Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo

(1/2) > >>

Raaliyo:
A/S dhamaan waxaan halkaan ka salamayaa dhaqatarada soomaliyeed oo aan oran karo waa dad ilaah khibrad siiyey naxariisana ugu daray ilaah ha ka siiyo xasanad badan madama ay noo hagar baxayaan iyo dhamaan umada soomaliyeed meel walba ay joogaan gaar ahaan asxaabta halkaan soo gasho waxaan qabaa suaal ah habeen dhaweyd anoo hurdo baan soo booday sidii qof naxay waxaan dareemay wadanah inuu xoog ii garaacmo naqasaka qadan kari waayo marna noqdo qaboow marna kuleeyl markii danbana aan bilaabi inana ilkaha isla dhaco oo dhaxan i qabto waxa dhan waxay ahyd ilaa 5 daqiiqo ka yarcaadi baan ku soo noqday waxan la soo booday matag markaa waxaan rabaa inana wax idinka weydiiyo ma la xiriirtaa xaga caloosha madama aan dareemay inay  qaras igu kacday waqti late aan seexanayo bana cunay cuno basbaas leh  mise waa panick attack  hurdada dhexdeeda igu qabsaday  waxaa kaloo jira quraan baan akhristay ilaah waa iga qaaday wixii i hayey isla markiib,  waad mahadsan tihiin idinkaan idinka sugaya ajawaab hadii alle idmo.


                                                                 wabilaahi towfiiq.

SomaliDoc:
Panic attack kuma baaba'o 5 daqiiqo oo qofka in uu xaaladdiisa caadiga ah ku soo laabto waxay qaadataa saacado, inkastoo quraanka aad akhrisatay laga yaabo in eebbe kuugu fududeeyay.

Qaabka aad uga sheegeysid oo ah dareenka in wadnaha ku istaagi rabo oo naqaska kugu dhagayo waa sida loo dareemo cillada argagaxa, qofkane wuu dareemi karaa lalabo oo la matago, qofkane badanaa aad ayuu u neefsadaa.

Laakiin waxaa kaloo muhiim ah in iyadane la ogaado in argagaxa uu keeno laabjeex iyo gaastiriko labadaba, taasoo ka dhalato in xameetada ay ka buuxsanto dheecaanka bile-ka uu soo saaro beerka.

Haddii aad horay u dareemi jirtay cilladaan waad garan kartaa in ay cillad argagax iyo in kale, laakiin sida ay iila muuqato iyo sida aad u dareentayba waxay tilmaamaysaa astaamihii cillada argagaxa "panic attacks"

Riix Halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3610.0.html

Nuqfaa:
asc my all doc after slm waxan idin weydinaya idinkoo mahdsan ...waaxaan ahaay gabar ka xanuunsato in mudo ah madax xanuun waxaana qabay madax xanuun daran oo waxa aan ku tilmao an garneyn marmarka qaar an miir aan wax ku kal saro lehen anoohadan dhaceyn waxa kalo jirto in aan seexan jirin week oo kale hab u badnaato habenki ..waxa kalo jirto in an aad u baqo qolka wan ka baqaa waxan u maleyaa in lii bursanayo goor albo mugdi wan ka baqaa wal wal joogta naxdin shaki badan waxbarshadii aan sii wadi kari waayo ooyin fara badan aan meel liiga heesto aan aqoon dadki oo aan noco kaligey inan mel jogo ban jeclahy qofwlabo inu ani i heestan mooda dadka wan ka dhex baqo jiray..waxa ii si dhreed quraan ba li saari jiray joogto masalah anoo saas ha oo isbital li geynayo somlaoya marba cudr anjrin ba liga so shegya sidi ban schoolka ku dhameeyay xanuunki jogo iima qabin jirnee 3bilba wuu igu so laban jiray saas markan noqodo quraan baa lii saari jiray marmarka kale caadi ban ahan jiray xita marki ey jirdas i qabto cunto ma cuni karo shuban calol xanuun marmamar calolsha n i socon madax xanuun saaid ..dhinac ba aad i xanuun ....ka dib scgoolki sas markan ku dhamey halkan markan imi dhartar bal ka xiraryay .. waxas oo dhan wan u shagey dhaqtarki waa saykolojiste ayu aha wuuna ah dhaqtar maskax wuu scan ayu maskax iga saray waxbokam qabtid buu i dhahy walibo anoo jiradi daremayo qalbieyga ma qancin wan u shegay wuxu ishegya in ii i hayo ..jiri maagareyn la dhoho ..6bil baa toos ila xariireysa buigu yiri doctrki waan dhamesaty dawadi marka wan reestaylkin xanuunki wuna iqbta wa maxay aqoontiina maxad igu soo kordhin leheden

CilmiSabca:
Nuqfaa, dhibka aad sheegtay in uu ku hayo, waxaa u sabab ah Aamin sanaanta aad aamin san tahay in uu xanuun ku hayo & waliba niyad daada oo uu ku dhegay. Waxaa dhici karta haddii aad aamin san tahay in aysan ama wax kale waxba kuu tareynin; in ay aamin sanaan taas darteed waxba kuu tari waayaan.
Si aad u heshid hurdo fiican, waxaad sameysaa sidan:-
> Markaad seexan rabtid weyso qaado ka dib akhriso suuradda Al Baqra aayadaha 1 ilaa 5 & aayat kursi.
> Ha fakarin ee dug dheh.
> Haddii aad daawooyin istimaashidna waa in aad soo istimaashey khadar xoogaa ka hor ah waqtiga aad seexan doontid.
> Habeen kasta sidaas yeel, Insha Allaah waad xasili doontaa.
> Haddii ay xaaladu tahay mid nafsaani ah, mar kale la xidhiidh Dhakhtar.
Ugu dambeyn, waxaanu wada sugeynaa jawaabta Somalidoc..

SomaliDoc:
Daawada takhtarka uu kaaga qoray Migraine-ka raysasho noocee ah ayaad ku dareentay? ma madax xanuunkii iyo hurdo la'aantii ayaa kaa tagay? mise cabsidii oo in lagu eryanayo, shakigii iyo mugdigii aad ka cabsan jirtayne waaa kaa tageen?

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version