Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxaa keeno Cudurka Galaha?

<< < (4/4)

Jimale Farah:
ASC Dr walaal waxa jira wiil ku dhashay asago ay ka maqantay xiniinta bidix waxa uu guursay gabadh waxay is qabaan muddo sanad ah wax caruur ah isumay yeelan
Marka wax saamayn ah ma ku yeelan kartaa xiinta maqani arinta dhalmo la,aanta?
Mahadsanid

Ali Omar:
Dr aad baad u mahadsantahay. Khayr badan Allaha kuugu bedelo shaqada wacan eed Soomaali u hayso. Calaamadahan varicocele eed sharaxday ayaan isku arkay muddo 10 sano ka hor ah. Wax xanuun ah ma lahayn balse burtuqyo ayaan ka dareemay xiniinta bidix hoosna way u dhaadhacday. Warwar badan baan ka qaaday markii aan isku arkay. Ilaa xilligaas waxba iskama bedelin; macnaha xanuun kuma soo kordhin calaamadihiise wali way muuqdaan. Hadda 33 jir baan ahay 6 sano kahorna waan guursaday. Allaah mahaddii 3 carruur ah baan dhalay oo midka ugu yari bilooyin jiro. Maaddaama aan akhristay in xanuunku muddo qaato oo uu aakhirka dhib keeni karo ayaan damcay inaan talo ku waydiiyo. Ma u baahanahay inaan dhakhtar aado anigoon qabin wax dhib ah oon ka ahayn burtuqyo xiniinta bidix korkeeda ah iyo xiniinta oo ka dheeraatay ta kale muddo 10 sano kahor ah ilaa muddadaasna sidaas ahayd?

Cabdi12:
Waad mahadsantihiin bahda somalidoc.com waxaan isku arky aniga cilada ah qoore xanuun waxaa isii dheer in uu labada xanuuniyod midkaa bidix u dheeryahay mida kale markaan kadinayo  dheg dheg ayaan dareema waliba xanuun ayaan qooraha ka darema marki aan istaago maxaa jira mala dhihi karaa waa ciladani

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version