Maxaa kalee aan sameyn karaa? Wey adkaan kartaa inaad sameyso isbedeladan, maxaa yeelay sida diiqadu u saameeso fekerkayaga, dareenkayaga, iyo sidaynu u dhaqano.
Farsamadan soo socotaa waxa kale oo ay kaa caawin kartaa afkaarta, dhaqanka, iyo dareemada aan fiicnayn.
1.
sameynta qorshe maalmeedka marka dadku diiqadeysanyihiin inta badan ma jecla in ay wax qabtaan. Wax kasta wey ku adkaadaan, kadibna wax yar ayey sameeyaan.
Hadii tani adiga dhibaato kuu tahay, samee liis waxyaalaha aad doonaysid inaad sameeso, ka dib sii qorshee sidii aad arin kasta u sameen lahayd. Ka biloow tan kuugu sahlan, hana tiigsan meel sare. Eeg liiskaaga, kadibna sax intaad qabatay. Maalinta dhamaadkeeda waxaad eegi kartaa waxa aad sameesay. Jimicsiga jidhka waxa sare u qaadi karaa niyad-samigaaga. In yar marba ku dar qorshahaaga. Dhexgalka asxaabta, reerkaaga, iyo jaarka wey ku caawin kartaa.
Xasuusnow meel sare ha tiigsan. Wixii kuu sahlanaa hore hadda wey kugu adkaan karaan. Ka bilow meesha aad hadda joogtid, siina kordhi meeshii markaad ladnayd joogtey.
2.
Gaadhitaaka iyo raaxaysiga marka dadku diiqadaysayihiin waxa inta badan ilaawaan waxa ay soo hooyeen iyo jecelyihiin. Inta badan dadka wax badan baa u hagaagsan oo aaney ogeyn.
Marka aad qortid waxyaalaha aad doonaysid inaad qabato maalintii, dhinac dhig kuwa aad jecleysatey, kuwa aad (guul) ka gaadheyna dhinac dhig.
Tijaabi in aanad hoos isu dhigin. Dadka diiqadeysani ma qirtaann guusha ay gaadheen. Tijaabi in aanad naftaada barbar dhigin sidii aad beri ahaan jirtey. Ku boori naftaada waxa aad awoodaysid inaad maamusho. Marka aad diiqadeysantahay wax kasta qabashadoodu wey adagyihiin, sidaa awgeed waa inaad abaal marisaa, qirtaana (guushaas). Markaa samee maalinkasta wax ku raali geliya, nafta u abaalgud wey kuu caawinaysaa.
3.
ABC isbedelada dareemada waxay u dhowdahay in qof uu hayo diiqada umushu uu leeyahay afkaar qariban oo sababi kari niyad xumi. Tani way wada saameesaa wixii diiqad ah.
Ka feker arin dhacday dhawaan oo kaa cadhaysiisay. Waxa aad awoodaa inaad sadex qaybood u kala saarto:
A. dhacdada.
B. afkaartaada iyada ku saabsan
C. Dareenkaaga iyada ku saabsan.
Dadka inta badani waxay ogyihiin A iyo C. bal aynu eegno tusaalahan:
Ka soo qaad in ilmahaagu uu oohinta joojin waayey marka aad sameesay wax kasta oo aad u malysey inay caawinayso.
A. dhacdada – ilmuhu ma aamusayo.
B. afkaartaada – uma dulqaadanayo tan. Waan doonayaa in aan gilgilo. Waxaan ahay hooyo aan qiimo lahayn. Ma mudni in aan haysto (ilmaha).
C. Dareenkaaga – diiqad, denbiile.
La yaab maleh inaad xumaan dareentid! Waxa muhiim ah inaad sadexdaa arimood ogaatid. Sababtoo ah waxay wax ka bedeli karnaa malaha dhacda sidaynu wax uga bedelno sida aynu u dareemayno.
4.
Dheeli tirka “Dheeli tirku’’ waa farsamo ay fiicantahay inaad tijaabisid. Marka feker dhinaca xun ahi uu kugu soo dhaco u dheeli tir feker dhinaca fiican ah, tusaale:
Fekerka: “hooyo fiican ma’ihi”, waxa lagu dheeli tiraa: “dhakhtarka waxa uu yidhi waad fiicantahay, ilmuhu waa ladanyahay”
Runtii arintani odhanshaheedu waa ka hawl yaryahay falkeeda. Marka aad dhinaca xun wax eegaysid way adagtahay inaad dhinaca kale u rogto, laakiin isku tababarkeedu wuu hawl yareeyaa.
5. Tijaabi, xasuusana tafaasiisha
Baadhistu waxay ina tusaysaa in qofka diiqadaysani aanu xusuusan tafaasiisha dhacdooyinka, laakiin go’aan guud iska gaadho, sida “Weligey waxba kuma fiicnayn”. Tijaabi, iskuna tababar tafaasiisha si aad u xasuusan waayo- aragnimada iyo waqtiyada fiican. Buug xasuusta ayaa kaa caawin kara arintan. Liis garayso guulaha iyo dhinaca aad ku fiicantahay sida “inta badan ma habsaamo”, “Saaxiibtey ayaa i caawisay talaadadii”, “Lamaanahaygu wuu igu amaanay shaqadii wiigii hore aan qabtey”.
Gunaanad
Isticmaalka qorsheynta maalin kasta, qorista guulaha iyo waxaad ku fiicantahay, iyo qorista fekerkaaga iyo barbardhiga mid dhinaca fiican ah, waxay kaa caawinayaan la dagaalanka diiqada iyo afkaarta madow ee la socda.
6.
Xalinta mushkiladda adag Mar-mar waxa inaga tan bata waxyaalo aad u murugsan oo adag oo aynu sameeno. Siyaababaha ku caawin kara waxa mid ah inaad qorto talaabooyinka aad u baahantahay inaad qaado si hawsha u dhamaysid – ka dibna aad marba talaabo fashid.
Xataa xalilida dhibaato yar waxay kuula eekaan karaan wax aad u adag marka aad diiqadaysantahay. Hadii ay jirto dhibaato gaar ah oo aad rabtid inaad xalisho, waxaad eegi mar hore oo arin la mid ah aad xalishay, kadibna sidii oo kale u samee. Ama waydii saaxiib sidii uu arin la mid ah u sameen lahaa. Qor ikhtiyaar aad haysatid xataa kuwa nacasnimada kuula muuqda. Ka noqo fanaan arintan. Hadii inta xal aad haysaa badato, waxaad u dhowaaneysaa inad mid sax hesho. Marka aad ka fekerto faaiidada iyo khasaarha, dooro tii macquul ah.
7.
Rumaysnaanta muddo dheer Dadka qaarkood waxay muddo dheer rumaysanyihiin waxyaalo naftooda ku saabsan oo –khatar ah - sida, “Maihi qof maskax fiican” ama “maihi qof la jecelyahay”. Rumaysnaantu waa wax aynu hore u samaysaney oo ku xidhan waayo aragnimadeena hore, oo laga yaabo hadda inaa nad sax ahayn. Tijaabi inaad ka hortagto canaanta nafta, jooji hoos u dhiga naftaada, arrintantan burinaysa rumaysnaantan.
8.
Xagee aan ka heli karaa kaalmo dheeraad ah? Waxaanu rajaynaynaa inaad talooyinka iyo tijaabooyinka buug yar isticmaali karto. Waa inay kaa taageeraan ka gudubka diiqada umusha iyo naftaada iyo afkaartaada kantarooshid mar kale.
Haseyeeshee, hadii aad u malynayso inaad taageero dheeraad ah u baahantahay, ku noqo dhakhtarkaaga. Sidii aynu horeba u sheegnay waxa jira daaween kale.
Hadii aad u diiqadaysantahay, oo aad ku fekertey inaad ilmahaaga awgii isu dhaawacdo, waa inaad dhakhtarkaaga u tagtaa sida ugu dhakhsoha badan. Xasuusnow diiqada umushu waxay u dhego-nugushahay dawada, dadka inta badanina way ka ladnaadaan.
DHAMAAD
Mind –
www.mind.org.uk15 - 19 Broadway,
London,
E15 4BQ