Author Topic: Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?  (Read 26195 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
DOODDA BISHA FEBRUARY, 2011

Salamu Alaikum

Doodeennu bishaan waxa ay ku saabsan tahay waxqabadka hay'adaha qalaad ay ka hawlgala dalkeenna.

Waxaa wadankeenna soomaaliya, puntland iyo somalilandba ka hawlgala hay'ado aad u tira badan oo ku dhawaad tiradooda lagu qiyaaso tiro kor u dhaafaysa 240 hay'adood oo caalami ah kuwaas oo ka fuliyo mashaariic kala duwan.

Mashaariicdaas oo ay fuliyaan dad isugu jira ajaanib iyo shaqaale soomaaliyeedba waxay ka hawlgalaan gobol kasta iyo dagmo kastaba.

Haddii aan tusaale ahaan soo qaadanno hay'adaha caafimaadka ka shaqeeya waxay u kala shaqeeyaan qaabkaan:

1- Kuwo si gaar ah u shaqeeya oo leh xarumo caafimaad u gooni ah.
2- Kuwo taakuleeyo xarumo caafimaad iyagoo la kaashto ururro soomaaliyeed ama isbitaallo.
3- Kuwo la shaqeeyo ama taakuleeyo wasaaradaha caafimaadka ee kala duwan.


Waxay hay'adahaan ay isugu jiraan kuwo wadanka ku cusub iyo kuwo in muddo ah ka soo shaqeynayay, kuwo badanaa soomalidu ay taqaanno oo waxqabadkoodu muuqdo iyo kuwo in ay wadanka in ay ka shaqeeyaan iyo in kalaba uu shaki ka jiro.

Baahida caafimaadka ka taagan dalka waxaa daboola badankeed hay'ado samafal kuwaas oo daawooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha ka shaqeeya isbitaallada bixiya.

Hay'adahaas oo ku dhaqma xeerar iyo nidaamyo kala duwan ayaa waxa ay daboolaan kaliya baahida caafimaad ee degdegga ah kuwaas oo hawlahooda lagu soo koobi karo qeybahaan soo socda:

1- Xarumo / Isbitaallo lagu sameeyo qalliimada dagdagga iyo dhaawcyada dagaallada
2- Xarumo / Isbitaallo lagu daaweeyo hooyooyinka (uurreyda) iyo dhallaanka.
3- Xarumo / Isbitaallo lagu daaweeyo cudurrada caruurta iyo nafaqo-darrada.
4- Xarumo / Isbitaallo lagu daaweeyo bukaanno qabo cudurro gooni ah sida: qaaxada, aydhiska, dhimirka IWM
5- Xarumo / Isbitaallo lagu qaabilo bukaan socodka (inkastoo aysan badneen)


Hay'adahaan qaabka ay u shaqeeyaan way kala duwanyihiin oo waxaa laga yaabaa hal hay'ad ay xarumahaan aan kor ku soo xusnay ay leedahay meesha hay'ad kale ay xarun gooni ah ay taakuleyso.

Waxaa kaloo jiro hay'ado taakuleeyo dadka ku barakacay dalka gudihiisa kuwaas oo iyagane daryeel caafimaad bixiyo.

Baahida ay daboolaan hay'adahaan ayaa ah kuwo dagdag ah kuwaas oo ay sheybaarradooda lagu baaro waxyaabaha fudfudud, daawada ay bixiyaanne ay tahay midda asaasiga ah. mashaariicda badankoodna ma nagaadaan oo dhowr sano ama dhowr bilood kadibba waa la xiraa haddii aan loo helin deeq lacageed oo lagu sii wado.

Badanaa baahida aysan dabooli karin hay'adahaan waxaa loo raadsadaa dalka dibaddiisa maadaama wadanka ay ku yaryhiin takhaatiir takhasus u leh cudurrada aysan daboolin  hay'adahaan samafalka ama aanan la heli karin qalabkii ku habboonaa daryeelka noocaan ah.

Xarumaha ay ka hawlgalaan hay'adahaan ayaa lacag la'aan ah meesha qaar ka mid ahne lacag laga qaado bukaanka kuwaas oo hay'adda ay ogtahay ama aysan ogeyn.

Hay'adaha qaar ayaa ka warqab joogto ah iyo raad-raac ku sameeya isbitaallada ama xarumaha ay ka shaqeeyaan meesha kuwa kalane waxqabadkooda iyo lacagaha loo qoondeeyay daboolista baahida jirta aanan isku dhigmin taas oo ka dhalatay ka warqab la'aan iyo musuq-maasuq oo dad gooni ah ay isaga takri falaan samafalka ay fidiso hay'adda.

Sidaa awgeed waxaa doodaan u furnay in aad ka dhibataan ra'yigiinna su'aalahaan soo socda:

1- Sidee u aragtaa waxqabadka hay'adaha samafalka ee ka hawlgala dagmada ama gobolka aad joogto?
2- Qaabkee ayaa waxqabadka hay'adahaan lagu wanaajin karaa si looga fogaado musuq-maasuqa iyo ku takri-falka samafalka?
3- Ma jiraan jihooyin la xisaabtama hay'adahaan oo ka warqabo hawlaha ay ka fuliyaan wadanka oo raad-raac ku sameeya lacaga soo galay, mshaariicda lagu fuliyay iyo siyaabaha ay wajahaan baahida caafimaad ee ka jirta goobaha ay ka shaqeeyaan?
4- Maxay tahay dawrka ay ka ciyaari karto wasaaradda caafimaadka sidii hay'adaha ay uga warqabi laheed siyaasadda caafimaad ee wadanka ku maamulaan?
5- Ra'yigaaga 3-dee hay'adood ayaad is leedahay waa kuwa ugu waxqabadka muuqdo oo bulshada waxtarkoodu laga faaiday, maxaad talo ahne ayaad u jeedin laheed hay'adahaas?
6- Qaabkee ayaan filnaansho ku gaari karnaa si baahida qaarkeed aan u daboolno ama hawsha aan u sii wadnaa haddii ay hay'addu go'aan in wadanka ka baxdo, deeqdane ay joojiso ay gaarto sida meelaha qaar ka dhacdayba?
7- Hay'adaha samafalka soomaaliyeed maxaa u diiday in dowr muuqdo ay ka ciyaaraan daboolista baahida caafimaad ee wadanka ka jirta?


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
1- Sidee u aragtaa waxqabadka hay'adaha samafalka ee ka hawlgala dagmada ama gobolka aad joogto?
Waxqabadka hay'adaha sidii laga rabay maahan sida aan u arko ra'yigeyga shakhsi ahaan maxaa yeelay sababahaan soo socdo awgeed:
# Hay'adaha qaarkood oo ku saleeya waxqabadkooda agendayaal gooni ah oo ay wataan taas oo marmar ka horimaanaysa baahida xilligaa taagan, tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in meel shuban uu ka dillaaco markii dhowr qof u la'daan oo idaacadaha laga qeyliyo ayaa laga yaabaa in hay'adda markaa in ay howl bilawdo, hay'addaas oo awalba joogtay meesha dhibaatada ka dhacday.
# Hay'adaha qaar oo ku saleeya waxqabadkooda siyaasada ka jira wadanka taas oo ka dhalatay in dadka horkacaya ay dhago iyo indho u noqdaan oo meeshii dadkaa hay'adda horjoogayaasha u ah ay wax u qabtaan kaliya.
# Hay'adaha badankood oo musuq-maasuqa uu qoraaga ka hadlay aan ka marnayn, taas oo aan ka wada dharagsannahay adigoo arkaya daawadii loo keenay bulshada in suuqa lagu gado.
#Hay'adaha badankood oo mustaqbalka daryeelka caafimaadka aanan ka fakarin iyo qaabkii ay shaqaalaha caafimaadka ay isugu filnaan lahaayeen in ay sii wadaan ama maamulaan mashaariicda ay ka fuliyaan soomaliya.

2- Qaabkee ayaa waxqabadka hay'adahaan lagu wanaajin karaa si looga fogaado musuq-maasuqa iyo ku takri-falka samafalka?
# In xisaabtan iyo raad-raac joogto ah la sameeyo si meesha ay ka baxeen lacagihii mashaariicda loogu talagalay loo ogaado.
# In horjoogaha hay'adda hadduu muwaadin yahay lagu doortaa aqoon iyo kalsooni maxaa yeelay hay'adaha qaarkood waxay ku doortaan in qofka hay'adda maamulkeeda hayo inuu yahay qof kala wadi karo howsha oo xiriirro fiican la leh bulshada oo wixii looga baahdo ka soo dhamayn karo, hay'addane amnigeeda sugi karo haddii loo baahdo.

3- Ma jiraan jihooyin la xisaabtama hay'adahaan oo ka warqabo hawlaha ay ka fuliyaan wadanka oo raad-raac ku sameeya lacaga soo galay, mshaariicda lagu fuliyay iyo siyaabaha ay wajahaan baahida caafimaad ee ka jirta goobaha ay ka shaqeeyaan?
Ma garanayo in ay jiraan dad la xisaabtamo hay'adahaan inkastoo ay hay'adaha qaar sida UN-ka ay kala wadaan howlaha wadanka oo idil oo iyaga inay wax xisaabiyaan maahane aan la xisaabin karin.
Hy'adaha qaar in la soo fara-gashto hawlahooda maba ogola oo in ay wadanka ka baxaan ayay ka dowr bidaan.

4- Maxay tahay dawrka ay ka ciyaari karto wasaaradda caafimaadka sidii hay'adaha ay uga warqabi laheed siyaasadda caafimaad ee wadanka ku maamulaan?
Wasaaradaha caafimaadka waxay ka ciyaari karaan dowr fiican sidii hay'adaha uga warqabi lahaayeen wayna la xisaabtami karaan waa haddii ay u fakarayaan qaab ah in iyagu ay mas'uul ay ka yihiin caafimaadka bulshada oo qof waliba oo rabo inuu wax u qabto bulshada inuu u soo maro hay'adaha si uu u ogaado baahida jirto iyo meelaha ay rabaain in laga taakuleeyo.
Iyo in hay'adda siday rabto aysan isaga maamulan karin deegaanka ay ka shaqeyso oo waxay rabto ka samayn karto tusaale ahaan bishii la soo dhaafay hay'ad ayaa waxay dibadda ka keentay mashiinno qaali ah si ay tababar ugu siiyaan takhaatiir ka hawlgasha gobolkaas.
Hay'adda waxay ku tali jirtay in markuu dhamaado tababarka in qalabkeeda ay la laabato qalabkaan oo faaido badan ugu jiro bulshada.
Wasaaradda caafimaadka ee meesha ka talinaysay ayaa ka diiday arrintaas in qalabkaan hadduu soo galay wadanka aan la ogoleyn in laga bixiyo sidaa darteed in aad bulshada uga faaideysaan.
Hay'addii waxay ku qasbanaatay in mashiinnadii ay ku wareejisay wasaaradda caafimaadka.
Tani waxay tusaalo u tahay sida wasaaraddu ay hay'adaha wadanka iska maamusha ay wixii dan ugu jira bulshada ay uga dhamayn karto.
Midda xigta waxaa jiro hay'ado wato ajandooyin qarsoon laakiin wasaaraddu ay ogaan karto haddi ay baarintaanno ku samayso, waxaa ka mid ah ajandayaashaas in ay faafiyaan diinta kirishtaanka, dadka u shaqo doontane in ay ku xiraan shardigaas sida hakaan ku cad cabashada ay soo gudbisay walaasheen: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3052.0

5- Ra'yigaaga 3-dee hay'adood ayaad is leedahay waa kuwa ugu waxqabadka muuqdo oo bulshada waxtarkoodu laga faaiday, maxaad talo ahne ayaad u jeedin laheed hay'adahaas?
I- MSF "Hay'addaan waxay ka howl gashaa gobollada dalka badankood, waana hay'ad dhexdhexaad ah oo siyaasadda soomaaliya ka fog, waa hay'ad waxtarkeedu muuqdo, musuq-maasuq qofkii lagu arko ama bulshadu ka soo dacwooto shaqadiisa ku weynaayo.
Waxay kaloo bixiyaan tababarro caafimaad oo joogto ah dal iyo dibad labadaba.
II- WHO "waxay bixisaa tababarro badan oo lagu dhisayo shaqaalaha caafimaadka soomaliyeed waxayna taakulaysaa isbitaallo badan waxayna la shaqeysaa wasaaradaha caafimaadka.
III- ICRC "Inkastoo hay'addaan lagu xanto in aysan si hoose aysan uga warqabin meesha lagu bixiyo taakuleynteeda laakiin waxay gacanta ku haysaa isbitaallada ugu caansan dalka oo la tacaallo dhaawacyada dagaallada sokeeye.

6- Qaabkee ayaan filnaansho ku gaari karnaa si baahida qaarkeed aan u daboolno ama hawsha aan u sii wadnaa haddii ay hay'addu go'aan in wadanka ka baxdo, deeqdane ay joojiso ay gaarto sida meelaha qaar ka dhacdayba?
Soomaalidu dibadda joogto waxay awood u leeyihiin in ay deeq ku filan hay'ad wadani ah oo caafimaad ay u soo aruurin karaan taasoo taakuleyn joogto oo aan kala go' lahayn ay u samayn karaan bulshooyinka dhibaataysan.
Waxaa kaloo la awoodaa in bulshadu ay hay'adaha ka shaqeeyo deegaankoodu ay la samaysan karaan xiriir gacan-saar leh kaasoo xiriir la leh soomaalida ku nool dibadda si haddii hay'adu u firaaqayso isbitaalka howsha sidii ay u socotay loo sii wadi karo.
Wasaaradda caafimaadka waxay awood u leedahay in ay badasho booska ay hay'adahaan fiiraaqeeyeen ama ay firaaqeyn doonaa.

7- Hay'adaha samafalka soomaaliyeed maxaa u diiday in dowr muuqdo ay ka ciyaaraan daboolista baahida caafimaad ee wadanka ka jirta?
Sida aan u arko badanaa hay'adaha samafalka soomaaliyeed waxaa badankood loo samaystay ganacsi, maxaa yeelay dhibaatooyinka ay gudbiyaan haddii la garawsado oo deeq la soo siiyo wax yar ayaa lagu bixiyaa dhibkii jiray inta soo hartay qofka ama labada qof ee hay'adda lahaa ayay jeebekooda ayay galaysaa. (Inta fikradaas aan ka aaminsannahay hay'adaha soomaaliyeed (NGOs) in aan buuxinno dowrka hay'adaha qalaad way culus tahay.)
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer

Offline Beydan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Doorka Hay'adaha UNka iyo NGOs ee wax ka qabta dalka Soomaaliya?

Anigu waxaan qaba waxqabadyada UNka iyo NGOs ma aha mid wax tar leh sababtoo ah markii ay sheegtaan in total funds oo caafimaad ahaan Soomaaliya lagu taakuleeyey ee kor u dhaafto 100 milyan oo doolar oo aan laheyn proof ama cadeyn in wax dadka loogu qabtay oo dad shisheeya ah ay qaataan inkastoo ay yar tahay waxa gaara dadka Soomalida ah ee hay'adahan u shaqeeya. Waxaan dhowr wiig ka hor ka daawaday TV universal in Somaliland hay'ada WHO ay geysay dawooyin dhacay iyo kuwo expiry date koodu oo uu ahaa February 2011 oo ay xukumada Somaliland soo bandhigtay laakiin arrinta wax sii raac raacey ma jiraan ma aqaan ma dowladi baa lacag qaadatay waxan anigu doonayey in xukuumada Somaliland ay geyso golaha qaramada midoobey oo lagu fadeexeyo Hay'adan WHO ee lagu qabtay falkan xun. Dabcan qeybaha kale ee Soomaliya wey geynayeen ileen iyagu isugu mid ayaan nahay. Waxa cajiib ah marka Soomaaliya there is no control and accountability Hayadahan waxey sameeyaan sida ay iyagu doonan. Anigu Marka waxa iga talo in haddii aynu Soomali aynu isku tashano oo qof waliba ee Dhaqtar, ama Scientist ah iyo dhamaan xubnaha Somalidoc aynu sameynu urur sameyno oo ka hadla arrimahan oo kale dalka Soomaaliya dhalinyarada bahda caafimaadka ay ka hadlaan oo aysan u ogalaan in dadkeena dawooyinkan la siiyo. Wixi hore u dhacay dhace balse Soomaali ha isku tashto. Waxaan ogahay in Hay'adahan aysan dooneyn inay Soomaaliya nabad hesho sababtoo ah dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya iyo Dowlada TFG duba weli wax si sax ah ula xisaabtamey ma jiraan. Marka kalena arrintan xanuunka leh ee dadkeena Soomaaliyeed heysata waxa xudun ah xalaada qabiil ee ay dadka Soomaaliyeed ka dhigteen diin iyo dowlad laakiinse bahda caafimaadka baratay ee daacada wadankooda ka ah waxan ogahay in ay doonayan isbedel arrintan.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Waxqabadka hay'adaha samafalka dhinaca caafimaadka wuu liitaa mana gaarsiisna heerkii looga baahnaa waana ku waafaqsanahay Beydan.
Lacagaha in yar ayaa la soo gaarsiiyaa dadka loogu talagalay inta kale badankeedna waxaa lagu bixiyaa Nairobi.
Sanad walba sanadkii ka dambeeyane proposallada la qoro waxaa lagu sheegaa in baahidii ay ka badantahay tii hore sidaa awgeedne waa in lacagta la badiyaa maadaama lacagihii loogu talgalay mashaariicda ay yaraadeen.
Waxaa laga yaabaa lacagahaas badankeed in ay ku baxday meelo aan muhiim ahayn oo faaido muuqato aanan ugu jirin dhibanayaasha.
Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in algu kireeyo diyaarad usbuuc waliba laba jeer timaado meesha mashruuca laga fulinayo iyadoo lagu soo kireeyay lacag gaaraysa 20,000$ halkii mar. waxa ay u timid diyaaraddaasne aysan muuqan ama aysanba wadin waxne laakiin uu jadwalkeeda ahaa in ay soo caga dhigto maalintaa oo kaliya. waa wax aan indhahayga ku arkay.
Si lacag loo helaa waa in la qarash gareeyaa inta la soo qaaday.

Waxaa waxqabadka hay'adahaan lagu wanaajin karaa in lala xisaabtamo oo laga warqabo waxa ay ka fulinayaan wadanka gudihiisa.
Ama in laga kaaftoomo oo hay'ado ka duwan hay'adahaan la sameeyo sida hay'adda QUESTS-MIDA oo farac dhawaantaan ay sameeyeen hay'adda IOM iyo UNDP oo ay takhaatiirta soomaaliyeed oo takhasuska leh kuna nool wadamada dibadda sida Europe in wadanka u soo dirto muddo gaaban si ay uga shaqeeyaan, aqoontoodne ay uga faaideeyaan.
Laakiin hay'addaan ayaa waxaa fiicnaan laheed in mashruucaan ay muddada takhaatiirta ay joogeyso dheereyso, wadamada qeybihiisa kala duwanne ay geyso takhaatiirtaas.
Qorshahaan waa qorsho sahlan oo soomalaida haddii ay u istaagto oo isu xilqaanto ay wadi karto in aqoonyahannadeena dibadaha jiro aan keensanno si aan uga faaideysanno.

Uma malaynayo in wasaaaradaha caafimaadka ay wax ka qaban karaan hay'adahaan maxaa yeelay waxaa laga yaabaaba in wasaaradda shaqaalaheedaba ay biilka ka helaan hay'adda u baahanba in lala xisaabtamo.
Gacan wax ku siisane lama qaniino.

Waxaa noo diiday in aan yeelanno hay'ado samafal oo baahideenna daboolo waa qabyaalad iyo reer hebelnimo, qof waliba wuxuu ka fakarayaan sidii ciddiisa meel u gaari laheed cidda kalane ay u baabi'i laheed, xitaa dad aqoonyahanno ah oo sidaan u fakaraya ayaan arkay oo qabyaalad ka buuxsan.

Ilaahayow Dal Nabad Qaba Iyo Dad Caafimaad Qaba.
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
The Minister for Health in the Somali Transitional Federal Government took a brave step after he left a meeting with some UN agencies in Nairobi.

The minister walk out of the meeting saying that he is not ready to deceive his people, the UN agencies in Nairobi wrongly mange the projects which they implement in Somalia, and they do not also respect the vivid administration.

Read the full Story here
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33519
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21081
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53535
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22565
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo baabi'iyaa meelaha cad cad kadib markuu ruuxa caatoobo?

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 50513
Last post May 19, 2012, 12:50:12 PM
by SomaliDoc