![](http://somalidoc.com/Topics/guux.png)
Tinnitus ama guuxa dhegta waa cod la maqlo iyadoo aysan jirin wax dhawaaq dibadda dhegta ah.
Guuxa waxaa laga maqli karaa hal dheg, labada dhegood ama gudaha madaxa.
Guuxa aad maqlaysid maahan cudur ee waa calaamad tilmaamayso cudur jiro, cuduradaasoo kala duwan.
Cudurrada keena guuxa dhegta waxaa ka mid ah:
1-
Hurgunka bartamaha dhegta2- Qashin kaa galay dhegta ama dhukay ku raagay
3-
Dhibaatooyinka gaara qanjirka troodhka5-
Yaraanta fitaamiinka B126-
Cudurrada maskaxda sida isku buuqa iyo diiqada.7-
Jug gaartay madaxa8- Xuubka dhegta oo dillaacsan.
9-
Daawooyinka qaar sida (Asprin, Gentamicin, Chloramphenicol, Erythromycin, Tetracycline, Vancomycin, Kanamycin, Sterptomycin, Bleomycin, Interferon, Methotrexate, Vinctistine, Chloroquine, Quinine Iyo Dareeriyaha Furosemide.10-
Cudurka dhiig-karka oo aan xakamaysnaynGuuxa laga dareemo dhegaha wuxuu la kordhaa da'da qofka, wuxuu kaloo qofka dareemi karaa cadaadis ka saaran dhegaha.
Talo ahaan waxaan kula talinayaa Jaamac in aad u tegto Dhakhtar dhagaha, cunaha iyo sanka ku taqasusay "E.N.T doctor" ama dhakhtar ku taqasusay cilmiga maqalka (Audiologist) si loo ogaado waxa kuu keenay guuxaan maadaama isaga laf ahaantiisa uusan ahayn cudur.
Guuxa badanaa waxaa aad loo dareemaa habeennada maadaama buuqu uu yaryahay wuxuuna buuqa siyaadaa marka aad daalan tahay.
Inkastoo ay jiraan geedo daaweed badan oo loo isticmaalo yaranta iyo joojinta guuxa dhegta laakiin maahan kuwo si rasmi ah loogu daaweeyo guuxa dhegta. Guuxa dhegta maahan mala awaal ee waa wax jira una baahan daaweyn waxayna ku xirantahay cudurka keenay in la helo.
Talooyin:- Waxaa looga hortagi karaa guuxa dhegta iyadoo dhegta laga nadiifiyo dhukeyga s uusan u xerin.
Akhriso qoraal ku saabsan faa'idada dhukeyga uu leeyahay jirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7183.0 - Xifdi maqalkaaga haddii aad ka shaqeyso meel buuq badan adigoo iska ilaaliya dhawaaqa iyo codadka dhaadheer.
- Daawooyinka u qaado sida dhakhtarka kuugu qoray.
- Waxaad guuxa ku yarayn kartaa adigoo ka fogaado buuqa, daalka iyo diiqada inkastoo guuxa joogtada laftirkiisa uu keeni karo niyad jab iyo nolol naceeb.
- Xakamay cadaadiska dhiigga, yareynta cunidda cusbada iyo cabidda kaffeeyga.
- Jooji cabidda sigaarka.
- Iska yaray isticmaalidda Aspirin-ka.
- Daawooyinka aad qaadanayso kala tasho takhtarkaaga, maadaama daawooyinka qaar ama ay maqalka tiraan.
- Guuxa dhegta wuu iska baabi'i karaa daawo la'aan, marmarka qaarne wuxuu calaamad u noqon karaa dhego-beelis.
Haddii ay jiraan su'aalo kale oo dheeraad ah, halkaan ka weydii
http://somalidoc.com