Asalamu Alykum Wr Wb,
Salaan ka dib, walaal aniga dhakhtar ma ahi, arday caafimaadeed ayaan ahay. Talada inta kugu seenaayo waa mid aragti ah, mana aha mid caafimaadeed. Utag dhakhtarkaaga haddaa daawo mise talo caafimaadeed ubaahantahay.
1. Walaal aniga ukiyaalo ayaan qaataa, reerka badankooda sidoo kale. Sanadihii hore oo aan yaraa waa diiday inaan qaato, indhaheega way iska roonaayeen. Waxaan go'aan saday inaan qaato 2008-ka markii aan ku biiray medical school, sababtoo aheyd wax akhriska badan iyo khatarta ay leedahay arday caafimaadeed mise dhakhtar oo mugdi ugu jiro meesha uu qalaayo mise daaweenayo. Indhaheega xoogaa ayay ka dareen (from -2.25 to -2.5), sababta magaranayo, wax science cadeenaayo ma arag mise akhrin.
http://myopia.org/, website-kaan ugu dhaw waxa usheegaayo laakiin dhakhaateerta iyo aqoonyahanada addunka ma aaminsano.
Talo waxaa iga eh, inaad nasato 1 ilaa 2 daqiiqo, markaad waddato 1 ilaa 2 sac ookiyaalaha. ookiyaalaha tartiib iska siib, istaagna, jimicso wax yar adigoo soconaysid mise darshada banaanka ka fiirinaysid. Haddaad saas samaysid, murqaha indhaha jimicsi ayay sameynayaan, meesha ay iska fadhiyaan mise fiirinayaan computerka waqti dheer. Waa sida nin cunta cuno oo fariisto 10 saacadood mise nin cunto cuno oo jimicsanaayo cabaar markoo fadhiyo taaso caawinayso murqihiisa.
Midda daalka iyo stresska, bey'ada aad ka shaqaynayso iyo muddada aad shaqaynayso waa muhiim. Hadduu dhibaatooyin jiraan Ilaahay hakula garab galo oo kucaawiyo, haddii kale dhibaatooyinkaas intaad soo saarto, waxna ka qabo. Muddo dheer haddaad shaqaysidna, nasashada iyo hurdo fiican badso oo waxaad seexataa at least 6 saacadood maalin kasto, weekends 8 ilaa 10 saacadood.
2. Walaal waa ka xumahay inaad dareemaysid dhibaatoyinka aad sheeganayso, Ilaahay talo saaro inshallah wuuna ku caawinaayaa. Walaal dhibaatooyinkaan waxay ka imaanaysaa xagga shaqada mise noolashaada. Nasasho mise holiday aad sameyso goormad kugu dambeysay? Dadkeena Soomalida waanu shaqeena, nasasho yar waan sameenaa. markaad yartahay mise mararka qaarkood, taasi way shaqayni laakiin waqti ayaa gareesaa oo la dhaho "burn-out" adigoo tabar dhigayo sida nin 3 saacadood ordaayay, hadalka wuu ku dhiwayaa, ma seexan kartid iyo shaqo aadista xataa waa dhibsane. Siyaaboyin kala duwan ayaa isku daween kartaa, Marka hore dhakhtar utag, caddeynaya dhibaatidaada inay aheyn mid caafimaad sida depression mise wax kale. Marka labaad nasasho samey adigoo yareenayo waqtiga add shaqeyso, waqtiga kuu soo baxo adigoo nasanaya mise sameenaayo wax aad jeceshahay sida sportska, wax akhrinta mise misajidka cashar kala sucunaayo; ha sameen wax ku saabsan dhibaatoyinka ku haysto mise shaqadaada. Mid kale aad sameyn kartid oo ah adigoo fasax ka qaadanayo shaqadaada, xalinaayo personal problems, labo isbuuc holiday sameenaayo ka dib ku soo laabanayo shaqadaada adigoo fresh ah, sida computer la format gareeyay oo la reboot gareeyay. Waa waqti dheer laakiin 30 bari ma xumo.
Walaal waxaa filaaya inuu informationkaa ku caawin doono, hadduu dhibkaaga is leedahay waa mid weyn oo kaa dhimaayo sida ushaqeysid mise noolashada, dhakhtar utag, wax kasto usheeg, maxaa yeelay cudur mise dhib haddaad qarsatid wuu ku qarsadaa. Illaahay talo saaro oo ka baryi inuu ku caawiyo maxaa yeelay la'aantiis wax ma qabsamaan.
Kheyr ayaan kuu rajaynayaa.