Bismillah...
Casharkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay caanaha geela iyo faa'idooyinka caafimaad ee lagu arkay.
Sida aan wada ognahay geelu waa noole cajiib ah oo waxyaabo badan oo jirkiisa ka mid ah daawo alle nooga dhigay, waa xayawaan mucjiso ah oo gaajada iyo haraadka u adkaysan karo bilooyin sidaasoo tahay hadane isbadal kuma dhacaan faa'idooyinka laga helo hilibkiisa, caanihiisa iyo kaadidiisa intaba.
Caanaha geela waxaa la isku waafaqsan yahay in ay yihiin caanaha ugu caafimaadka badan dunida markii laga reebo caanaha hooyada, waa caano faa'ido u leh yar iyo wayn, lagana helo nafaqooyin badan oo isugu jira waxyaabaha kala duwan oo jirku bini'aadanka u baahan yahay.
Waxaan halkaan ku soo koobayaa dhowr faa'ido oo cilmibaaris lagu arkay, dad badanne wax iskaga garteen markay ay joogteeyeen cabista caanaha geela.
- Cudurka Macaanka: Nafaqada laga helo caanaha geela waxaa ku jira hormoonka insulin-ta ee kontaroosha sokorta, joogteynta cabista caanaha geela waxay xakameeyaan macaanka, waxaana dhacdo mararka qaar in cirbadda insulin-ta looga maarmo hadduu qofka ka fogaado waxyaabaha macmacaanka.
- Difaaca jirka: Caanaha geela waxaa ka buuxa borotiin farabadan, borotiinada qaar waxay jirka u xilsaaran yihiin ka difaacista jeermisyada iyo xanuunada soo booddada ah, sidaa darteed caanaha geela waxay sare u qaadaan difaaca jirka, sidaas awgeed dadka xanuunsan oo la baaninayo waxaa la siiyaa caanaha geela si difaaca jirkooda u wanaagsanaado, isbadal caafimaadne u helaan.
- Korriimada iyo Caafimaadka lafaha: Caanaha geela waxay u fiican yihiin korriimada caruurta iyo tayaynta jirka dadka waawayn, waxaa ku jira walxo adkeeya lafaha iyo murqaha qofka sida kaalsiyamta oo ay ku jirto 3 jibaar inta laga helo caanaha lo'da, waana sababta caanaha geela uu ugu horeeyo cunnooyinka lagu caawiyo qofka jaba si kabniinka u sahlanaado, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan walxaha kabniinka dadajiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6485.0
- Wareegga Dhiigga: Caanaha geela waxaa ka buuxo maadada birta oo ka hortagto dhii-yarida, waxayna muhiim u yihiin wareegga dhiigga, firfircoonida unugyada dhiigga, sidaas awgeed hooyada umusha ah iyo caruurta nafaqada ku dhacdo waa u muhiim caanaha geela.
- Xasaasiyadda: Caanaha geelaha waxay daawo u yihiin xanuunada ka dhasho xasaasiyadda sida samboorka, neefta, xajiinta maqaarka iyo xasaasiyadda cuntada, caruurta ku xanuunsado caanaha lo'da iyo cunnooyinka qaarkood, waxaa lagu daaweeyaa caanaha geela, waxaa kaloo dhowr diraasad lagu arkay in caanaha geela isbadal fiican looga dareemo dadka lagu arko cilladaha isdifaaca jirka ee loo yaqaano "Autoimmune disorders", waxaa intaa sii dheer in cudur-ka dhakaakuhu "Autism" ay daawo u yihiin, waa cudur aad looga sheegayo caruurta soomaalida ku dhalatay qurbaha.
- Caafimaadka Wadnaha: Caanaha geela wuxuu isu dheellitraa kolestaroolka fiican iyo midka xun, sidaas awgeed wuxuu muhiim u yahay caafimaadka wadnaha, wuxuuna ka hortag u yahay wadna qabadka ka dhasho xannibanka qulqulka dhiigga xididada wadnaha.
- Nafaqo: Caanaha geela wuu ku noolaan karaa qofka, waxay u geli karaan badalka cuntada iyo cabitaanka, wixii nafaqo jirka u baahnaa waa laga helaa oo waad kaga maarmi kartaa cunnooyinka kale haddii aadan haysan, geellayda badanaa inta ay geela la joogaan caanahiisa ayay ku noolyihiin.
- Ka hortagga Kansarka: Caanaha geela waxaa la arkay inay ka hortag u yihiin kansarka ku dhaco uur kujirta sida beerka, xiidmaha iyo malawadka, waana arrin lagu ogaaday cilmibaarisyo kala duwan.
Maadaama caanaha geela aan la karkarin oo toos loo cabo, hal dhib ayaa ka imaan kara oo ah inay wasakh gaarto, taasoo qofka u gudbi karto maadaama aanan la karkarin, wasakhdaas waa mid ka imaan karta qofka lisayo ama mid ka imaan karto xoolaha laftirkooda sida sunta la mariyo oo kale, sidaas awgeed nadaafaddu waa muhiim.
Waaa wax la arko mararka qaar dadka joogteeyo hilibka iyo caanaha geela, subagga iyo hilibka idaha in ay kari wayso sunta dadka lagu suuxiyo taasina waxaa loo saariyaa difaaca ay cunnadaasi uu ka helay jirka, maadaama wax kastoo qalaad oo jirka soo galo ay uga hortagaan, laakiin cabbirka suuxdinta ayaa loo siyaadiyaa dadkaas, sidaas ayaana qalliin loogu sameeyaa.
Akhriso Faa'idooyinka Caafimaad ee
Kaadida Geela: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7006.0
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0http://somalidoc.com