Author Topic: Su'aal: Kaadi badan ayaan isku arkaa xilliga soonka?  (Read 5074 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Amiin Omar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Kaadi badan ayaan isku arkaa xilliga soonka?
« on: May 31, 2018, 09:25:48 AM »
Asc Somalidoc Ilaah ha idin barakeeyo , waxaa rabaa su'aal inaa idin waydiiyo , maalma Soonka waxaa isku arkaa kaadi badan xitaa hadii aan koob barkiisa oo biya hadaa cabo waqtiga Suxuurta wax is badala ma arko kaadida sideeda tahey 5-7 jeer maalintaas as Ku noqdaa musqusha , halka habeenkii markaa afuro oo wax cuno biyo badana cabo waxaa musqusha galaa 3-4 jeer. Sidoo maalinta waxaa kaloon isku arkaa af qoyaan badan sida qof biyo cabay waxaa moodaa qanjirada afka iney soo daynaayaan waxaa dareemaa qabow aan saa'idna ahayn.
Su'aalaheega haday badanyahey ama isku qasanyiin aa Ku wareertaan fadlan ii dulqaata dadka ma ihi wax qoro ama Ku sheekeeyo qoraalka.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kaadi badan ayaan isku arkaa xilliga soonka?
« Reply #1 on: December 30, 2018, 11:51:10 PM »
Dadka qaar markay sooman yihiin waxaa kilyaha ku yaraado awoodda inay biyaha dib u soo nuugaan, waa arrin lagu ogaaday cilmibaaris ahaan marka hala yaabin inay kaadidaadu badato markaad gaajaysan tahay ama sooman tahay, halkaan ayaadne ka arki kartaa cilmibaaristaas iyadoo faahfaahsan: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/11181414
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26468
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15846
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21108
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15533
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78256
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc