Walaal Darmaan sida aad u sharaxday OCD waa hal qeyb oo ka mid ah, mana ku dhahayo OCD ayaa qabtaa illaa aad ka aragto dhakhtar aqoon u leh xanuunkaan kadibne adiga ku arka.
OCD waxaa loo soo gaabiyaa "Obsessive Compulsive Disorder", qeybta aad tusaalooyinka ka bixisay waa qeybta "Compulsive-ka" oo qofka inuu wax nadiifiyo ama wax tiriyo uu ku waalan yahay, waa ficil uu gacanta ka samaynayo oo ku soo celcelinayo ha ahaato albaab la hubinayo, lacag la tirinayo, istanjada, wax hubinta soo noqnoqoto, sababta qofkaa uu sidaas u samaynayane waa welwel ku taagan.
Dhinanac kale waa arrina maskaxda ku soo laalaabanayso laakiin aadan ficil la socon tusaale ahaan arrin ayaa qofka ku dhaggan inuu ka welwelo mooyee ma joojin karin, isagoo aanan ogeyn xitaa wax uu ka welwelayo in ay dhici rabaa ana sida uu u maleeyo in ay u dhici karaan.
Ogow xanuunada maskaxda way is dhexgalaan waxaa dhici karto in qofka labo cudur oo isku qasan inuu qabo oo mid ka mid ah kan kale uu keenay, wewelka wuxuu ka mid yahay xanuunada la socon karo xanuuno kale ee dhimirka ah.
Qeybta 'Obsession'-ka waa arrin welwel kugu heysa oo kugu taaagan, tusaalooyinka aad tilmaantay way ka mid noqon karaan in aad ka welwelsan tahay in aysan arrin kuu hagaagayn ama wax kaa hallaabi doonaan, laakiin tan laftirkeeda welwelka siyaadada ah wuu keenaa in qofka saa u fakaro, laakiin nooc shakki ah ayaa ku dhafan, marka si loo hubiyo waa in aad aragtaa dhakhtarka aan kuu tilmaamay.
Welwelka markuu siyaado noqdo qofka wuu howlgabiyaa oo cabsi siyaado ah ayaa ku soo koroto, in qofka uu is dhaho haddii aad baxdid amuu gaari ku jiiraa, amaa haddii balakoonka istaagtid meesha ka dhacdaa amaa haddii aad qolka isku xertid hawada kugu xirantaa, amaa haddii aad qof xanuunsan agfadhiisatid, xanuunka ku qaadsiiyaa, amaa haddii aad bii'al raacdid shil gashaa, lama soo koobi karo, welwelka iyo shakkiga meel kasta oo nolosha ka mid ah ayuu galayaa kadibne qofka nolosha ayuu ka fadhiisanayaa, shaqadii ma aadi karo, iskuukii iyo jaamacaddii waa ku dhib.
Xittaa xilliga imtixaanada shakkiga wuu ku kordhi karaa qofka welwelka awgiis amaa su'aasha saa uga jawaabtay qalad tahay amaa si kale macallinka u rabay, waxaa dhici karto in waqtiga ku dhamaado qofka isagoo hal su'aal marba si uga jawaabayo.
Haddii aan talo ku siiya xanuunada welwelka iyo kuwa dhimirka guudba, daawooyinkooda way tirsamaan, in ay wax kaa taraane waxay ku xiran tahay in marka hore cillada saxda in la helo, marka xigto in daawadaada la socod joogto ah oo takhtarka ayay u baahan tahay, daawooyinka side effects badan ayay leeyihiin.
Waxaa intaa sii dheer, xanuunada welwelka "mental distress, depression, anxiety iyo panic disorder" intaba daawo kaliya laguma xalliyo waxaa jiro waxyaabo la yiraahdo 'psychotherapy' o ah macnaheeda in qofka lala sheekeesto si qaab hadal ama tababar kale oo aan daawo ku jiran looga dhaadhiciyo ama loogu abuuro kalsooni in uu ka adkaan karo xanuunka.
Waxaa intaa ka muhiimsan haddii aan dad mushimiin nahay ku xirnaanshada ilaahay iyo qur'aan akhriska in dad badan oo ku wareeray xanuunadaan in ilaahay wax ku caafiyo, ma ahan kaliya in quraan lagu saaro oo xoolo laguu qalo waa in aad adiga akhrisato oo ilaahay ka bariso in xanuunkaan kaa qaado, ogow isma diidayaan daawooyinka, quraanka iyo alle bariga oo dad ayaa aminsan haddii aad qur'aan u jeesanaysid in aad joojisid daawoyinka oo dhan.
Midda kale in aad ka hadashid xanuunkaaga ama aad heshid meel aad ku nafistid ama kula fahmi karo waxa ku hayo, waxay kaa dajinaysaa culees badan sidaas awgeed ayaan dadka xanuunada nafsaaniga ka sheegto oo halkaan ku soo gudbiyo cabashadooda aan u siinnaa tixgalin gooni ah si ay u helaan meel ay ku nafisi karaan maadaama culees dhinac kasta uu ka heesto.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa, allane ha kaa qaado xanuunka.
http://somalidoc.com