Author Topic: Howlgabka kacsiga (Impotence)  (Read 181966 times)

0 Members and 9 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Howlgabka kacsiga (Impotence)
« on: January 21, 2008, 02:19:53 AM »


Dhibaatada kacsiga, oo iyaduna loo yaqaan howlgabka kacsiga wuxuu ku timaadaa boqolkiiba 5 illaa 10% nimanka da' 40 naadka ah. da'duna si kala duwan ayay ugu korortaa.

Dhibaatada howlgabka kacsigu inta badan waa dhibaato siyaabo kala duwan ku timaadaa.
Cudurkan waxaa ka mid ah oo kale howlgabka kacsiga hordhaca galmada, hase yeeshee aan sii wadi karin kacsigii muddo ay ku galmoodaan.

Kacsigu wxuu ku bilowdaa isaga oo ku xiran dareen kacsi, markii ay xididada yar yarka ah ee xubinta ninka ay qulqul dhiig ah ay soo galaan, way fiddaa.

Xubinta galmada ninka waa ay weynaataa, laakiin haddii ay xididada dhiiggu ay dhiigga ka saaraan xubintaasi, wayna soo ururtaa, markii ay xubintaasi kacdona waa ay weynaataa waana dheeraataa.

Cudurkan howlgabka kacsi wuxuu ku yimaadaa iyada oo ay qulqulka dhiiggu soo gaarin ama uusan joogtoobin, ka dibna aad is aragto inaadan kacsan karin ama muddo yar kaliya kacsato.

Kacsi yari la dareemo muddo gaaban ama dhowr jeer lama oran karo howlgab kacsi, taasi waxay badanaa la xiriirtaa nafsiyaatka ama dareenka uu qofka ku sugan yahay markaas, mana ahan xaalad daawo loo raadiyo, erayga "Howlgabka Kacisga" waxaa loo isticmaalaa dadka aanan marnaba awoodin in ay kacsadaan, inta badan xaaladahaan waxaa sabab u ah cudurro jireedka. Da'du shardi uma aha iney keento cudurkan howlgabka kacsi.

Cudurkan howlgabka kacsiga wuxuu caadi ahaan ku yimaadaa dadka qaba kaadi macaanka, wadna xanuunka, dhiig karka cudurada neerfaha iyo nimanka qalliinka lagaga sameeyay dhibaato kaga timid qanjirka borostaytka.
Kiniiniga jirka biyaha ka saaraa ee (diuretics) iyo daawada loo qaataa dhiig karka, daawada suuxdinta, daawada isku-buuqa iyo stress-ka (anxiolytics)..

Daaweynta cudurka howlgabka kacsiga waxay keensaneysaa ugu horeyntii in adiga iyo dhakhtarkuba isla baartaan islana cadeysaan in adiga iyo qofka aad la nooshahay ay wax dhibaato ah ka jiraan noloshiinna, taasoo sabab u noqon kartaa awooddan kaa maqan ama dhibaatadan aad ka sheeganeyso.

Waxaa muhiim ah ah inaad joojiso isticmaalka khamriga, qaatka / jaadka iyo sigaarka oo keena hawlgab kacsi.

Wada hadalkaasi ka dib waa in dhakhtarku baaraa inaad ka sheeganeyso cudur aan lagaa daaweyn.

Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi waxay xoojiyaan qulqulka dhiiga xubinta ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.

Daawooyinkaasi wax badan kuma kala duwana dhinaca waxtarkooda, waxay shaqeynayaan muddo 4-5 saacadood ama 24 saacadood halkii mar.

Aad bay muhiim u tahay in hoos laga xariiqo, in daawadu ay waxtar leedahay oo kaliya xilliga kacsiga galmada , dadka qaar kaniiniyadu waxba uma taraan.

Waa inaad daawada qaadataa ilaa 1 saac inta aadan u tegin xaaskaaga, waana in dhakhtarka aad kala tashataa xaddiga aad ka qaadanaysid iyo waxyeellada laga filan karo.

Ma qaadan kartid kiniiniyaasha, haddii aad qaadato daawooyinka ah nitroglycerine, kaasoo loo qaato wadna xanuunka.

Waa caadi ineysan daawadu si xoog ah wax u qaban 6da ilaa 8da mar ee ugu horeysa, waxaa laga yaabaa iney sabab u noqoto in xaddiga aad u baahan tahay in la kordhiyo, ma isticmaali kartid daawada in ka badnaan hal mar maalintii.

Dhibaatada ay daawadu keeni kartaa waa mid iska fudud ama iska gudbeyso, waxaana ka mid ah madax xanuun, waji casaad iyo caloosha oo ku xanuunta.

Waxaa aad u wanaagsan inaad sameysato buug maalmeed aad ku qoreyso waaya aragnimadaada kuugu horeysa isticmaalka daawadan.

Dhakhtarku wuxuu kugu caawini karaa inuu ku siiyo talooyin wanaagsan, marka aad la kulmeyso, waxaana waajib ah inaad mar walbaa raacdo nidaamka daawada lagu siiyo.
Dhakhtarkaaga wuxuu kuu raadin karaa caawinaad daawadaada ah, haddii aad tijaabisay in kiniiniyadan ay kuu fiican yihiin, isla markaana aad qabto cudur kale aan kan ahayn tusaale kaadi macaan.


DHIBAATOOYINKA KALE EE GALMADA LA XIRIIRA WAXAA KA MID AH:
BIYO-BAX DEGDEG AH
SHAHWO LA'AAN XILLIGA GALMADA
Akhriso cunnooyinka u roon caafimaadka ragannimada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5937.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Khadar mahamed hassan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Howlgabka kacsiga (Impotence)
« Reply #1 on: April 19, 2017, 12:41:46 PM »
Asc Dr waan Ku salaamay salaan kadib Dr kaniinigaan magaciisa aad Ku sheegtay oo eh PDE5 kaniinigaan Dr ma isticmaali karaa wax cudur eh ma qabo dhiikar maqabo iyo sokor lkn waxaan jeclaa in aaan a wood kacsiga iisii kordhiyi kaniinigaan  vigaha dadka isticmaalaan hadii loo badasho kaniinigaan...??? Mahadsanid Dr jawaab?

Offline Mohamed yasiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Howlgabka kacsiga (Impotence)
« Reply #2 on: July 03, 2020, 09:39:18 PM »


Dhibaatada kacsiga, oo iyaduna loo yaqaan howlgabka kacsiga wuxuu ku timaadaa boqolkiiba 5 illaa 10% nimanka da' 40 naadka ah. da'duna si kala duwan ayay ugu korortaa.

Dhibaatada howlgabka kacsigu inta badan waa dhibaato siyaabo kala duwan ku timaadaa.
Cudurkan waxaa ka mid ah oo kale howlgabka kacsiga hordhaca galmada, hase yeeshee aan sii wadi karin kacsigii muddo ay ku galmoodaan.

Kacsigu wxuu ku bilowdaa isaga oo ku xiran dareen kacsi, markii ay xididada yar yarka ah ee xubinta ninka ay qulqul dhiig ah ay soo galaan, way fiddaa.

Xubinta galmada ninka waa ay weynaataa, laakiin haddii ay xididada dhiiggu ay dhiigga ka saaraan xubintaasi, wayna soo ururtaa, markii ay xubintaasi kacdona waa ay weynaataa waana dheeraataa.

Cudurkan howlgabka kacsi wuxuu ku yimaadaa iyada oo ay qulqulka dhiiggu soo gaarin ama uusan joogtoobin, ka dibna aad is aragto inaadan kacsan karin ama muddo yar kaliya kacsato.

Kacsi yari la dareemo muddo gaaban ama dhowr jeer lama oran karo howlgab kacsi, taasi waxay badanaa la xiriirtaa nafsiyaatka ama dareenka uu qofka ku sugan yahay markaas, mana ahan xaalad daawo loo raadiyo, erayga "Howlgabka Kacisga" waxaa loo isticmaalaa dadka aanan marnaba awoodin in ay kacsadaan, inta badan xaaladahaan waxaa sabab u ah cudurro jireedka. Da'du shardi uma aha iney keento cudurkan howlgabka kacsi.

Cudurkan howlgabka kacsiga wuxuu caadi ahaan ku yimaadaa dadka qaba kaadi macaanka, wadna xanuunka, dhiig karka cudurada neerfaha iyo nimanka qalliinka lagaga sameeyay dhibaato kaga timid qanjirka borostaytka.
Kiniiniga jirka biyaha ka saaraa ee (diuretics) iyo daawada loo qaataa dhiig karka, daawada suuxdinta, daawada isku-buuqa iyo stress-ka (anxiolytics)..

Daaweynta cudurka howlgabka kacsiga waxay keensaneysaa ugu horeyntii in adiga iyo dhakhtarkuba isla baartaan islana cadeysaan in adiga iyo qofka aad la nooshahay ay wax dhibaato ah ka jiraan noloshiinna, taasoo sabab u noqon kartaa awooddan kaa maqan ama dhibaatadan aad ka sheeganeyso.

Waxaa muhiim ah ah inaad joojiso isticmaalka khamriga, qaatka / jaadka iyo sigaarka oo keena hawlgab kacsi.

Wada hadalkaasi ka dib waa in dhakhtarku baaraa inaad ka sheeganeyso cudur aan lagaa daaweyn.

Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi waxay xoojiyaan qulqulka dhiiga xubinta ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.

Daawooyinkaasi wax badan kuma kala duwana dhinaca waxtarkooda, waxay shaqeynayaan muddo 4-5 saacadood ama 24 saacadood halkii mar.

Aad bay muhiim u tahay in hoos laga xariiqo, in daawadu ay waxtar leedahay oo kaliya xilliga kacsiga galmada , dadka qaar kaniiniyadu waxba uma taraan.

Waa inaad daawada qaadataa ilaa 1 saac inta aadan u tegin xaaskaaga, waana in dhakhtarka aad kala tashataa xaddiga aad ka qaadanaysid iyo waxyeellada laga filan karo.

Ma qaadan kartid kiniiniyaasha, haddii aad qaadato daawooyinka ah nitroglycerine, kaasoo loo qaato wadna xanuunka.

Waa caadi ineysan daawadu si xoog ah wax u qaban 6da ilaa 8da mar ee ugu horeysa, waxaa laga yaabaa iney sabab u noqoto in xaddiga aad u baahan tahay in la kordhiyo, ma isticmaali kartid daawada in ka badnaan hal mar maalintii.

Dhibaatada ay daawadu keeni kartaa waa mid iska fudud ama iska gudbeyso, waxaana ka mid ah madax xanuun, waji casaad iyo caloosha oo ku xanuunta.

Waxaa aad u wanaagsan inaad sameysato buug maalmeed aad ku qoreyso waaya aragnimadaada kuugu horeysa isticmaalka daawadan.

Dhakhtarku wuxuu kugu caawini karaa inuu ku siiyo talooyin wanaagsan, marka aad la kulmeyso, waxaana waajib ah inaad mar walbaa raacdo nidaamka daawada lagu siiyo.
Dhakhtarkaaga wuxuu kuu raadin karaa caawinaad daawadaada ah, haddii aad tijaabisay in kiniiniyadan ay kuu fiican yihiin, isla markaana aad qabto cudur kale aan kan ahayn tusaale kaadi macaan.


DHIBAATOOYINKA KALE EE GALMADA LA XIRIIRA WAXAA KA MID AH:
BIYO-BAX DEGDEG AH
SHAHWO LA'AAN XILLIGA GALMADA
Akhriso cunnooyinka u roon caafimaadka ragannimada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5937.0

http://somalidoc.com


 

Su'aal: biyaha ragga ka yimaado xilliga kacsiga?

Started by LaabtaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 64075
Last post December 12, 2013, 02:09:52 AM
by Laabta
Su'aal: H-PYLORI sabab ma u noqdaa hawlgabka kacsiga?

Started by AbdikaadirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11176
Last post January 12, 2015, 09:15:52 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Kacsiga badan maxuu sababi karaa?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20481
Last post January 16, 2017, 01:57:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xaniinyo xanuunka iyo Kacsiga badan?

Started by AliiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 57941
Last post June 05, 2011, 06:51:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dareen La'aan Dhinaca Kacsiga?

Started by Ahmed muuseBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 19652
Last post November 12, 2017, 09:09:14 PM
by CilmiSabca