Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maxaa keeno Cudurka Galaha?
Cabdidheeere:
asc walaal wana idin salaamay dhaqaatiirta sharafta leh ee noo hagar baxaya walal su'aasheydu waxaa weeye waxan jiraa 27 yaraateydii waxaa ibarari jirtey xiniinta bidix mar mar wayna iska raysan jirtey mudo sanada ah isku man arag saaka ayan iyadoo ixanuunaysa soo kacey ilaa gumerkana xanuun ayan kadareemayaa waxogaa olol ah marka walal maxaad u malayn haysaan ad ayan idin salaamay wax galmo ahna masameyn waqti dheer calool istaag waan leeyahay xanunka ka hor iyo gas asc
walal faah faahin ayan idin ka sugayaa wabilaahi tow fiiq
Asc walalal aad ayad u mahadsan tahay dr ilaahay kumanka naarta laga xoreyn hakugu daro walal, walal xiniinta modo hore ayay i barari jirtey laakin in mudo ah isku ma aran mudo 10 cisho laga joogo ayay xanuun saa id ah keentey waxaan la xiriiray dr waxuu iidiray baadhitaan conputer ayaa xiinta la iga bariyey waxuu sheegay in ay jiraan small Varicocele xanuunka ilaa gumeerka sare waa ixanuunaa ilaa dhinaca bidixda ee misikta ilaa dhabarka dr maxaa igula talin lahayd xanuunkan xaalkiisa isoo faah faahi iyo daawadiisa qeer ilaahay haku siiiyo asc
SomaliDoc:
Cudurkaan waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa "Varicocele", waa bararidda arooriyaasha dhiigga ee qooraha, haddii xididka arooriyaha (Vein) uu dhiigga safiican uga saari waayo qooraha waxay keensanaysaa in dhiig badan xididada ku aruuraan oo ay fadhiistaan taasoo barar burtuqyo oo kale uga muuqanyso xaniinyaha korkooda iyo gadaashoodaba.
Varicocele wuu ku dhacaa hal xiniin ama labadaba, laakiin boqolkiiba 85% wuxuu ku dhacaa xininta bidix maadaama xididka arooriyaha bidix uu ka cadaadis badanyahay kan midig, dhiiggane toos ugu shubo arooriyaha weyn oo sida tooska ah u taga wadnaha.
Xanuunkaan Varicocele waxaa lagu tiriyaa xanuunada ragga u keena madhalysnimada, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 15% sababaha ragga madhalaysnimada u keena, waxayna ka timaadaa unugyada dhalmada qaabilsan oo howlgaba, sababtuna waaa heerkulka dhiigga xiniinta ku raagay oo sarreeya, heerkulkaasi wuxuu yareeyaa tirada iyo tayada shahwada.
Sababta xanuunkaan loogu baraarugo waqti dambe waa iyadoo aysan jirin calaamado qofka walaac ku abuuri kara sida xanuun, daqnasho, isbadal muuqaal wayn IWM, Cilladaani si kadis ah kuma timaado, muddo ayay qaadataa inay samaysanto, midda kale qasab maahan qof walba oo astaamahaan isku arkay inuu madhalays noqonayo.
Xididada arooriyaasha Alle wuxuu ku dhex abuuray wax loo yaqaano Haniye (Valve) oo howshoodu tahay in dhiigga uusan dib ugu soo laaban meesha uu ka baxo, cilladaani waxay timaadaa markuu haniya shaqayn waayo ama daciif noqdo, taasi ayaa keento in dhiigga mar walba dib u soo laabto oo xaniinta ka bixi waayo.
Calaamdaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah:
Badanaa calaamdo ma lahan dadka qaba cilladaan, laakiin waxay dadka qaar dareemi karaan xanuun xaniinyaha ah, culeys laga dareemo xiniinyaha, xiniinta oo baaba'do ama yaraato muddo kadib iyo xididada bararkooda oo soo kordho.
Sidee loo hubin karaa xanuunkaan?
Waxaa xanuunkaan lagu garan karaa xaaladaha qaarkood wiisito muuqaaleed, laakiin markii bilaw ay tahay oo aad u yartahay waxaa lagu ogaadaa baaritaanno ay ka mid tahay:
* Ultrasound kalarka ah (Doppler Ultrasound).
* Baaritaan heerkulka xiniinyaha.
* Baaritaan xididada arooriyaasha.
Waxaase ugu muhiimsan baaritaanka ugu korreeya, waana muhiim in cilladaan laga sooco dhowr xanuun oo badanaa lagu qaldo waxaa ka mid ah Eeranada qoraha gasho (Scrotal hernia), Biyaha xiniinyaha galo (Hydrocele), Jugta xiniinyaha gaarto (Testicular hemorrhage or hematoma), Caabuqa xiniinya ku dhaca (Orchitis) Iyo kuwa kale oo badan.
Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Haddii aadan xaas lahayn, wax xanuune aysan kugu hayn ama baaritaanka shahwadane ay normal tahay ama caruur aad dhashay, wax daawo ah uma baahnid, waxaana cilladaan ay ku badan tahay dadka caatada, da'dooduna u dhaxayso 15 illaa 25 sano.
Haddii xanuun uu jiro ama shakki madhalaysnimo ay jirto ama cabsi alga dareemo baaritaanka shahwada, waxaa qofka lagu sameeyaa qalliin haddii loo yaqaanno "Varicocelectomy" taasoo lagu xirayo xidddada jiran.
Farsamooyin qalliin kale way jiraan oo loo adeegsado xaaladdaan, taasoo hadii aad u baahatid kaala hadli doono dhakhtarkaaga.
Xanuunkana ma soo laaban karaa?
Rajada ka soo kabsashada xanuunka waa mid fiican inkastoo boqolkiiba 5% ay soo laabato ama dhici karto ina xaniintu ay biyo galaan taasoo isku badasho xaalad kale oo loo yaqaanno "Hydrocele" tanne qalliin kale oo sahlan ayaa lagu saxaa iyadane.
Haddii aad u baahan tahay faahfahain dheeraad ah ama xiisaynayso inaad dhakhtarka toos ugala tashatid cilladaan, waxaad ka faa'idaysan kartaa barnaamijka la sheekeysiga dhakhtarka, adigoo massage noogu soo dira boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Caafimaad buuxa baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com
Cabdidheeere:
asc walaal aad ayad u mahadsantihiin sida fiican eed iiga soo jawaabteen qeer ilaahay ha idinka siiyo walal waan fahmay marka walal
xanuunka joogto ayuu iihayaa waliba xiniinta kale xataa waa iga xanuuntaa in kasta oosan iyada xidideeda dhiig fadh fadhiyin marka walal su'aasheydu waxeytahay xiligan ma awoodo qaliin
xaalado dhaqaale marka maxaan xanuunka ku dhimi karaa walaal aad ayad umahadsantihin baara kalaahu fiikum drs asc
SomaliDoc:
Heerka uu marayo xanuunkaaga iyo in aad qalliin ka badbaadi karto waxaad kala tashataa takhtarkaaga si laguu baaro loona ogaado.
Mahadsanid
SomaliDoc
Guul Wade:
asc waan idin salaamy sharaftaleh walaal waxaan qabaa xanuun kaan varicocele waxaa la igu samayeeyey qaliin xiniinta bidix ah 7 sano kadib ayaan dr u tagay india waa la isaaray altrasound 2 bada xiniiyoodba natiijada waxay noqoty inuu wali cudurka jiro lkn labada xaniiyoodba uu ka jiro marka wuxuu dhahay dr ka waxaan kuu dirayaa semen analysis hadii sperm kaaga uu ok noqdo ooma baahnid qaliin resultgii semenka wuxuu noqday 32% wuxuu dhahay ooma baahnid qaliin daawana kuma siinayo ee bax iska tag marka xiniinta midig ayaan wax yaroo gubosho ah markaan aad u kacsado oo ay biyo iga imaan .......marka maxaad igula talin laheedeen/\?....
waad mahad santihiin
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version