Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: balanse socodka oo sax aheen

(1/2) > >>

Fooxle:
A/C salaan ka aad ayaad ugu mahadsan tihin aqoor korosigiina iyo talo bixintiina ajarkeeda allaha idin siiyo intaa ka dib  su asheyda waxe tahay waxaa sanad ka hor caloosheyda dheecaan laga soo qaadayey xanun ama nabar ku dhex yaalay caloosha marka waxa leygu duriya suuxiso  alxamdulilaah waa ka caafimaaday xanunkii  lakiin waxan dareemooyaa in dawadii suuxisada aheed ay raad igu rebtay taas oo ah waxan dareemayaa sida ruux sarqaansan ama socodkeyga ayaa waxan ku jiro in aan mar mar dhan u liicaayo kumana istaagi karo hal lug tusale ahana hadan sarwalka gashanaayo  lug hadan kor u qaado dhanka kale ayana u liicayaa mana qabin cirbadas ka hor  guud ahan ma lee dahay  dawada suuxisada ah  malaga yabaa  insha allaah waxan rajenayaa in aan fahanto hadii aad u bahato fah faahin waa ku soo siin karaa
 wabilaahi towfiiq

SomaliDoc:
Walaal cudurka lagugu sheegay muxuu ahaa?
Caloosha dhinacee lagaa qabtay?
Dheecaanka ma mid lagaa soo jiiday mise mid iskiis u soo baxay?
Daawada lagu siiyay maxay aheed magaceeda?

Fooxle:
Asc
walal adigoo mahadasan waa kuwan dawooyinka magacyadooda hoos ku qoran

Fooxle:

--- Quote from: SomaliDoc on October 26, 2010, 08:06:40 PM ---Walaal cudurka lagugu sheegay muxuu ahaa?
Caloosha dhinacee lagaa qabtay?
Dheecaanka ma mid lagaa soo jiiday mise mid iskiis u soo baxay?
Daawada lagu siiyay maxay aheed magaceeda?

--- End quote ---

Walal cudurka waxa lagu sheegay TB ama  Qaaxo
Dhanka bidixda dhanka xudunta
Dheecaanka waa leyga soo jiiday
Daawada   Rifampicine 150 marna 300 mg oo capsul, kaniiniyadana kala ah
ISONIAZIDE PCH 200MG Tablet iyo
PYRIDOXINE HCL PCH 200MG Tablet
walal intaa aayan qaatay wixi su'al ahna waa iso weydiin kartaa
wabilaahi towfiiq

SomaliDoc:
"Vertigo"  waa balansiga jirka oo luma, baalansiga waxaa laga kontoroolaa qeybta gudaha ee dhegta, taasoo haddii uu dhaawac gaaro keeni karta in qofka miisaanka uu ka lumo, balansigane uu ka qaldamo.

Neerfaha loo yaqaanno "Vestibulocochlear Nerve" oo howshiisu ay tahay laba shaqo oo muhiim ah oo kala ah: maqalka iyo kontoroolidda baalansiga jirka ayaa dhaawac gaari kara.

Waxaana jira daawooyin badan oo keeni kara dhawaaca noocaas ah oo ay ka mid tahay daawada loo qaato qaaxada ee "Streptomycin".

Liicliica iyo wareerka boqolkiiba 30 ayay joogto noqotaa inta kale way ka raystaan.

Daawada cudurkaaga kala xiriir takhtar ku taqasusay ENT-ga (Takhtar Cunaha, Sanka iyo Dhegaha).

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version