Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxaa keeno Cudurka Galaha?

<< < (3/4) > >>

Khaalid Yusuf:
asc waan salaamayaa dhaman dhaqaatiiirta   hadii qofku qabo xanuunka Varcosele  ama xidida bararka looyaqaan  hadii uu dhakhtar u tago oo la baaro ma dhalees inuu yahay miyaa jawaabta soo baxdaa? mise rajo  ayuu leeyahay  uu ku dhalo wad mahadsantihin.

SomaliDoc:
Qasab ma ahan qof kasto oo qabo Varcocele in uu ma dhalays yahay, hadduu xanuunka raago, wuxuu saameyn karaa unguyada shahwada, in iyaga la baaro ayaana lagu ogaan karaa in aad ma dhalays tahay oo shahwadii soo saaristeeda yaraatay iyo in kale, laakiin baaritaanka lagu ogaado varicocele-ka sida in la saaro computer oo kale ma lagu ogaado madhalaysnimo.

Khaalid Yusuf:
Aad ayad  u mahad santihiin waxan idin waydiin lahaa sababta keenta xiniinyo bararka  Varcocele  ma  xididada oo howl gabaa mise waxaa keena xanuun  ku  qabta oo aad dareemayso oo asal ka yimi galmada ama siigada intee ka bilaabmaa xanuunkan markiisa hore mise hal mar ayad isku arkaysaa xaniinyaha oo bararay?

SomaliDoc:
Varicocele badanaa ma lahan xanuun qofka qabanayo oo uu dareemayo, mana ahan xanuun galmada la xiriiro waa cillad ku timid xididada qooraha oo aanan dhiiga qulqulkiisa wadi karin oo keenaysa inay bararaan oo dhiiga ku haro.

Asalkiisa wuxuu ka bilawdaa in haniyaha arooriyaasha "Vein valves" oo ah cad yar oo sida carabka oo kale oo eebe ku abuuray darbiyaha gudaha ee arooriyaasha, howshiisane ay tahay inuu ka qeybqaato habsami u socodka qulqulka dhiiga markii ay jiradaan, taasoo keenaysa inuu dhiiga ku aruuro xididada arooriyaasha kadibne ay bararaan.
Waa cillada ku wada dhacda xididada arooriyaasha, gaarne uma ahan xanuunkaan kaliya, dad ayuu kaga dhacaa lugaha, dad ayuu caloosha kaga dahcaa, dad ayuu dabada kaga dahcaa iyo meelo kalaba.
Waxaan rajaynayaa in aad fahantay.
http://somalidoc.com

SomaliDoc:
Waxay ku xiran tahay xanuunka inta muddo uu hayay iyo baarista shahwada waxa ay sheegtay baaritaanka ka dib.
Laakiin adiga maadaama baaritaanka waxne uusan sheegin, haka welwelin cudurkaan maxaayeelay ma ahan wax qarsoomi karo.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version