DHIBAATADA NAFAQO-DARRIDA XILLIGA UURKASheekadaan waxay na tusinaynaa dhibaatada wacyi la'aanta iyo aqoon yarida heysato bulshada qeybo ka mid ah.
Caruurta miisaankii ilaahay ugu talagalay kama waynaadaan, waxyaabaha miisaankooda kordhiyane kama mid ahan cuntooyinka ay hooyada cunto, bal waxay cuntada hooyada ku caawisaa in fool sahlan oo dhib lahayn ay u hesho sida ad ku arki doontaan qoramadaan.
Asbaabaha ugu badan ee keento in caruurta lagu qalo hooyooyinka waxaa ugu horreeyo in hooyada ay miskaheeda yaryihiin oo uusan cunugga si sahlan u soo dhex mari karin.
Waxaa ku xigto haddii cillad xagga uurka ay jirto sida in uurjiifka uu qalloocan yahay ama uusan kafka / miskaha uusan u soo daadigin tani waxay ka imaan kartaa hadduu daciif yahay ama hooyada aysan awood u lahayn in ay cunugga soo riixdo ama foosha fududaato, waxyaabaha keeni karo in hooyada ay daasho oo ay joojiso giijinta murqaha minka waxaa ka mid ah nafaqo darrida iyo dhiig yarida, taas ayaba keento in cunugga lagu qalo hooyooyinka noocaas ah.
Gabadhaan la qalday, waxay halis ugu jirtaa in uurjiifkeeda uu halis galo ama si sahlan u dhali wayso oo ay ku qasbanaato in lagu qalo, waa haddii ay ku nooshahay meel lagu qali karo oo lagu kala badbaadin karo iyada iyo uurjiifkeeda.
Waxay kaloo halis ugu jirtaa Xasno in foosha ay ku daahdo oo ay dhiig baxdo ama dhiigyari u dhimato ama wadnaheeda howlgabo dhiig yarida awgeed, maadaama ay Ugub tahay oo ay dhici karto in foosha ay ku daahdo ama ay ku dhiig-baxdo intaba.
Haddii ay meel xarumaha caafimaad ka fog ay ku nooshahay Xasno ama qalliinka ay fikrad qaldan ka aaminsan tahay waxaa dhici karto in cunugga ku dhex meydo oo minka ku dhex dhinto, waana dhibaatooyinka dhiigyarida uureyda ay la kulmaan.
Haddii ilaahay u fududeeyo oo ay dhasho waxaa dhici karto in ay dhasho cunug korriinkiisa jir ahaaneed iyo maskax ahaaneed aan dhameestirneyn maadaama uu ku soo kobcay nafaqo-darri.
Cilmi-baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday caruurta u dhasho hooyooyinka dhiig-yarida leh in caruurtooda ay ka maskax yaryihiin ama ka garasho yaryihiin caruurta kale.
Waxaa muhiim ah in xarumaha daryeelo uurreyda in ay ka wacyi galiyaan fikradaha noocaan oo qaldan, waana midda ka muhiimsan inta aan daawo loo qorin ka hor.
Waxaa habbon dadka aamisan fikradda gabadhaan oo kale in lagala hadlo dhibaatada ay nafaqo darrida iyo dhiigyarida ay u keento maamada uurka leh iyo uurjiifka intaba.
Takhaatiirta waxay isku waafaqsan yihiin in Sonkorowga ama Kaadi-macaanka uu uurjiifka ku weyneeyo hooyooyinka qaba xanuunkaas, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Sonkorowga Uurka:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1842.0.html
Fadlan haddii aad fikrad ka qabto ama wax aad ku darsan lahayd ku soo gudbi bogga qoraalkaan.
http://somalidoc.com