Author Topic: Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?  (Read 76536 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?
« on: April 05, 2016, 11:18:02 PM »


Waxaan rabaa in aan ka hadlo qalliinka lagu sameeyo meydadka anigoo kaga jawaabi doono su'aalo badan oo ay isweydiinayeen qaar badan oo ka mid ah akhristayaasha bogga SomaliDoc.com ee Facebook-ga.

Qalliinka lagu sameeyo meydka si loo ogaado sababta dhimashada waxaa loo yaqaanaa "Autopsy", waxaa kaloo loo yaqaanaa "Post-mortem examination" ama "Necropsy" ama "Obduction".

Waa qalliin ay sameeyaan dhakhaatiir ku taqassusatay cilmiga dambi-baarista, waana takhasus dhif ku ah dunida oo ay bartaan dad yar, markii loo fiiriyo takhasusyada kale, cilmiga lagu barto dambibaarista iyo qalliimada waxaa loo yaqaanaa "forensic medicine / forensic pathology" ama cilmiga dambibaarista "Criminology", sida aan ku arkay dhowr wadan, dadka takhasuskaan diyaariyo ama barto waa qof askari dambibaare ah oo hadane dhakhtar ah, ama dhakhtar noqday askari dambibaaris, dhakhtar ka mid ah dhakhaatiirtaas oo aan wareestay hada ka hor, wuxuu ii sheegay in takhasuskaan uu wato cabsi xoog leh oo qofka xoriyada ka qaadi karo maadaama markasta uu takane ku jiro, waxaa dhici karta in warbixin uu qoray qof xabsi loo dhigo, ama dil loogu xukumo ama xoolo looga wareejiyo, khaasatan dadka la baarayo haddii ay yihiin dad magac ku leh bulshada ama awood dhaqaale ama mid siyaasadeed leh, marka waa in qofka baaristaan sameeynayo markasta taxaddar ku noolaadaan, qaar badan oo ka mid ahne waa la dilaa haddii fursad loo helo.!!!!

Qalliinka waxaa loo sameeyaa in lagu ogaado sababta dhimashada, qaabka dhimashada, hadduu jiray xanuun hore ama dhaawacyo markaas gudaha ama dibadda qofka ka muuqdo.

Waxaa qalliinka loo sameeyaa in sharciga iyo cadaalada la meel mariyo, waxaa kaloo loo sameeyaa cilmibaaris ahaan iyadoo la ogaanayo qaabka ay cudurrada ama dhaawacyadu u keenaan dhimasho.

Waxaa kaloo qalliinka uu noqon karaa mid jirka korkiisa ku eg ama mid gudaha loo dhaadhacayo oo qofka la furayo, badanaa midkaan dambe waa in ogolaansho laga helaa qofka ugu dhaw meydka, inkastoo ay dhici karto xaalado degdeg ah oo ogolaansho aan la sugin, markii qalliinka la sameeyo, waa in xubnihii oo idil dib loogu celiyo booskoodii kadibne la tolo.

Goormaa qalliinkaan la sameeyaa?
Waxaa la sameeyaa markuu qofka si kadis ah ku dhinto ama shakki uu ka yimaado sababta dhimashada ama ay muuqato ififaalo dambiyeed ama la kala saarayo dhowr sabab oo isku dhaw ama dhakhtarku uusan qori karin shahaado dhimasho / ogolaansho duugis ama in booliska uu codsado baaristaas ama dhimashadu ay la xiriirto dagaal, burcadnimo ama fal dambiyeed , Intaas mid ka mid ah, haddii ay dhacdo, lama raadiyo ogolaansho wadamada badankood, waxaana ka jawaabaya su'aal kasto oo ka timaado arintaas qeybta caafimaad ee qolooyinka dambi-baarista.

Badanaa yahuuda iyo muslimiinta ma ogola in qalliinkaan lagu sameeyo eheladooda, waxayna kaga badbaadaan arintaan inay ka tanaasulaan wixii shakki ah illaa inuu meydka gacanta booliska galay oo lala xiriirinayo fal dambiyeed mooyee.
Ehelku way codsan karaan in qalliinkaan loo sameeyo haddii ay aaminsan yihiin inuu qofka u dhintay khalad uu isbitaal ama dhakhtar galay, sidaas ayaana lagu baaraa.
Qalliinkaan laguma sameeyo isbitaalada, waxaa lagu sameeyaa meel loogu talagalay oo madax banaan, badanaane waa hal meel wadanka oo idil.

Qaabkee loo sameeyaa qalliinkaan?
Baarista kadib waa inuu dhakhtarka qoraa warqad tafatiran iyo warbixintii ka soo baxday qalliinka iyo dheecaannadii la baaray oo haddii ay arintu maxkamad gaarto loo adeegsan karo caddayn ahaan, waana inay jawaabta baaristu ku soo gabagabowdaa mid ka mid ah 5 shay:
1- Dhimasho dabiici ah.
2- Dhimasho shil ah.
3- Dhimasho dil ah.
4- Dhimasho is-dil ah.
5- Dhimasho aan la garanayn.

Inkastoo asalka cilmigaan uu ka yimid reer galbeedka, laakiin isticmaalka wuu ku sii yaraanayaa maadaama ay soo baxeen ururo ka soo horjeeda baaritaanada noocaan ah, laakiin wadamada soo korayo aad ayaa looga sameeyaa.

Qalliinka waxaa loo sameeyaa qaab "Y" ama "T" ama "l" oo kala ah, iyadoo jeexdin dheer ah lagu sameeyo qofka laga soo bilaabo dhuunta hoosteeda illaa lafta bisqinta si lagu wada arki karo wixii ku dhex jiro jirka, laga soo bilaabo sambabada, wadnaha iyo uur ku jirta oo idil, madaxane waxaa lagu sameeyaa jeexdin wareeg ah oo madaxa loo feydayo sidii weel xiran oo kale.
Jeexdinta noocaan ah waxay sahlayaa in dib loo furi karo haddii ehelada ay shaki ka qabaan in qeyb ka mid ah jirka ay maqan tahay si dib loogu furo, hadane loo xiro.

Ardayda caafimaadka ku soo baratay ama ku barato wadamada laga sameeyo qaaliimadaan, way soo qaataan koorso ku saabsan cilmigaan, waana la geeyaa meesha lagu sameeyo qalliimadaan iyagoo weliba ka qeyb qaato ama la tusiyo qaabka qalliinka.

Intaas ka dib haddii aan u soo gudbo su'aalaha ay dad badani is waydiinayaan:
  • Haddii ay dad meel ku wada dhintaan, hal qof in la qalo ma looga maarmi karaa qalliinka dadka kale? Jawaabtu waa: Maya, maxaayeelay intaas oo qofba waxaa dhici karto inaysan isku si u dhiman, tusaale, hadduu guri gubto, dadkii oo wada gubtayne la keeno meesha meydadka lagu baaro, waxaa dhici karto in jawaabta baaristu aysan isku mid noqon, dad baa qiiqa dartiis u dhintay oo ku cabburmay, kadibne gubtay, dad baa gubashada laftirkeeda u dhintay, dad baa guriga lagu dhex dilay oo hadane dhintay, dad baa meel ka soo dhacay inta aysan guban, marka lama dhihi karo, dadkaan waa loo jeedaa inay wada gubteen ee maxaa loo baarayaa?! sababtu waa ogaansho ama kala-soocid ama dambi-baaris ama intaba, haddii lagaaga sheekeeyo qalliimadaan waxyaabaha lagu ogaan karo iyo qaabka loogu ogaan karo, waxaa kuu soo baxayso in aad loogu baahan yahay, maxaayeelay dad badan ayaa inta la dilo hadane loo ekaysiiyaa inuu si dabiici ah u dhintay, waana dhibaato dunida ka jirto, annaga soomaali haddii aan nahay, dadka toos ayaa loo toogtaa iyadoo aan dhib loo soo marin.!!!
  • Ma jiraa qalab lagu ogaan karo ama badalka qalliinka gali karo? Jawaabtu waa maya, baaristaan waxay ku dhisan tahay aragti waa in indhaha lagu arkaa ee looma adeegsado kumbuyuutar.
  • Qof dhintay malaga baxsan karaa xubin jirkiisa ka mid ah sida Wadnaha, Kilyaha am Beerka? Hadduu qofka ku dhinto isbitaalka, waa lagala bixi karaa waana in daqiiqado gudahood lagu bixiyo xubinta la rabo, haddii kale faa'ido ma yeelanayso, markii caafimaad ahaan loo hadlayo dhimashada waxaa loo kala qaadaa "dhimasho maskaxeed" iyo "dhimasho wadne istaagis", midda wadne-istaagista waa midka ay dadka oo idil u wada garanayaan "dhimasho", hadduu qofka wadnihiisu shaqada joojiyo, dhowr daqiiqo ka dib xubintii lagala baxo waxba ma tarayso, laakiin qofka maskax ahaan dhintay oo isbitaal ku jiro waa la adeegsan karaa kilyihiisa, beerkiisa ama wadnihiisa intaba inta aan laga furin qalabyada ku xiran.
  • Maxaa tahriibayaasha ku caariyay dalka talyaaniga loo jeexjeexi waayay oo dadkaan masar laga helay sidaan loogu galay? Ma Masar ayaa ka hormarsan mise ka aqoon badan talyaaniga? Marka hore waxaan rabaa inaad ogaataan cilmigaan "Forensic Medicine" asalkiisa iyo dadka dunida ku soo kordhiyay waxay ka soo jeedaan dalka Talyaaniga, dadka ku xeeldheer cilmigaan ee ka howlgalo wadamada badankood waxay wax ku soo bartaan dalka Talyaaniga, dilalka ama dhimashada ka dhaco xuduudaha talyaaniga gudahiisa waa lagu sameeyaa baaristaan, laakiin sawirada qalliimadaan waa mamnuuc in dunida loo soo bandhigo waana sababta aanan loo arkin iyadoo la ilaaliyo dareenka dadka, dhibaatooyinkii ugu badnaa ee Maafiyada ku haysay dalka talyaaniga waxaa looga sal gaari jiray baaristaan, iyaguna waxay khaarijin jireen dhakhaatiirta baaristaan sameyso.
  • Qof dhintay dhiig maka imaan karaa? Qalliinka kore ama jeexdinta maqaarka dhiig kama imaado, laakiin markii la furo gudaha dhiig fadhiyo ama mid qoyan waa loogu tagi karaa, inta qalliinka lagu guda jirane, dhiiga gudaha wuu gaari karaa ama ku hallaabi karaa jirka banaankiisa, waxaa kaloo dhici karta inuu qofka dhaawac lahaa dhimashada ka hor.
  • Qalliimadaan ma soomaalida ama looma ooyaanka kaliyaa lagu sameeyaa? Jawaabtu waa Maya, qof kastaa lagu sameeyaa, oo haddii aad ku nooshahay wadan ka baxsan soomaaliya, fadlan booqo qeybta meydka lagu baaro, waxaad la kulmi doontaa tobaneeyo meyd oo qalliin loo diyaariyay ama lagu sameeyay oo duugis loo wado.
  • Qof lagu sameeyay qalliinkaan mala ogolyahay in sawir laga qaado? Jawaabtu waa "Maya", laakiin Haddii qofka dhintay aan la haynin qof garanayo, wajiga kaliya ayaa sawir laga qaadaa iyadoo la muujinaynin tolmada qalliinka ma cawrada qofka, laakiin arinta aan ka hadlay maanta waxay ku dhacday in dad ehel iska dhigayo ay isbitaalka ugu tageen meydka, kadibne sawirro ka soo qaaday oo baraha bulshada soo dhigay, eheladii saxda ahaane way ka xumaadeen arintaan, wayna codsadeen in laga saaro meelaha la soo dhigay.
  • Maxaa qalliinkaan loogu sameeyaa dadka meydkooda la helay oo maa la iska duugo? Shuruucda aduunka lama ogola in meydka la duugo iyadoo aan loo qorin warqad ogolaansho duugis, warqadaasne waa inuu dhakhtar qoraa, dhakhtarkuna waa sadax mid inay noqoto: inuu qofka markuu dhimanayay la joogay, inuu isbitaalka uu dhakhtarkaasi ka shaqeeyo qofka ku dhintay ama la keenay markuu dhimanayay, ama inuu yahay qofkii ku sameeyay qalliinkaas, maadaama ogolaansho duugis la qori karin waa in qofka lagu sameeyo baaristaas, kadib markii la qoro sababta dhimashada ayaa la duugi karaa, haddii kale sharciga ayaa qabanayo qofkii iska duugo meyd baaris la'aan.
  • Sidee loo sameeyaa qalliinka kilyaha lagula baxo? Dadka waxa ugu badan ee lagala baxo waa kilyaha, laakiin beerka iyo wadnaha lagu lama bixi karo wadamada aan hormarsanayn, Kilyaha markii la bixinayo waa inuu qofka nool yahay, jeexdinta qalliinkane waa dhinaca killida ku aadan, laakiin jeexdintaan dheer ee ka muuqato sawirrada haddii lagu sameeyo qof killi ama beer lagala bixi rabo, qofkii wuu dhimanayaa iyadoo aan waxba laga bixin, xubintaasina wax ma tarayso.
  • Yaa loo ogolyahay warqada sharciga ee ka soo baxdo qalliinka baarista? Warqadaas waxaa loo ogolyahay booliska baarista wado, qaaliga maxkamada, qareenka qofka dhintay iyo ehelada marxuumka, waxaan la yaabay dadka dalbanayo in warqadaas la soo dhigo barta Facebook ama lala wadaago si ay u qancaan!!!!

Dardaaran Guud:
Fadlan aqoon u yeelo sharciga wadanka aad ku nooshahay, waxyaabo badan oo waxaa jiro dadku aysan ka war haynin.
Tusaale ahaan: Dalka Ingiriiska lama ogola in qalliinkaan la sameeyo ogolaansho la'aan, dalka Masar ogolaansho qoys uma baahno qalliinkaan, dalka Kenya ogolaansho duugis / xabaalis ayaad u baahan tahay, Soomaaliyane ogolaansho duugis / xabaalis uma baahnid.

Fadlan haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

www.somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Mo Digdig

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?
« Reply #1 on: April 06, 2016, 04:35:38 PM »
Aad ayaan idiin kugu mahadcelinayaa dhaqaatiirta sharafta leh, maxaa loo lahaa soomaali cid umaqan maleh sidii xoolihii ayaa loo qalqalaa cid u doodana maleh hadiiba dhaqaatiirtaan sharafta leh aan heysano oo mar walba ka damqado dadkooda. Lkn wxn rabaa inaad hal mid iga shaki bixisaan;

qaliinka wxa loo sameeyaa inuu laxariiro

1. Dagaal
2. Burcadnimo iyo
3. Fal dambiyeed.

Hadiiba saas loo sameeyo, maxa keenay dadkaan soomaaliyeed ee bada ku dhintay loogu sameeyay. Sababto ah shaki kuma jiro qof bad ku dhintay in uusan u baahneyn qaliin. Waad mahdsntihin mar labad somalidoc


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 69240
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 180652
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Fayraska Zika (Zika Virus)?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 30977
Last post February 03, 2016, 12:36:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 70464
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39219
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc