Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:19:12 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Maxaad Ka Ogtahay Hargabka Doofaarka?  (Read 432 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: July 01, 2009, 09:09:54 PM »

• Dhacdooyinka hargab doofaarka ee imika la xaqiijiyey in uu ka jiro dhowr wadan oo dunida ah.
• Iyadii oo ay muhim u tahay caafimaadka dadwaynaha barashadda sida ugu badan ee suuragal ah tan la xiriira xaaldahaa, hadana xaaldaha inta la ogaaday imika ma ahan mid wax bandanna ka duwan marka loo eego hargabka caadiga ah.

Khatarta
• Sida xanuunadda kale ee hargabka, waxa lagu kala qaadaa ama uu ku faafaa min qof illa qof qaababka qufaca, hindhisadda ee qof xanuunsan ama qaba cudurka uu la eegto ama gaadha kuwa kale.
• Nooc walba oo ka mid ah hargabka waxaa dhici karta in uu qatar noqdo.
• Cunidda hilibka doofaarka lagama qaado cudurkaan.

Cudurka
• Astaamaha hargab doofarka waxa ay la nooc yihiin kuwa hargabka caadiga ah.
• Sida hargab xiliyeedka, hargab doofaarku waxa uu sababi karaa xaalad caafimaad oo qatar ah, ama caafimaadkaagii oo aad waydo, iyadda oo mararka qaar ay gaaro xaaladu meel halis ah.
• Qof walba oo uu ku dhaco cudurkaa oo soo booqda/ama booqata adeeg bixiye caafimaad waa in uu sheegaa meelihii ugu dambeeyey ee safar ee uu tagay gaar ahaan meelihii lagu ogaa xaalado hargab doofaar, ama la xiriira doofaarka. Adeeg bixiyahaaga caafimaad ayaa go’aan ka gaari doona dariiqadda ugu hagaagsan ee dawaynta ama la dagaalanka cudurkaa.

Ka Hortaga
• Waxaa jira talaabo maalin walba kugu saacidayn karta in aad ka hortagto faafitaanka jermiskaas kan keena xanuunka neefsiga sida hargabka.
Qaado talaabooyinkaa maalin walba si aad u badbaadiso caafimaadkaaga.
- Ku dabool afkaaga mandiil marka aad qufacayso ama aad hindhisayso, kadibna waxaad ku ridaa halka loogu tala-galay qashinka.
- Ku dhaq gacmahaaga mar walba saabuun iyo biyo, gaar ahaan kadib marka aad qufacdo ama aad hindhisto. Aalkoladda wax nadiifisa ee
gacmaha lagu dhaqo qudheedu way la dagaalantaa jeermiska.
- Iska ilaali in aad ku dhawaato dadka xanuunsan ee cudurka qaba.
- Goor walba aqalka ku nagoow halkii aad tegi lahayd dugsiga ama shaqadda hadii aad xanuunsan tahay. Adiga oo xadidaya xiriirka aad
kuwa kale la samaynaysid si aad oga ilaaliso in ay xanuunsadaan
- Iska ilaali taabshadda indhahaaga, sanka ama afka.
• Imika ma jiro talaal la heli karo si looga hortago hargab doofaarkan oo isagu cusub.

Wixii macluumaat dheeraad ah, halkaan ka akhriso:
http://somalidoc.com/smf/cudurada-guud/hargabka-doofaarka-(swine-flu)/
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Hadaadan doctor,nurse,pharmacist ahaan laheyn maxaad jeclaan laheed inaad noqoto Feel Free Here « 1 2 » Dr.Nasra 19 1312 Last post Today at 09:24:27 PM
by Gambool
Ma Ogtahay in gudniinka uu dhimo Islam and Medicine Al Amin 0 952 Last post August 24, 2008, 10:08:02 AM
by Al Amin
Hargabka Doofaarka (Swine Flu) Cudurrada Guud SomaliDoc 0 881 Last post May 22, 2009, 06:16:17 PM
by SomaliDoc
Hargabka maxaa lagu daaweeyaa ? Qaybta Su'aalaha Raaliyo 1 537 Last post July 01, 2009, 08:40:38 PM
by SomaliDoc
FILIN: Hargabka Doofaarka Muxuu Yahay? Qaybta Wacyi Galinta Dr.Mahdi 0 300 Last post November 07, 2009, 11:44:38 PM
by Dr.Mahdi
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Today at 01:40:15 PM