Somali Medical Forums
March 12, 2010, 06:50:34 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VACANCY: HAIDO: Somali Specialists Needed Here...
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: CAAFIMAADKA KHAASKA AH (PERSONAL HEALTH)  (Read 651 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Dr.Sharbele
Newbie
*

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Field: Bulsho caafimaad Qabta & Caqli Saliima. . .
Posts: 14



« on: April 17, 2009, 04:51:49 PM »

CAAFIMAADKA KHAASKA AH (PERSONAL  HEALTH)

Sida aynu wada ognahay bay'ada aynu ku noolahay  waxa ku wareegsan dullin ili-maqabati ah(jeermis) kaasoo wax u dhimi kara caafimaadka bini-aadamka, waxa uu ku haleeli karaa dullinkaasi waqtikasta iyo meelkasta, sida keliya oo laysiga ilaalin karo waxay tahay nadaafad joogto ah, hadaba nadaafadda ugu horeysa una muhiimsan waxay tahay :-
-Gacmaha oo la mayro xilliga cuntada ka hor iyo ka dib labadaba, iyadoo la isticmaalayo saabuun iwm, waqtiguna uusan ka yaraan dhowr daqiiqo,ciddiyaha iyo fara dhexdooda  waxay u baahan yihiin fiiro gaar ah waqtiga fara-mareydhka.
-Nadiifinta jirka oo dhan: Nadaafad la'aanta jirka waxa ka dhalan kara cuduro iyo inuu ku abuurmo cayayaan sida injir(Lice) oo gasha timaha madaxa iyo nooc kale oo loo yaqaan (Pubic Lice).
-Nadaafadda ilkaha: afka waxuu ubaahan yahay nadiifin joogto ah, cuntada aynu cunno ka dib hadan si dhakhso ah looga nadiifin waxa ka dhalan karta bacteeriyo waxyeelo u geysan karta cirridka iyo ilkahaba (Dental caries) sida ugu habboon ee looga hortegi karo waa cadeyga ugu yaraan maalinkii 3 mar.
CAAFIMAAKA KHAASKA AH IYO DUMARKA
Haweenka waxa uu aad u kordhayaa  khatartooda caafimaad waqtiyada caadada (Menstrual period ) , cilmi-baaris la sameeyay ayaa waxa lagu ogaadey iney waqtiga caadada hadaan laga feejignaan ay helis u tahay inuu dhaco (Bacterial blood poisoning) sidaa darteed ay waajib tahay in labedelo cudbiga loo isticmaalo 6-dii saac mar, waayo haddii ay  8 saacadood gaarto waxa abuurmaya becteeriya, ka dibna waxa helis ah inay u gudubto wareega dhiigga oo idil, waxayna sababi kartaa dhimasho.
Logged
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Caafimaadka! Dr Saadiq Enow Qaybta Wacyi Galinta Dr.Ciise 0 1007 Last post February 21, 2007, 03:19:55 PM
by Dr.Ciise
The Ultimate Personal Biography! Health News and Events Dr.Mahdi 0 384 Last post September 05, 2007, 03:54:34 AM
by Dr.Mahdi
Fariimaha Caafimaadka Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 1593 Last post September 12, 2007, 03:01:44 AM
by SomaliDoc
Barashada Caafimaadka iyo Sudan Health News and Events Dr.Mahdi 1 602 Last post October 27, 2007, 04:25:54 PM
by Munim
Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran! Qaybta Wacyi Galinta Waxbaro! 10 1956 Last post February 01, 2008, 08:32:19 AM
by Kamal
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.9 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page March 04, 2010, 07:51:44 PM