Medical Student Forums > Questions, Exams & Study tips

Looking for English-Somali medical terminology

<< < (4/5) > >>

Merodiyab:
Asc dhamaan walalah, isfiilito waa syphylis. aad baad umahadsantihiin intiina soo gelisa ereyada  caafimaadka ee somaliga iyo inta tarjuntaba, aniga nafteyda waxaan haaye ereyo badan, inshalah waxaana iksu dayaa inaan soo geliyo.  keep it brothers and ramadaanka halaga faaideesto.

Dr.Adnan:
Isfiliito waxa afka ingiriiska loo yaqaan "Syphilis" Afka soomaligana waxaan filayaa in la yidhaa Waraabaw.

Laakiin Arrinta mudan in farta lagu fiiqo waxa weeyi in dadka Soomaliyeed Isfiilito u adeegsadan dadka marka xiskoogu is dhimo, Erey bixintaasna waxa aad u adeegsada dadka ka soo jeedo koonfurta soomaliya gaar ahaan magaalada muqdisho. Laakiin Isfiliito ama waraabawgu waa cudur galmada la iskugu gudbiyo waxa uuna leeyahay sadex marxaladood
1- Nabaro ka soo baxo xubnaha tarabka ( inta badan nabaradaasi maaha qaar wax xanuun ah leh)
2- mudo kabacdi waxa ay nabaro ka soo baxaan meelo kale oo jidhka ah gaar ahaan baabacooyinka iyo calaacasha
3- Marxalada sadexaad oo cudurka u gudbo mudo aad u badan dabadeed (gaar ahaan sanado kabacdi) ayaa iyadu keenta xiska "garaadka" qofka oo isdhimo dadka qaarkoodna lagu tilmaami karo in uu waalanyahay.

Khadra:

Asc, Im Very happy to see this names for conditions get translated into somali,as many of the somali names are new to me eventhough i know them in english.

I was wondering if anyone knows if there is a name in somali for pituitary gland and also for hormones.

Much appreciated.

Guled1:
wacalayumu salaam

Gland= Qanjir ama Qanjidh

hormone=hormoon
hormones=hormoonno(dheecaan ay xubno kamid ah jirka sameeyaan oo dhiiga u raaco meela kale oo uu ka hal galo)

Pituitary galand waa qanjir yar oo ku dhegan maskaxda soona daaya hormoonno.
Hypopituitarism ama Low pituitary waa shaqada qanjirkan oo yaraata kadibne ay hoos u dhacaan soo denynta hormoonnadaas.
Qanjirkaan waxaa loo yaqaannaa aabaha qanjirrada ahmiyadda uu leeyahay dartiisa iyo wuxuu xukumaa shaqanynta qajirrada kale ee jirka.

I hope that will help

Aziza:
Wow this is really helpfull please make the Somali lil easy so other ppl oo somaliga waa weyn aqoon say u fahmaan thank u.... I like the buy Somali dictionary is there any where I can get??

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version