Author Topic: Waa maxay baarista macaanka ee HbA1c?  (Read 222652 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay baarista macaanka ee HbA1c?
« on: July 09, 2019, 10:20:27 PM »


Waa maxay HbA1c?
HbA1c waa qeyb ka mid ah hemoglobin-ta markay ku dhagto sokorta dhiigga ku jirto, hemoglobin-tu waa maado xambaarta oksajiinta, taasoo qeyb ka ah unugyada dhiigga cascas, markay sokorta aad u kacsan tahay waxay ku dhegtaa hemoglobin-taan, kamana fuqdo, waxaana dhacdadaas loo yaqaanaa sokoroobidda hemoglobiinta ama "glycated hemoglobin", waxaana loo xisaabiyaa qaab boqolleey ah markii la baarayo hemoglobin-ta nuucaan ah, boqlokiiba hemoglobin-ta sokorta ku dhagto waa inaysan ka badan boqolkiiba 6.5%, haddii ay intaasi ka badato waxay timaan u tahay in qofkaasi macaankiisa uusan kontaroolnayn.

Maxaa Sadax bilood walba loo baaraa?
Unugyada dhiigga cascas waxay dhiigga ku dhex noolaadaan 90 illaa 120 maalmood, kadibne kuwa cusub ayuu jirka ku badalaa, maadaama sokorta ay ku dhagto hemoglobin-ta taasoo qeyb ka ah unugyada cascas, waxay jirka ku jiraysaa ugu yaraan 90 maalmood taasoo u dhiganto 3 bilood, haddii isbadal la dareemayo kacsanaan ama dhacsanaan ah waxaa la ogaan karaa 3 bilood kadib markii hemoglobin-tii hore lagu badalay mid cusub.

Baaritaankaan muxuu faa'ido u leeyahay caafimaadka?
Baaritaankaan wuxuu tilmaan u yahay 4 arrimood:
1- In macaankaagu uu xakamaysan yahay iyo in kale taasoo dhakhtarka warbixin ka siinayso sida aad u joogteyso qaadashada daawada, qaabka aad u habaysid cunnada iwm.
2- Waxay kaloo tilmaan u tahay in macaanku uu saameyn ku hayo jirkaaga, kullamaa sokorta dhiigaagu ay kacsan tahay, kullamaa hemoglobin badan ay sonkorowdo, kullamaa xubnahaagu u nuglaadaan dhibaatada macaanka khaasatan indhaha, kilyaha, neerfaha iyo wadnaha. markaasi dhakhtarku waa inuu kaaga digaa halista macaanka ee kugu soo fool leh ama waxa loo yaqaano jahwareerka sokorowga "diabetes complication" ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=619.0
3- Sidoo kale, kacsanaanta hemoglobiinta sonkorowday waxay tilmaan u noqotaa mararka qaar inaad u baahan tahay in daawada lagaa badalo maadaama sidii la rabay ay u shaqayn la'dahay khaasatan haddii cunnadu ay kuu habaysan tahay.
4- Ugu dambayn, sokoroobidda hemoglobiinta HbA1c waxaa dhawaan la isku waafaqay in loo adeegsado go'aaminta xanuunka macaanka, laakiin taasi macnaheedu maahan in looga maarmay cabirkii caadiga ahaa ee farta laga qaadi jiray.

Meeqo ayaa baaritaankaan laga rabaa?
Qofka caafimaadka qaba waxaa laga rabaa baaritaanka HbA1c inuu ka yar yahay <5.7%, hadduu u dhaxeeyo 5.7% illaa 6.4% macnaheedu waa inuu macaan kugu soo socdo, haddii ay ka badan tahay >6.5% macnaheedu waa macaan.

Macaanka maxaa keeno?
Link-gaan ka akhriso warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xanuunka macaanka nuucyadiisa, waxyaabaha keeno, astaamaha lagu garto iwm: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1145.0

Wixii su'aalo ku saabsan casharkaan ama faahfaahin aad uga baahan tahay ku soo dir qeybta su'aalaha ama igala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66571
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69584
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62513
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46767
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45011
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc