Author Topic: SU'AAL: DAWAKHAD iyo HUNQAACO?  (Read 4685 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hotboy911

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SU'AAL: DAWAKHAD iyo HUNQAACO?
« on: July 26, 2012, 05:12:27 PM »
Ramadaan kariim

Dhakhatiirta aad ayaan u salamyaa

Intaa kadib hadii aan u gudbo su,aasheyda oo ah aniga oo isku arkey HUNQAACO IYO DAWAKHAAD marka aan raaco basaska AC leh kaas o aan u raaco ilaa 800 Km  12 sacadood soconaya .

Iyo markaan raaco Diyarada .

Hada doctere labda aan sare ku soo xusay labaduba waxa ay leyhiin AC iyo woxoogaa ruxruxid amaba shaking ah.

Marka aan raaco gaadhiyashan cadiga ah ee aad daqada furo wax dawakhad amaba hunqaco ah madareemo,tusaale ahaan habeen dhaweyd ayaa waxaan safray ilaa 750 Km buss kasa oo marna laami marayay marna raf waxaan fulay 4 pm laga bilaa xigan ilaa markaan kadagay 8 am next morning waan dawakhsana waan hunqacayay dhinacaa iyo dhinacaa toona maan eegi kareyn.

Dr. markaa maxad igula talin laheyd adigoo aad u mahadsan mada aan joogno wadan aan xata khakhtarku aad ku fahmeyn,takale waxan dacarta somalidu utaqaana waan leyahey .

Talo Wacan Insha alaah.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: DAWAKHAD iyo HUNQAACO?
« Reply #1 on: October 31, 2012, 06:05:13 PM »
Dareenka ah in aad wareerto oo matagto markii aad safardo waa mid dabiici ah waxaana loo yaqaanaa "Travel Sickness" ama "Motion Sickness", taasoo boqolkiiba 30% ay ku dhacdo.

Waxaa lagu kala gadisan yahay kaliya nooca wareerka aad qabto, dadka qaar waxay ku dawakhmaan diyaaradda markay fuulaan waxaana loo yaqaanaa "Airsickness".

Qaarne markay fuulaan gawaarida ama doomaha.

Dareenka wuxuu ku yimaadaa sida lagu fasiro, qofka oo ay dhibto dhaqdhaqaaqa hareerihiisa oo indhuhu arkayaan ama uu dareemayo isagoo arkaynin.

Arintaan waxaa looga hortagi karaa dhowr shey taasoo ay ku xiran tahay in dhibaatada wareerkaan ay ka dhalatay in ay indhahaaga ay awoodi waayaan aragga gawaarida ama geedaha baabuurka uu ag marayo xawliga ay ku dhaqaaqayaan.

Haddii sidaa tahay waxaa lagula taliyaa qofka sidaada oo kale ah in indhaha uu daboosho ama uu hurdo markii safarka bilawdaba, ama isku mashquuliyo inuu wax akhriyo laakiin uusan daaqadda eegin.

Haddii cillada aysan aragga la xiriirin, waxaa dadka qaar lagula taliyaa in ay wax ruugaan sida xanjada oo kale ama ay qaataan daawooyin loogu tala galay.

Warka gunaanadkiisa waa arintaan in ay tahay wax dabiici ah oo aadan u baahnayn welwel badan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Madax xanuun sidi dawakhad oo kale?

Started by Liban Ali KhataraawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4364
Last post March 27, 2019, 09:22:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan darema dawakhad iyo argagax?

Started by Dalmar99Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3022
Last post March 30, 2016, 04:07:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hunqaaco ama matag badan?

Started by Abdulahi Tayo MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5267
Last post December 02, 2017, 09:01:11 PM
by SomaliDoc