulatory Peritoneal Dialysis (CAPD) waxa la sameeyaa 4 ilaa 5 jeer maalin kasta waxana uu hooruhu ku jiraa ubucda 3 ilaa 4 saacadood. Waxa tan lagu sameyn karaa meel kasta oo nadiif ah oo asturan.
• Kaadi-saarista Xuubka Hoose ee Joogtada iyo Wareegga ah (Continuous Cycling Peritoneal Dialysis) (CCPD) waxa la sameeyaa iyada oo la isticmaalayo mishiin gaar ah. Hooruhu waxa uu caloosha ku jiraa mudo gaaban, oo ku qiyaasan 1½ saacadood.
Marka hore mishiinka ayaa la rakibaa, ka dibna qofka ayaa lagu xiraa mishiinka, mudo ah 8 ilaa 10 saacadood habeenkii.
Qofka waxa laga furaa mishiinka maalinimada.

Haddii aad qabtid wax su’aalo ama walaac, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Kaadi Sonkorow (Diabetes) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 494 Last post October 16, 2007, 11:31:54 AM
by SomaliDoc
Kaadi Sonkorowga Waqtiga Uurka Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 326 Last post January 07, 2008, 09:30:11 PM
by SomaliDoc
Are there any dialysis centers in Somalia? Humanitarian Aid Organizations Doctoor 0 192 Last post May 15, 2008, 05:44:25 PM
by Doctoor
Su'aal ku saabsan kaadi ku dhaga (BPH) Qaybta Su'aalaha Aiman 1 366 Last post May 16, 2008, 07:15:54 PM
by SomaliDoc
Qalitaanka Saarista Xameetida (Cholecystectomy) Cudurrada Qaliinka SomaliDoc 1 270 Last post August 13, 2008, 08:35:27 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page December 20, 2008, 01:41:00 AM