Bismillah,
Waxaan casharkaan kaga hadli doonaa cudurka ay soomaalida badanaa u taqaano "Barariso", afka qalaad waxaa lagu dhahaa "Pyogenic Flexor Tenosynovitis".
Cudurkaan wuxuu ku billawdaa in mid ka mid ah faraha gacanta ay gaarto dhaawac mudis ah, dhaawacaas oo farta gudaha u galo illaa uu ka gaaro xuubka ku hareeraysan lafta farta.
Waxa ku muday haddii aysan farta gudaha safiican ugu galin, badanaa ma keento caabuq daran, si dhakhsane uguma faafto faraha kale, waana xaalad ka duwan caabuqa bararisada, waxaana loo yaqaanaa "Cellulitis".
Maxay badanaa gacmaha ugu dhacdaa?Gacmaha waa meelaha ugu badan ee u nugul in qofka ka dhaawacmo, waana meesha ugu fudud oo dhaawac si sahlan ku gaari karo seedaha iyo lafaha maadaama aysan sidaa uga fogayn hilibka kore.
Badanaa waxyaabaha qofka mudo waa wax dhulka yaallo oo jeermis xambaarsan, waxaana badanaa cilladaan lagu arkaa dadka gacmaha ku shaqaysto sida dadka beeraha falo, geedaha gooyo ama biraha ka shaqeeyo.
Jeermiskaas markuu jirka gudaha u galo, wuxuu ku tarmaa farta dhaawaca gaaray, waxyar ka dibne way barartaa, kadibne malax ayay gashanataa, kadibne caabuqii wuxuu si dhakhso ah ugu gudbaa faraha kale illaa uu gacanta wada gaaro.
Haddii aan laga gaarin dhaawaca markuu cusub yahay wuxuu si joogto ah u naafeeyaa seedaha iyo kalagoysyada yaryar ee faraha, taasina waxay keenaysaa in faraha qalloocdaan ama gacantaba ay qallafto ama qallasho.
Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?Daawada waxay waxtar degdeg ah leedahay markuu dhaawaca cusub yahay, waa in meesha dhaawaca kaa gaaray si dhakhso ah loo nadiifiyo si caabuqa loo yareeyo, waa in nabarka la mariyo ama lagu xiro jeermis dile, lana qaato daawo qallajiye ah si jirka looga caawiyo la dagaallanka jeermiska soo galay.
Hadduu nabarka muddo ka soo wareegato, waa in la fiiriyo inuu malax yeeshay iyo in kale, hadduu malax gashtay waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dillaaciyo oo malaxda laga soo daadiyo, kadibne dhaymo iyo daawo la isugu daro qofka.
Hadduu caabuqa ku fidiyay faraha kale ama gacantma waa in qalliin lagu sameeyo qofkaas si gacanta loo badbaadiyo, lagana saaro gacanta wixii unugyo ah oo dhintay ama wasakhoobay si faafitaanka caabuqa loo xadido.
Waa maxay qaladaadka badanaa lagu dhaco?Xanuunkaan waxyaabo badan oo khaladaad ah ayaa laga aaminsan yahay ama la sameeyaa markii lala tacaalayo.
Marka hore waa xanuun ku badan miyiga iyo meelaha ka fog xarumaha caafimaadka, markuu qofka dhaawaca gaaro si sax ah loo lama tacaalo, markay farta caabuqa qaado oo ay malaxaysato ayay dadka qaar ku dhayaan dhir daaweedyo sida malmalka oo kale, laakiin sida la wada ogyahay meel malax gashatay dhaymo iyo subkin waxba kama tarto, waxayna soomaalidii hore dhihi jireen "milil guudkii lama dhayo" taas oo macnaheedu yahay "meel malax ku jirto korka lagama dhayo" qolooyinka cilmiga caafimaadka qoray waxay maahmaahdaan oo kale ka soo xigtaan umaddii giriika ehayd oo iyagane dhihi jiray "ubi pus, ibi evacua" oo la macno ah "milil guudkii lama dhayo".
Sababtoo ah malaxda haddii aadan si dhakhso ah ku soo saarin waxay ku faaftaa qeybaha kale ee jirka, wayna baab'isaa, waana cilladda ay bararisadu dadkeena badankood gacmaha uga naafeyso.
Malmalka wuxuu wax taraa inta aysan gacantu malaxaysan iyo markii malaxda laga daadiyo ka dib, akhriso waxtarka caafimaad ee Malmalka:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6802.0Qaladka labaad ee lagu dhaco waa in dhaawacii caabuqa qaaday in hadane lagu mudo qalab kale oo aan la jeermis dilin si malaxda looga soo saaro, taasoo keenayso dhaawac iyo caabuq hor leh, dadkii hore oo daaweynta nabarrada ku xeel dheeraa, dabka ayay jeermiska kaga dili jireen qalabyada ay isticmaalaan kadib ayayne adeegsan jireen, haddii aad ku nooshahay meel ka fog xarun caafimaad, meel bugta haku mudin qoray ama bir aan la jeermis dilin.
Qaladka sadaxaad waa iyadoo dadka qaar aaminsan yihiin in bararisada laga ilaaliyo daawada iyadoo dad badan laga dhaadhiciyay in caabuqa uu ka sii darayo haddii aad daawo qaadatid, taasina waa arrin khalad ah.
Qaladka afaraad waa in nabarka markii la dillaaciyo lagu xiro maro aan nadiif ehayn, taasoo dib u dhigayso bogsashada nabarka caabuqay.
Ogow qasab ma ahan in aad magaalo ku nooshahay ama xarun caafimaad aad hesho si gacanta kuugu badbaado. Marka hore safiican dhaawaca ugu nadiifi biyo, isku day in aad ka tuujisid xoogaa dhiig ah si wasakhda gudaha u gashay u kala yaraato, kadib meesha dhaawaca kaa gaaray bir dab leh ayaad ku qaban kartaa si jeermiska uusan fursad u helin inuu dhawaca ku dul tarmo, kadibne gudaha u gudbo. Haddii aad heli karto malab saafi ah waad kaga maarmi kartaa dabka, farta dhaawaca kaa gaaray ku xir maro nadiif ah, maxaayeelay malabka wuxuu ka gudbayaa dhaawaca, jeermiskane aad ayuu uga adag yahay oo wuu ka awood badan yahay daawooyinka qallajiyeyaasha badankood, halkaan ka akhriso qoraal hore oo aan kaga hadlay malabka iyo ku daaweynta dhaawacyada:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6078.0Akhristow ogow dadka ugu baahi badan talooyinkaan ma ahan dad internet iyo facebook isticmaalo, ku dadaal in aad warbixintaan faafiso si ay bulshada isku gaarsiiso. waad mahadsan tihiin, caafimaad baan idiin rajaynayaa.
Haddii aad su'aal qabtid ama faahfaahin u baahan tahay fadlan ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com