Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Biyo-bax degdeg ah?
Faarax:
Asalaamu claeeykum
wlala yaal waxaa rabay in wax bixin la iga siiyo ragaga biyaha deg deg oga imaadaada maxaa keena
macudur ruuxa ku dhashay miyaa mise waa cudur ku dhaca ruuxa nalaga daa ween karo
waxaan rabaa in l aiga siiyo informeeshin buuxa oo ku saabsan mowduucaaaa
wackusmalaaaaaaaaaaaam
SomaliDoc:
Waa maxay biyo-bax degdeg ah?
Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan "Premature Ejaculation" loona soo gaabiyo "PE" waa xaalad ragga uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah.
Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kaloo diraaso la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6 daqiiqadood.
Waxaa klaoo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo "PE".
Howsha galmada waxay u baahantahay inuu jiro Rabitaan (Lipido), Kacsi (Arousal) iyo Biyo-bax (Orgasm), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jiro.
Maxaa keeno biyo-bax degdeg ah?
Biyo-baxa waxaa loo kala qeybiyaa labo marxaladooda oo kale ah:
Wejiga saarista biyaha (Emission) oo ah illaa ay ka soo gaarto ibta.
Wejiga gamista biyaha (Expulsion) oo ah wixii ka dambeeyo xaaladda kor ku xusan.
Biyo-baxa degdegga ah haddii qofku isku arko isagoo awal fiicnaa waxaa loo yaqaanna "Secondary PE" laakiin haddii uu qabay inta uu ka qaangaaray waxaa loo yaqaannaa "Primary PE" waxayna ku kala duwanaanayaan daaweynta.
Waxaa la aaminsanyahay in sababaha keeno PE-da ay yihiin badanaa dhibaatooyin nafsaani ah oo ay ka mid tahay niyad-jabka, welwelka, cabsida iyo waxyaabo kale.
Waxaa kaloo keeni kara dhibaato maskaxeed, isbedel heerka hormoonada, dhibaatooyinka prostaytka, cudurro dhaxal ah iyo daawooyinka qaar.
Si loo ogaado waxa keenay dhibaatadaan waxa loo baahanyahay in qofka laga qaado warbixin buuxda oo taabanayso qeybaha noloshiisa sidaa awgeed, waxaa habboon in aad u tagto dhakhtar.
Sidee loo daaweeyaa xaaladdaan?
Daaweynta waxaa loo kala qaadaa 3 nooc oo kala ah:
1- In la daaweeyo haddii ay jiraan cudurro kale oo keeni karo xaaladdaan (Tusaale: heerka cunsurka magniisiyamka oo ku yaraada qofka)
2- Tababar nafsaani ah: tababarkaan waxaa lagu dheeraayaa mudada biyo-baxa iyadoo la isku dayo in la joojiyo dibne loo bilaabo galmada dhawr jeer ama tababar lagu magacaabo "Kegel Excercise" oo lagu xoojiyo murqaha miskaha si qofku awood ugu yeesho inuu kontorooli karo murqahaas.
3- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa "SSRIs" waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka.
waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada.
F.G: waxaa dhici karo inaad aragtid ama maqashid daawooyin iyo waxyaabo kale oo tira badan oo la xayaysiinayo oo la leeyahay waxaa lagu daaweeyaa xaladaan iyo wixii la mid ah ee adigoo la tashan takhtar aqoon u leh xaaladaada, ha isticmaalin maxaa yeelay waxay keeni karaan dhibatooyin hor leh.
Waxaa kaloo muhiim ah in xaaladdaan laga sooco kacsi la'aanta oo ah iyadane mushkilad kale oo keento hawlgabka galmada.
Waxaad hoos ka heli kartaa qoraallo iyo su'aalo kale oo la xiriira qoraalkaan:
1- Howlgabka Kacsiga
2- Waa maxay farqiga u dhaxeeyo kacsi la'aanta iyo biyo-baxa degdegga ah?
Haddii aad qabto su'aalo kale ama u baahantahay faahfaahin dheeraad ah, isla halkaan ku weydii
SomaliDoc
Faarax:
Asalaamu caleeykummm
walala aad baad umahsantihiin sida fiican aad noogu sharax deen moduucaas
walala marka dhakhtarkee baad iigu tali laheed in aad ugato
wackumalsam
SomaliDoc:
Waxaad u tagi kartaa dhakhtar guud kadibne waxaa dhici karo in uu kugula taliyo in aad aaddo dhakhtar ku takhasusay climi-nafsiga (Psychologist).
Jamaal:
ASLAAAMUI CALEEYKUMM
DAHAMAMAN WALALAHA SOOMAALIYEED MEEEL WALIBA JOOGAAAAAAAAAN RAMADAAN KARIIIIIIIIIIIM
MARKALABAAD MAAAMULKA WEB WAAN IDISNSALAAMAY SIDA SAAFIGA AAD NOOGU JAWAABAYSAAAN SU,AAL IYO NOO GU SOO GUD BINAYSAAAAAAAAAAN AQOONTA CAAFIMAADKA INTAA MARKAAN KABAXO MOWDUUCAAN WAXAAN RABAAA IN AAN SU,AAL IDINKA WAYDIIYO
SU,AASHAA OO AH
NINKA QABA CUDURKAAN ALAHA KA DAAWEEY
KAWRAMA HADII UU RUUXAAS SAMEEYO AALIMIITO IYO JIMICSI MAALINTII 2SAAC HADII KU DADAALO RUUXAAS JIMISIGA IYO JIIMKA AMA AALIMIINTO SI UU UDHISO MURQIHIISAN JIRKA KUWA HOOSE ........................................ WAX IS BADAL MA IMAAN KARAA ???
SIDOO UU HORAY AHAAAA
DAKHTARKA AADISTIISA MA KAMAARMIKARAAA RUUXAA HADUU SAMEEYO INTAA AAN SOO SHEEGAY ...
FADLAN IGASII YA INFORMESHIN BUUXA WACKUMALSAAAAAAAAAAAAAAAAAM
PLEASE FULL IMFOMESHIN
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version