Somali Medical Forums
January 08, 2009, 08:10:24 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Liqidda Barium (Barium Swallow)  (Read 90 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 224


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: July 25, 2008, 09:22:55 PM »

Liqidda barium waa raajo lagu hubinayo dhibaatooyinka ka jira hunguriga, jidiinka, caloosha iyo xiidmaha yar-yar.

Waxaad cabbaysaa cabitaan jeeso u eg oo loo yaqaanno "barium" si sawirro looga helo raajada.   
 
Haddii aad tahay qof naas nuujiya, uur leh, ama laga yaabo in aad yeelato, la socodsii dhakhtarkaaga inta aan raajada lagu saarin.
 
Baaritaanku wuxuu qaadanayaa ilaa 15-45 daqiiqadood. Waxaa laga yaabaa in aad u baahato in aad joogto ilaa 6 saacadood si raajooyin kale lagaaga qaado haddii xiidmahaaga yar-yar la
eegayo.
 
Si aad isugu Diyaariso
• Waxna ha soo cunin waxna ha soo cabbin, marka lagu daro biyo, wixii ka danbeeya saqda dhexe habeenka baaritaanka ka horreeya. 
• Sigaar ha soo cabbin wixii ka danbeeya saqda dhexe habeenka baaritaanka ka horreeya.
• Haddii aad u baahan tahay in aad qaadato daawooyinkaaga subaxda baaritaanka, ku qaado kabbashooyin biyo ah oo keliya.

Waqtiga Baaritaanka
• Waxaa lagu siinayaa 1 ama 2 cabitaan oo barium ah. Cabitaanku wuxuu u dhadhamayaa sidii jeeso (tamaashiir) oo kale waxaana laga yaabaa in wax lagu daro dhadhan u sameeya. 
• Raajooyin ayaa lagu saarayaa inta ay barium-tu hunguriga hoos caloosha ugu sii raacayso. Waxaa laga yaabaa in aad u baahato in aad ku istaagto ama ku seexato miis si raajada laguu saaro. Miiska waxaa loo dhaqaajinayaa boosas badan. Marka aad dhaqaaqdaba, barium-tu waxay dabooleysaa gudaha calooshaada iyo xiidmaha. Raajooyin kale ayaa lagu saarayaa inta barium-tu ay jirkaaga ku dhex soconeyso.
• Haddii raajo lagaa saarayo xiidmaha yar-yar, waxaa laga yaabaa in ay qaadato ilaa iyo 6 saacadood si baaritaanka loo dhammeystiro.
 
Baaritaanka ka Dib
• Saxaradaadu waxay noqon doontaa mid midab khafiif ah leh ilaa 2-3 maalmood baaritaanka ka dib.   
• Cab 6-8 koob oo cabitaanno ah baaritaanka ka dib. Tani waxay kaa caawin doontaa in aad jirkaaga barium-ta ka soo saarto waxayna kaa ilaalineysaa in saxaradu kugu adkaato.
• Natiijooyinka baaritaanka waxaa loo soo dirayaa takhtarkaaga. Takhtarkaaga ayaa kula socodsiin doona natiijooyinka.

Takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:
• Barium saxaradaada la socota 3 maalmood oo baaritaanka ka danbeysa
• Saxaro khafiif ah ama aad ogaato isbeddel ku dhacay caadigii musqul gelidda
• Saxaro aan caadi ahayn 3 maalmood
• Xanuun qaybta hoose ee uur ku jirta ama caloosha kaa qabta
 
Isla markiiba wac takhtarkaaga haddii:
• Aadan joojin karin matagid
• Aad isku aragto dhiig marka aad matagayso ama dhiig saxarada la socda

Wixii su'aalo ama faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan qoraalkaan halkaan ka weydii
SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Dhibaatooyinka Wax Liqidda Cudurrada Guud SomaliDoc 0 343 Last post December 23, 2007, 05:59:56 PM
by SomaliDoc
Xiidmo Raajayn (Barium Enema) Radiology & Medical Imaging SomaliDoc 0 91 Last post August 10, 2008, 08:53:17 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.7 | SMF © 2006-2008, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page January 01, 2009, 01:41:00 AM