Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maxaa keeno Cudurka Galaha?
SomaliDoc:
Sida aan kor ku soo xusay, xanuunkaan Varcocele ama xidido bararka xiniinta wuxuu keenaa madhalaysnimo, waa haddii uu dhaawac gaarsiiyo unugyada soo saarayay shahwada, sidaa darteed ayuu takhtarka shahwadaada u baaray, inkastoo 32% aysan cadayn waxa aad ka wadid, maxaayeelay baaritaankaan qeybo badan ayaa laga fiiriyaa shahwada oo jawaabta way ka badan tahay warbxinta aad noo sheegtay.
Tusaale ahaan sida jawaabta semen analaysis loo soo qoro, halkaan ka akhri: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5340.0.html
Haddii jawaabtaada oo dhameestiran heli karno waa laga yaabaa in aan kuu fasirno jawaabta uu takhtarka kuu siiyay waxa uu ula jeeday iyo wixii talo habboon inaad samayso.
Caafimad ayaan kuu rajaynayaa.
Mr.cabdi:
aasc walaal wana idin salaamay dhaqaatiirta sharafta leh ee noo hagar baxaya walal su'aasheydu waxaa weeye waxan jiraa 24 yaraateydii ilaa iyo hada waxaan xaninta bidix kuleyahay burtuqyoyar xanun ma igu heyso. burtuqyadaas malintaan arkaayay ilaa iyo manta wax is badal ah ma ku arkin burtaqyadas markaan jiifo mala arko macni maqaban kartit . marka maxaa igula talin laheyd . max xas ahna ma lihi .
dhanka hamiga raga waa okei.
SomaliDoc:
Sida aad u sheegeyso waxay u badan tahay in xanuunkaan aan kor ku soo xusnay oo yar inuu ku hayo, wayna dhacdaa, dhib hadaysan kugu haynin, hal xaniin ay tahay, weligeedna intaas ay la ekeyd oo aysan burtuqyada sii siyaadin, wax dhib ah ma lahan.
Mida u baadan in wax laga qabto waa mida aan kor uga shekeynay.
Sababta aadan u qaban karin markaa jiifatid waxaa waaye in qulqulka dhiigga ee xididada ka soo buuxsamay ayaa dib ugu laabanaya xididada waaweyn ee caloosha sidaa ayay burburtuqyada u yaraanayaa, haddii aad istaagtid ama fadhiisatidne dib ayay ugu soo laabanayaan meeshooda.
Mr.cabdi:
sax waye Dr markaan is taago waa isku arkaa . lkn xanun oo mel dher ah ayaa mar mar ka daremaa mida bidix tan midigna markaan taabto xanun damqasho cml ah daremaa . labada xanin waa isla egyihiin markii laga reebo burtuqyada-
nigisyada igu dhan ma wadan karo sababtoo ah xaninyaha ayey iga qabanayaan.
dhaqtarka in aan u tago oo is baro ayaan rabaa .
intas yar oo biloga ah soo malaga hortagi karo.
SomaliDoc:
Waa fikrad fiican, takhtar la xiriir si uu fikrad buuxda kaaga siiyo dhibaatada aad dareemeyso.
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
[*] Previous page
Go to full version