Somali Medical Forums
March 11, 2010, 08:24:03 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VACANCY: HAIDO: Somali Specialists Needed Here...
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Saameynada Liddiga ah ee Daaweynta Kansarka  (Read 612 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 455


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: December 19, 2008, 06:23:44 PM »

Daaweynta kansasrka, sida shucaaca ama kiimiko ku daaweynta, waxaa loo isticmaalaa in lagu baabi'iyo unugyada kansarka ee jirka ku jira. Unugyada kansarku waxay u koraan una qaybsamaan si ka deg deg badan sida unugyada caafimaadka qaba.
Daaweynta kansarka waxaa loo sameeyaa si ay uga shaqayso unugyadaan sida deg degta ah u koraya. Shucaac iyo kiimiko ku daaweyntu waxay saameyn karaan unugyada caafimaadka qaba, ee sida deg degta ah u koraya iyagoo sababaya saameyn lid ku ah.

Dadka badankoodu waxay la kulmaan waxoogaa saameyn lid ah. Saameyntaan liddiga ah iyo sida ay u daran tahay waxay ku xiran tahay daaweyntaada iyo sida jirkaagu uu uga jawaabo. Kuwa ugu badan waxaa ka mid ah:
• Daallanaan
• Shuban ama saxaro adayg
• Lur ama xanuun afka, cirridka iyo cunaha ah
• Lalabbo ama matagid
• Xanuun
• Timaha oo kaa bida oo loo yaqaanno "alopecia"
• Dhibaatooyinka maqaarka iyo ciddiyaha ah oo ay ku jiraan finiinicyo, guduudasho, cun-cun, maqaarka oo fiiqma, engegnaan, canbaar ama qorraxda oo qofka aad u dhibta
• Diiqo ama caabuqid dareemid

Saameynt liddiga ah ee dhiigga waxaa ka mid ah:
• Unugyada dhiigga ee cas-cas oo aad u yaraada oo loo yaqaanno dhiig yari.
• Unugyada jirka oo aan heleynin ogsijiin ku filan.
• Unugyada dhiigga ee cad-cad oo aad u yaraada loona yaqaanno "neutropenia". Tani waxay jirka ku adkaysaa in uu la dagaallamo jeermisyada.
• Unugyada dhiig xinjirowga sameeya oo aad u yaraada. Tani waxay jirka ka dhigtaa mid u nugul nabarrada aan dillaacin iyo dhiig bixidda.

Takhtarkaaga la hadal si aad ula socodsiiso sida aad dareemeyso inta daaweyntaada kansarku ay socoto.
Haddii aad wax su'aal ama walaac ah qabtid, halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Kansarka Qanjirka manida Ragga Cudurrada Guud SomaliDoc 0 1151 Last post February 29, 2008, 06:21:07 PM
by SomaliDoc
Kansarka Maqaarka (Skin Cancer) Cudurrada Maqaarka SomaliDoc 0 871 Last post July 28, 2008, 09:05:34 PM
by SomaliDoc
Kaankarada/Kansarka Naasaha (Breast Cancer) Cudurrada Haweenka SomaliDoc 0 875 Last post December 12, 2008, 11:56:31 AM
by SomaliDoc
Saameynnada Lidka ah ee Daaweynta Kansarka Qaybta Wacyi Galinta SomaliDoc 0 561 Last post February 25, 2009, 10:15:04 PM
by SomaliDoc
Hababka Daaweynta ee Xanuunada Maskaxda Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 928 Last post March 09, 2009, 12:50:13 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.9 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page March 09, 2010, 02:58:43 PM