Dheecaannada shiida cunnada haddii ay yaraadaan ama hawlagabaan waxay keensataa in cuntadii ay ku baqdo caloosha, taasoo ka dhalata in bakteeriyo ku dhalato oo qofku markuu dheefsadaba hawo qarmuun ka soo baxdo.
Ganaca ama "Pancreaska" wuxuu soo daayaa dhowr dheecaan oo ka qeyb qaata burburitna iyo shiididda cuntada waxaa ka mid ah dheecaannadaan:
Protease (Wuxuu burburiyaa borotiinka)
Amylase (Wuxuu burburiyaa carbohaydraytka)
Lipase (Wuxuu burburiyaa dufanka)
Cellulase (Wuxuu burburiyaa liifyada ama buunshada)
Sucrase (Wuxuu burburiyaa sokorta)
Dheecannadaan way wada yaraan karaan ama mid ama laba ayaa yaraan kara, haddii ay yaraadaan waxay keensadaan calaamado kale oo aan la xiriirin dheefshiidka oo qofku dareemi karo.
Dheecannadaa haddii ay ku yaraadaan jirka ama la waayba waxaa lagu daaweyaa qofkaa inuu qaato daawo artificial ah oo cunno shiidka ugu kaalmeyso.
Af-qormuunka "Halitosis" waxaa keeni kara cudurro kale oo badan ee halkaan ka akhriso.
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1610.0Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na weydiin kartaa.