Sida aan ka warqabnaba wadamo ayaa waxaa ka da'ay baraf kuna jira qaboowe aan horay looga baran, wadamadaas waxaa ka mid ah boqortooyada sacuudi arabia oo baraf ka da'ay, iyo qaahiro oo ah caasimada dalka masar oo markii ugu horeysay oo baraf ka da'o mudo qarni laga joogo.
Wadanka Sudan oo isagane qabow aad u daran ka jiro maalmahaan, heerkulkuna uu gaaray 9°C habeenkii khamiista, tanoo laga yaabo in cimiladu ay is badali doonaan, dhulal badan aan looga baran kuleel ay kuleel noqon doonaan (sida cirifyada dhulka oo barafku dhalaalay) iyo wadamo kuleel ahaan jiray oo baraf u da'a!!!!
Somaliyane khaas ahaan gobolada waqooyi sida Awdal waxaa ka da'ay roobab lixaad leh oo wata baraf aad u badan kuna laayay xoolo badan, sidaa darteed, maxuu qabowgaan barafka wato caafimaadkeena u dhimi karaa?, muxuu cuduro noo keeni karaa, sideena looga hortagi karaa?
Qabowgu saameyntiisu waxa ay aad ugu darantahay waayeelka, caruurta, dadka beeralayda iyo xoolo dhaqatada ku nool guryo aan loogu tala galin in cimilada noocaan oo kale laga galo iyo dadka caafimaadkooda liita oo qaba cudurada halista u ah qabowga.
Qabowga daran wuxuu hoos u dhigaa heerkulkaaga taasoo kuu keeneysa Koolbo aaryo (Hypothermia).
koolbo aaryado (Hypothermia) waa hoos u dhac ku yimaada heerkulka jirkaaga taasoo keeni karta in qofku u dhinto.
Ogow koolbo aaryada waxay ka dhalata cimilada ah 30 iyo 50 degrees F.
Calaamadaha Koolboaaryada (Hypothermia) iyo digniinaha lagu garto waxaa ka mid ah:
• Gargariir badan hadana istaaga mar-un ah
• Hadal, Socodka,iyo howsha oo kugu adkaata sida gacmaha
• Wareer ,feejignaan badan
• Neefta oo kugu yaraata
• Garaca halbowlaha oo yarada
• Daal badan
• Wajiga oo midabka badala
• Hurdo badan
Koolbo aaryada (Hypothermia) waxaa uga hortagi kartaa adigoo:
• Xirta dhar badan sida kuwa (suufka) ka samaysan.
• Xirta Koofiyad.
• Is engejiya / qaleel ahow.
• Iska ilaaliya dabeesha qabowga keenta.
• Cab waxa kulul sida shaaha.
• Haysta cunto nafaqo leh sida timirta.
• Ka fogaada inaad gashato dhar qoyan ama biyo aadan qandacsan ku weyseesta tanoo kuu keeni karta af-qalooc (Bell's palsy ).
Hadii qofku koolbo aaryo (Hypothermia) ku dhacdo:
• Waa inaad adiga is dajisaa marka hore.
• Haday neefsashada istaagta fadlan samee gar-gaarka deg-dega ah.
• ka saar dharka qoyan kuna badal kuwa qallalan.
• Qofka ku dabool buste siiba madaxooda iyo qoorta.
• Ha siin cunto kulul, ama cabitaan.
• Qofka ka ilaali waaskada biyaha kulul ama qabeyska kulul.
• Ha uriixin si xoog badan.
Cudurada Kale ee u daran qabowga waxaa ka mid ah, Wadna xanuunka, Neefta, iyo Lafa xanuunka (kalabaxyada).
Ka hortagga ugu wanaagsan waa inaad iska ilaalisaa qabowga (ka xaroo oo ka xiro dhar suuf ka samaysan).
Hadii aad qabto su'aalo dheeri ah oo ku saabsan mawduucaan halkaan ku wadii
Dr.Mahdi